Muuse Biixi “Muqdisho waxaan kaga dagaynaa Baasaboorka Somaliland”

HARGEYSA(P-TIMES)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda 26-ka June oo ah markii ay goboladda Waqooyi xornimada ka qaateen gumaystihii Ingiriiska ayaa ka hadlay arimo dhowr ah.

Mr. ayaa shacabka u cadeeyey ujeedada looga gol leeyahay qodobka dhinaca is dhexgalka ah oo ku jiray qodobadii kasoo baxay isaga iyo madaxda dowladda Soomaaliya shirkii dhawaan ka dhacay dalka Jabuuti oo ay bulshadu siyaabo kala duwan uga hadleen, waxaana uu yidhi sidan “Wixii is-dhex galaya horta siyaasadii iyadu way reeban tahay xeer baana joojiyey oo iyadu kuma jirto qofkii siyaasad u tagaana waa dambiile qaran, is dhexgalka kale wuxuu ku xidhnaanayaa tusaale ahaan koox kubadda ciyaaraysa ayaaba la doonaya inay tagaan Soomaaliya waa inay tagaan iyaga oo Baasaboorka Somaliland sita oo dawladda Soomaaliya tagtay oo magaca Somaliland ku ciyaaraya”.

Hadalka biixi ayaa u muuqdaa mid uu shacabka ku dajinayo maadaama aragti kala duwan ay ka qabaan shirkii Jabuuti isla markaasna ay dhaliilsan yihiin qaarkood qodobadii shirkaasi kasoo baxay.

1 Comment

  1. kkkkk muuse biciid waa markuu futada ka hadli jirey. ar wuxu xayawaansanaa kkkkk. labo magaalo oo riyuhu dhex roorayaan baa qaran loo haystaa yaab kkkkk. baasaboor kastoo muqdisho ku soo gasho inaad SOMALIA CITIZEN tahay baa dhafoorka iyo barida madow kaaga shaabadeysan yaa bucur baceyr kkkkkk.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*