MUDUG: Heshiis laga gaaray colaad taagneyd 40kii sanno ee lasoo dhaafay & Qodobada heshiiska.

BANDIIRADLEY(P-TIMES)- Wada hadalo maalmo qaatay kana socday degmada Bandiiradley ee gobalka Mudug, Galmudug ayna lahaayeen waxgaradka labo beelood oo wada gobalkaas ayaa lasoo gabagabeeyey, waxaana heshiis laga gaaray colaad iyo dagaalo hubeysan oo taagnaa 40-kii sanno ee lasoo dhaafay.

Colaadan ayaa sababtay dhibaatootin ba’an oo ka dhacay deegaanada galbeedka gobalka, waxaana khasaare xoog badan uu ka dhashay dhinacyo kala duwan.

Labadan beelood oo kala ah Leel-kase (Daarood) iyo Sacad (Hawiye) ayaa dirirtoodu taagneyd tan iyo kahor waqtigii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya.


1 Comment

  1. ASC.
    Waakhyr haddii colaad soo jirtay 40 sano hadda nabad lagu badalay.Laakiin meesha la yiraahdo bandiiradley waxaa waligeed wada dagi jirey Sacad,Leelkase iyo Wagardhac-( Mareexaan).Waxaase magaalada bandiiradley u badnaan jirey Sacad.Laakiin baadiyaheeda waa la wada dagi jirey.Dagitaana magaalada Bandiiradley waxaa loo yaqiin Sacad.Waa intaan garaadsaday.Kor hor wixii jirey ma aqaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*