Magaalada Addis Ababa oo lagu dilay fanaan caan ah

NAIROBI(P-TIMES)- Heesaagii da’da yaraa ee si weyn looga yaqaanay dalka Itoobiya ee Haacaaluu Hundeessaa ayaa la dilay fiidnimadii xalay saacaddu markay ahayd 9:30 pm.

Taliyaha Booliska magaalada Addis Ababa Getu Argaw ayaa xaqiijisay dilka fanaanka, waxaana dhaawac soo gaaray loola cararay cisbitaalka kaas oo uu ugu dambayntii ku geeriyooday.

Warka ku saabsan dilkiisa ayaa waxaa si weyn uga naxay bulshada Itoobiya, iyadoona dad badan oo Itoobiyaan ah ay u baroorteen geeridiisa si weyn u cambaareeyeen dilkiisa.

Taliyaha Booliska magaalada Adis Ababa ayaa sheegay in dhowr qof loo qabtay dilka fanaanka, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen dilkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*