Madaxweyne Deni maka baaqsanayaa shirka Muqdisho, Maxaase ka dhalan kara?

MUQDISHO(P-TIMES) – Baarlamaanka Puntland ayaa shalay go’aamiyey in Madaxweynaha Puntland Siciid Deni uusan ka qeybgalin wada hadalada loo madlan yahay ee 5ta bisha July ka furmaya magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhexmaraya Madaxda dawladda Faderaalka Soomaaliya & kuwa maamul gobaleedyada loogana hadlayo howlaha la xariira doorashooyinka, Amniga Qaranka & Mashaariicda horumarinta ee dalka.

Baarlamaanka sababo cad ma sheegin, waxayse sheegeen in ansixintii baarlamaanka ee xubnaha Mataalada gobalka Banaadir ay ahayd sharci darro, loona baahan yahay in la saxo kahorna uusan tagin Karin Madaxweyne Deni madasha wada hadalka.

Siyaasiin badan ayaa dhaliilay go`aanka baarlamaanka oo ay sheegeen in uu ahaa mid ay ka dambeysay Xukuumaddu oo ay abaabushay iyadu, waxaana talaabadaas loo arkay in ay tahay qar iska xoornimo siyaasadeed oo markale soo wajahday.

Madaxweyne Deni ma shaacin ilaa hadda in uu tagayo wada hadalka Muqdisho oo uu jeedin doono doonista Puntland iyo in uu ka baaqsan doono oo maamulkiisa oo wax tabanaya aysan geynin fagaaraha wada hadalka ee qadiyadan looga hadlayo.

Ka sokow, in warar ku dhaw Madaxweyne Deni ay sheegayan in uusan aadeyn magaalada Muqdisho, kana baaqsanayo wada hadalka Muqdisho, haddana maahan kuwa ilaa hadda ay shaacisay Madaxtooyada Puntland.

Warar ayaa sheegaya in maalinta Khamiista ah ay Puntland shaacin doonto go`aamadeeda ku wajahan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaana shirka loo madlan yahay 5da bisha July oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

12 Comments

  1. Maal mahaan MAXAA KA DHALAN KARAA na qabsatay.

    Kama hor dhacaayo, laakiin aaway qudbad ISNIINEEDkii Deni jeedin jiray?! Denise xagguu hadda ku sugan yahay? Ma Gal-nus buu iska dhiibay ,waakii nabadda dhagax dhigayaye? Bal marka hore soo hela halka uu ku sugan yahay, deedna aan wax iska waydiinno waxa ka dhalan kara haddii laga baaqsado ciyaaraha ka socda Muqdisha.

    Anniga oo ah hoggaamiyaha ruuxiga ah ee BEDBAADO KHAATUMO, aad baan ula dhacsanahay halka ay ciyaartu kala marayso. Waxa aannu cod dheer ku taageeraynaa MAQAAMKA BANAADIR & DIB U DHACA DOORASHOODHINKA.

    UGU DANBAYNTII, aniga oo ku hadlaya magaca aan kor ku xusay, waxa aan dalbanayaa in xildhibaanadu ay geeyaan MOOSHIN ay ku dalbanayaan in ismaamul loo oggolaado gobolada SSC, oo ay deggan yihiin ummad farabadan oo xitaa Hawiye uu ka mid yahay, oo ayna horay ISBAARO ugu dhigteen reer GAROOWE. Waxa kale oo aan codsanayaa in 13ka sanatoor ee gobolka Banaadir, nalaka siiyo hal xubin.

    Ummadda Soomaaliyeed ha aragto dhibka ay Garoowe nagu haysay iyo ISBAARADA ay noo dhigteen, tiiyoo ay hadda rabaan in ay u dhigtaan Banaadir iyo dawladnimadii Soomaaliyeed; aad baan ugu faraxsanahay in dadku nala arkaan. Horaa loo yiri anigu ku sheegi maayo e, yuusan camalkaagu ku sheegin.

  2. Growe dhib idinkuma hayo, in aad wax noqotaana wey rabaan. waa idinka waxa hadba gar u cararaya ee dabadhiliyada noqdey, bal horta Gobolada aad sheeganeysaan xoreeya, sow tan la idiin diidan yahay in aad ceel qodataan, ama qof dhintay aad aastaan iyadoo aan gebiley laga soo ogolaan. Wax aan dhibaati aheyn Puntland idinkuma qabto, meeshaad rabtaan aada.

  3. Deni muxuu Gaalkacayo kula dhuumanayaa?

    WARARKU WAXAY SHEEGAYAAN IN UNDER QOOR-QOOR KA DALBADAY INUU KA SAACIDO SIDU KULA XIRIIRI LAHAA FARMAAJO,UUNA DHEX DHEXAADIYO,UUNA KA QAYB GALO SHIRKA DAWLADU ISUGU YEERTAY MAAMULADA.

    Qorshahaas baa socda…..

  4. Siciid Deni sumcadda wanaagsan ee uu u dhimanayo in uu kala hoydo Puntland iyo tolweynahiisa Daarood ma aha mid Villa Xalane taalla ee waxay uugu jirtaa isla Puntland gudaheeda. Xamar tiyaatar siyaasadeed ayaa loo adeegsanayaa hadafkiisu uu yahay in shacabka Puntland, Jubbaland, iyo maamullada intooda kale looga jilo riwaayad khayaal ah ee calanka buluugga ah lagu guntiinadeeyay, riwaaddaas oo dagaal maskaxeed oo xooggan looga dhiganayo maan iyo mariin habaabinta shacabkan aqbaliyaddiisu uu hanaanyada dowliga ee caalamiga ka jaahilsan yahay. Waa shaxda isku dirka madaxda iyo shacabkooda ee calanka buluugga ah loogu beerlaxawsanayo tan u muuqata in uu Farmaajo mabda’iisa qallafsan ku meel marsanayo oo uu madaxda maamullada ugu tunka weyn boqonnada kaga goynayo.

    Qaladaadka straatijiga ah ee ay hoggaanka Puntland ku dhaceen waxaa uugu door roon in waagii qorshaha geeddisocodka dalka loo dejinayay ay si xun u gabeen in ay Puntland xaqeeda kaga soo aaddanaa miisaaniyadda Soomaaliya loo qoondeyn doonay toos loo guddoonsiiyo oo aan Xamar loo soo maranin. Qalad straatiji ah oo aad u xun ayuu kaasu ku noqday oo ay Puntland si ba’an u eedday. Iskayeelyeelkii “hooyada Soomaaliya” ayaynu nahay maxay maanta dhalisay? Siciid Deni hadda ayay fursaddu u taagan tahay oo waxaan kula talinayaa in uu tallaabooyinkan qaado:

    • 1. In uu shirarka ku soo aaddan bataatan ba qaaddaco oo uu beesha caalamka toos ugu iclaamiyo go’aankaas.

      2. In uu dhammaan xubnaha Puntland kaga jira labada gole ee baarlamaanka Xalane iyo kuwa dowladda Farmaajo ku matala degdeg uga la soo baxo oo ay Puntland ku soo laabtaan.

      3. In uu sidaasi si la mid ah kula taliyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay iyaguna tallaabooyinkaas qaadaan.

      Buuqa ka dhasha waxaan idiin hubaa in ay beesha caalamku isku dhex yaaci lahayd oo ay iyada oo caga caddaan ku ordaysa Garoowe iska soo xaadirin lahayd. Marka ay taasu dhacdo ayay Siciid Deni iyo Axmed Madoobe u sugnaan lahayd fursaddii ugu dahabsanayd ee ay Xamar ku muquuniyaan in ay dalabyada labadan maamul sandulle ugu fuliso ee ay ka koow tahay in xaquuqda miisaaniyadda dalka ay ku leeyihiin toos loo guddoonsiiyo waxii bishan bilanaysa laga billaabo. Shuruudaha kale na way ku daba lifaaqi lahaayeen.

      Waxaa intaas xigi lahaa in ay dakhligaas soo galay horumar degdeg ah ugu fuliyaan deegaannada xaqiran oo ay dowladahooda qummaati ugu sii tayeeyaan. Marka ay siyaasadda noqoto, RAGANIMO RAKKO AYAY KU JIRTAA OO LAGA LA SOO BAXAA. Ajeendaha Soomaaliya waxii markaasi ka dambeeya Garoowe ayaa laga daaddihin lahaa sidii waagii ay Puntland ilkaha sare lahayd.

  5. waa wareey war suldaankii baa soo dhacay kkkkk. suldan @Boodhari soo dhowoow adoo mahadsan meeshaan gashaadaa waa abaaroodey kkkkk kkkkk. welcome back sxb. haddee talooyinkaas oo kalaa loo baahnaa waana kugu raacay 100% suldan. noolow.

  6. Markii uu Shacbigs Somaliyeed uu arko/fahmo dhibta/ lugooyada/khiyaanada uu Ismaqiiqe farmaajo uu hayo Somalia, ka dib, oo ay iska eryaan, markaa ka dib ayey Puntland dib ugu laaban Xamar waxna la qabsan Xamar. Inta uu joogo Ismaqiiqe farmaajo oo khatar ku ah midnimadda iyo wadajirka Somalia waxba ku darsanmeyso. Iska erya markaas ayaa wadajirkii, walaalnimadii Somailyeed soo noqon.

  7. Ahlan Wasahlan Mudane Jimcaale,

    Bog kale na waan ka dul dhacay farriintaadan qimaha badan. War ina adeer aad baan marka hore kuu salaamayaa. Si kal iyo laab ah ayaan kaaga mahadnaqayaa sharaftaa, tolnimadaa, iyo qaddarinto aad ii hayso aniga oo in ka badan kuu haya. Inta kula midka ahina sidaas oo kale.

    Jimcaaloow, meeshan malaha waxaad ka tahay “the silent majority” waayo wax badan kuma soo darsatid kkk. Rabbanaa Yacizak walaale.

  8. Midnimada iyo wadajirka somaliyaa waxaa khatar ku ah Ismaqiiqe farmaajo, wuxuuna rabaa inuu sidii adeer Dhulgub Afweyne inuu somaliyaa uu uga cararo meel cidla, ka dib mar uu iska horkeeno Shacbiga Somaliyeed. Markii Somaalidu iska erido sidii adeer Dhulgub Aweyne ayey Puntland dib ugu soo laaban, halkaasna waxaa dib uga wada jirkii iyo midnimadii Somaliyeed.

  9. War maxaa dad kala dan ah oo,mid waliba waxa uu sheegayo ay ujeedo badan tahay,messha ra’yi ah in la iska dhigo,in la taageersanyahay maamulada qabaa’ilka ee Puntland iyo Jubaland,si loo wiiqo in ay Soomaaliya ay dal wada jira noqoto.
    Waa in shacabka Soomaaliyeed ay ka koraan,in maamulada qabaa’ilka sy u qaataan wax keeni kara horumar iyo nidaam dowladeed oo buuxaa.
    2021 haddii ALLE idmo Waxaa la samayn dowlad Soomaaliyeed oo hanata dalka oo dhan.
    1- waxa saldhig u noqonaaya labadii gobol ee Koonfur iyo waqooyi.
    2- waxaa dalja uu noqonaya 10 maamul goboleed
    Lixda hada jirta iyo 4 maamul goboleed oo ka soo baxda gobolada waqooyi.
    Markaadi waxaa dalja ka hanaqaadsya dowlad dalka oo dhan maamusho.
    Wadamada Maraykanka,UN ka,EU da, UK. AU ka, Norway iyo Turkey ga.
    ayaa bixinaaya lacag iyo taakulayn balaaran oo wayb ka noqonaysa soo kabashada dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka Soomaaliya ee dib u midoobay,waa taasi mid bedelaysa,waayadii madoobaa ee soo maray dalka Soomaaliya.
    Guul midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

  10. Odaygi faroole isago leh Hawiye waa mooriyaan Uma qalmaan 13 kursi waa tuugo markasu yiri aawey MADASHI AAWEEY HASAN SHIEKH AAWEEY SHIEKH SHAREEF. KKKK IYAGU WAAYO SO HAWIYE MAHA KKKKK BIYIHI IYO SALIIDI BA ISKU FURMAY WAREER.COM LOOOOOL

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*