PUNTLAND: Fursad Albaabka u taagan M/weyne Deni, mise ka faa’iideysan doona!

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, wuxuu hogaamiya Puntland ay ku weyn tahay Soomaalinimada, marnaba aan gorgortan iyo wada hadal laga gali karin maqaamka Soomaalinimo (muhiim maaha khilaafka taagan oo xalkiisu imaan doono, kuwa siyaasadda ku fiiriya Ookilayaha qabyaaladda ayaa wax weyn u arka).

Dooda maalmihii u dambeeyey taagneyd ee khilaafku waa mid siyaasadeed oo daaran danaha siyaasiga soona taagnayd ilaa dawladdii kacaanka ee Siyaad Barre ilaa doorashadii u dambeysay ee Farmaajo oo ay qabaan inta badan siyaasiinta Puntland (Siina socon doonta).

Puntland kama maaranto Soomaaliyada kale, Soomaaliya-na kama maaranto Puntland, taasi waa xaqiiqada taagan oo aan cidna iska indho-tiri karin (Kama hadlayno dadka siyaasada u haysta jaceyl iyo naceyb joogta noqda..Soomaaliya-na cid gaar ah xijiya).

Maanta, fursada taagan waa in Puntland ay diidan tahay waxyaabo baal-marsan Dastuurkii lagu heshiiyey & saami qeybsiga golayaasha sare, waa doodo furan oo hadda u bislaaday in siyaasiintu ay wada hadal ka galaan, (5ta July, shirka Muqdisho Doorashooyinka ayaa looga hadli doona, tabashada PL-na arrimahaas ayay ka mid tahay).

Madaxweyne Deni fursadda uu haystaa maanta waa mid weyn, waa in uu doodiisa miiska geeyo, xujadiisa si adag u gugartamo/difaacdo,waxa uu xaqqa u aaminsan yahay uuna marar badan ka hor sheego dadka Puntland ka jeediyo fagaaraha wada hadalka, u raadiyo xulufo siyaasadeed, noqdana siyaasi biseyl iyo qaangarnimo ku hubeysan (Doodaada oo aad miiska geysaa waa geesinimo sal adag, kama hadlayno xanaaqa iyo jahawareerka oo siyaasiga daaqada ka saara).

Haddii ay dhici weydo, Puntland waxay beel-dareysay yool-weyn iyo fursad siyaasadeed, waxayna marar badan u dhutin doontaa nabarada siyaasiga ah ee sannad kasta soo wajah oo aan loo maareyn sida ugu haboon (DOONI MAYNO 4.5 oo kale, ayaa dhici doonta oo aan waxba lagu bedelin, Ugu dambeyn-na aad aqbasho natiijo aadan waxba ku laheyn, sidaasna lagaaga guulaysto fagaare siyaasadeed-ka).

Waxaa qoray: Farah Abdulkadir Mohamed,

18 Comments

  1. Waa fariimaha villa somaliya kuu soo dhiibtay, inaad dadka reer Pl ku khalkhaliso, midakale Muqdisxho waxa lagu joogaa waa xiniin yaha AMISO. Ragan libaaxyada iska dhigaya waa ninam 20,000 ii ciidan ajaanib ahi ilaaalyo. PL in yar ha adkaysato, marwalba way guulaysataa,ee guushii Jubaland. Arinta 4.5 waxa ay markii hora ahayd khalad uu madaxweynihii
    Gaas sameeyey, waayo pl oo xisbiyo siyaasadeed ka jirin sidee Soomaliya uga jiri karaan, MD Gaas waqtigaa ma sheegin waxa 4.5 lagu badalayo. Markaa taas tusaale kuu noqon mayso.
    Arintu. Imika way ka duwan tahay, khalkhla siyaasadeed Pl uu faa, iido u yahau, dhamaan dawlad goboleedyada oo dhan waxa ilaalisa Amisom. Hdii uu Md Farmaajo korosadana waxa uu waayayaa kalsoonida raga meeshabku ilaajiya ee internation community, Adeer xaalada waad ka dhcasan tahay. Pl waxa ay la dagaalamysaa Toy ama artifical government, iyadiiba magan u ah ciidan shisheeye

    • ASC.
      KU:Naaleeye.
      Waxaan arkay meel uu ku caytamay qofka wata magaca Naaleeye.
      Miskiin yahoow dadkaad cayday meel bay dagan yahiin oo ciddii ka soo muraadaa halkaas bay ugu yimaadaan ee adigu xaggee baa laguugu soo hagaagaa?Tuulada uu reerkiinu u badan yahay waxaa ka taagan SHAN calan oo kala duwan si aad miskastaba shaxaad ugu heshaan.Shanta calanba waxbaad ku shaxaadaa illaa adigu iskuma kalsoonide.In aadan isku kalsoonayn waa mida ku baday dulinimada ad maanta hadba meel ad shaxaadka ugu raadsatid.In aad yeelatid qaran kuu gaara waxaad ka dooratay habka ad hadda ku nooshay ee ay soomaali badan ka faanto.Waryaa dadkaad u gaftay waxay haystaan maamul iyo masuuliyiin ay ku kalsoon yahiin ee adigu maxaad la soo shirtagaysaa?Dhawrkii biloodba meel baad u shaxaad tagtaa.Ugu dambayn markaad nin iska dhigtid oo ad suubsatid meel ad u hoyatid ila soo dood.Laakiin maanta hadal kuuma yaal oo dhulkaagii baad dhaafsatay xoogaa nacfi ah iyo wax ka mida.Qofkaan la hadlayaa waa kan la baxay Naaleeye ee ma aha haybtiisa.

  2. Hadda dhibka ugu weyn oo taagan wuxuu yahay sidee Deni iyo Axmed Madoobe nafsadooda ugu aaminikaraan Farmaajo.

    Wallaahi waxaan shaki ku jirin in uu sumeynayo. This guy is mentally sick and he is capable to do all impossible things.

    Ma aqaan haddii shirka lagu qabanayo Xarunta Xalane oo ay Beesha Caalamka maamuleyso haddii kale Xamar iyo Farmaajo meel la aadikaro xilligaan ma ahan.

  3. Waxaa run ah Ninka qora websites inuu farxaare u shaqeeyo.
    Madaxweyne kaligi taliye maahan
    Wuxuu samaynayo too meeshuu tagayo baarlamaan, wasiiro too siyaasiinta puntland buu kala tashanayaa.
    Puntland hadda Waxaan lugooyo ahayn dawlada farmaajo kuma qabto

    1. Sadex garoon
    2. Dekedood
    3. Wadada Baran inaan dhamayno ayaa nasugaysa
    Ninkasta kabo le eg hahashado

  4. Soomaalinimoda waxa la yiraahdo awalba Reer Puntland bay ka dhiman wayday oo dulmi kasta ugu dulqaatay – qoraaga waxaan u sheegayaa “ Puntland uma dhutin doonto (waa sida aad ku hanjabtaye) Mogadishu iyo xumaanteeda. Waa la kala tashan, adigu yaanan kugu arag irridayda adoo duli ah oo diifaysan, adoo oranaya muslim baan ahay oo ku noolaan waayay godkii dawaco (fox hole) Soomaali u diiday walaaltinimo iyo wada-jir

    • ASC.
      KU:Khaliif Cabdi iyo dadka kaloo sida macquulkaa u soo hadlay.
      1.Marka hore soomaalinimadu waa joogto an marna laga maarmayn.Laakiin way adagtahay in soomaalinimo lala wadaago madaxda beelaha USC.Sababtoo ah marna ma raacayaan nidaamka ay soomaaliweeyn ku wada heshiisay ee ah federal system.Marna ma yeelayaan xaqsoor iyo caddaalad midna.Waxay rabaan waxkasta oo uu adduun weynuhu ugu deeqay soomaaliweeyn in ay afka u dhigtaan kaligood.
      2.Say dad badan yiraahdaan reer puntlaan halgan dheer bay u soo galeen soomaalinimada.Waa la ogaa oo Isticmaarkii ayagaa u badnaa dadkii xornimada soomaaliya u huray dhiigooda iyo maalkoodaba.Reer puntlaan baa gobanimadii soomaaliya ku soo bixiyey xoolahoodii oo aysan oran hanaloo gudo.Reer puntlaan baa soo hindisay Calanka soomaaliweeyn ee ay hadda Mooryaanta xamar shaararka ka toshaan ayagoo dano gaara ka leh.Dulqaadka dheer ee ay reer puntlaan u soo dulqaateen xamar siima jiri doono.Waayo xamar way la garan weyday dulqaadashaday reer caadaysteen.Waxayna u egtahay hadda laga bilaabo in uu maamulka puntlaan la imaan doono arimo ka duwan kuwii horee lagu yaqiin.Reer puntlaan xamar waxay ka joogaan tii ugu dambeeysey.Reer puntlaan lala garan waah soomaalinimaday ka fakarayaan.
      3.Haddiise beelaha USC xamar looga tago oo la isaga dhex baxo soo sidoodii is xasuuqi mahayaan?
      Nin la yiri waa maraykan baa dhawrsano ka hor soomaaliya buug ka qoray.Wuxuu qorayna waxaa ka mid ahaa haddii la rabo in ay xamar degto halagu soo celiyo dadkii waagii hore dhisay ee maamuli jirey.Sababtoo ah buu yiri dadka hadda xamar dagan waxay dani ugu jirtaa in ay xamar ku soo noqdaan dadkii ka qaxay xamar oo ay kala dhexdaan kuwa hadda xamar dagan.Haddii kale ammaan isasiin mahayaan kuwa hadda xamar dagan.Waana runtiis oo waa kuwa intaas shacabkooda la dabo taagan Bomka iyo Baasukaha.Ujeedadayda dhabta ahu waa in ay madxda beelaha usc ogaadaan in aysan reer puntlaan muujin doonin dulqaadkii hore oo kale.Waayo sodan sano bay reer puntlaan ka dhursugayeen beelahaas.Shar ma ahee khayr ka soo bixi waah.Meel uu shar caadi ka noqdayna waa in laga cararaa.

  5. Jubbaland waxay u egtahay inaanay faraha la gelayn khilaaf cusub oo dawlada ay la gasho maadaama dhawaan dawladu aqbashay sharciyada maamulkaas,Axmed madoobena dawladu u aqoonsatay madaxweynaha maamulkaas.

    Puntland waxay kaga dabaalan kartaa duufaanadan siyaasadeed siyaasad degenaan Ku dhisan.

    Marka aad jid qaadayso waxaad isweydiisaa xagee Ku geynayaa?

    Go’aamada aad qaadanaysona waa lamid,waana inaad garan karto waxa and ka doonayso,maxaa ka imanaya?
    Ma jiraa mid kale oo ka haboon?

    Siyaasada ah xiriirkaan u goynay,waan diidnay,waan qaadacnay,lanagalama tashan inta meel fariisato soco weyday ee maxaa xal ah?

    Waan go’aynaa shacabku ma rabaan,mana suurtoobaydo,waayo dalku waa mid,shacabkana wax badan ayaa Ku seegaya iyo maamulkaba.

  6. Markay jiq Ku tahay ayay xasuustaan Sool iyo Sanaag

    SSC yaa diiday inuu noqdo maamul lamid ah kan Puntland shalay?

    Haygu xoqan hada oo aad noqotay wan la gawracay oo aad rafanayo.

    ODAYGII ADEERKAY EE KARAASH AHAA WAR MA LAGA HAYAA?

    BERYAHAN MA KASOO MUUQAN MUNAASIBADIHII LAGU ARKI JIRAYEE

  7. Faarax, qoraalka si fiican baad u dhigtay. laakiin (sida aan qabo) wakhtigeedii wuu ka soo daahay; lamma joogo wakhtigeedii.

    Waxa aan dhagaysanayey su’aalo la weydiiyey guddoomiyaha madaxa bannaan ee doorashoodhinka, Xaliimo, oo ah qof aad u qiimo badan. Hadaladeedii waxa ka mid ahaa, mar wax laga weydiiyey in warbixinteedii lagu sheegay in ay rimman tahay muddo kordhin kale, “hal daqiiqo oo kamid ah wakhtiga aan doorashoodhinka u qabanay haddii la carqaladeeyo, waxa ay ka dhigan tahay in halkaas daqiiqo dib u dhac ku keeni karo ee hannalala shaqeeyo, waa iga AFEEF”.

    Marka, muran kasta oo siyaasiya waxa uu dib u sii dhigi karaa muddada loo asteeyey doorashoodhinka.

    Aan u soo noqdo, haddii Deni tago Muqdisha ama ka baaqsado. Anigu waxa aan qabaa in Deni uusan haynin dood ka gadmaysa Soomaalida Muqdisha ku ballansan, kaaga darane way dhawaaqeen. Haddii marka uu damacoodu ahaa in ay shirka tagaan, in ay afka gacanta iska geliyaan may ahayn. Hadalkii oo kooban Garoowe way ku fashilmaysaa hadday shirka tagto.

    Garoowe hadday talo la gudboon tahay. Soomaalidu waxa ay tiraahdaa gartaada dibaddaa lagu naqsadaa, waar waad is qaawiseen oo wax aad dadka la hortagtaanna ma haysaan. Taladii Deni aan horay u siiyey baan ku celinayaa. Waxa aad xaquuqataa qodobkii ku jiray dastuurka MAXAMUUD SALEEBAAN, ee ahaa in aad bannaanka istaagaysaan.

    Nidaamka federaalka ahba ka guura, waxa aad codsataan COFEDERATION, sida aad horayba uga dhawaajiseen. Waa ku celinayaa. Haddaad xaaladdan jirta shirka Muqdisha tagtaan, waad ku fashilmaysaan, weliba mid aan la kabi karin. Hoosta ka xariiqa, waana wada arki doonnaa haddii Alle idmo.

  8. 1991 dagaal qabiil ayaa kabilaabmay Soomaaliya, Hawiye iyo Daarood ayaa loo dagaalamay. Magaca Hawiye waxaa kudagaalamyey cidkasta oo aan Daarood ahayn, sida Jareer, Raxanweyn, Isaaq, reerXamar, Barawaani iyo qolyo kaloo badan. Daarood intuu ahaa ayuu ahaa. Haddii dagaalku siidheeraaday Daaroodkii qaar kamidah ayaa Hawiyihii lasoo safatay. Saddex qabiil oo Daaroodka kamidah ayaa ugu daraa. Waxay ahaayeen Ugaadeen, Mareexan iyo Dhulbahante (Isaaq Hawiye ayaan kudaray waayo aragtidooday kudagaalmayeen. Saddexdaa qabiil ee Daarood reerka ugu daran oo ay Hawiye usoo raaceen dilkooda waa Majeerteen. Nasiib wanaag waxba waa kaqaadiwaayeen. Dhul Majeerteen oo maqani majiro. Saddexdaa qabiil oo Daarood Hawiye-raaca ahi waa kuwa SOOMAALI ugu liita maanta. Xagga dhulka, horumarka iyo dad nimadaba. Iyagaa dhul laga haystaa. Tusaale, Dhuusamareeb meeday, Laascaanood meeday, Baardherre meeyey?????? Xamar waa magaalo haddii waxa kasocda ladiidey maaha in Somali ladiidey. Puntland xamar waxa kasocda waa kamaarantaa. Ninkii shidan baa shidan. NAFTAADA UDADAAL WACAD ALLLAAN DUULNA KUURABINE, waa saddexda dhoohane Dhuloos, Lugdheer iyo Ilka yar.

    • ASC.
      KU:Jama.
      Jaamacoow ma ogtahay wixii ka horeeyey 1969 in ay magalada Dhuusamareeb ahayd xarunta mareexaanka ardigaas?Ma ogtahay in dhuusamareeb Mareexaan kaliyo ka soo gali jireen?Labo kursi bay lahaan jirtey.Labadaba Mareexaan baa ka soo gali jirey.Mareexaan waxay dhuusamareeb ka soo guureen wakhtigii maamulkii M.S.Bare.Maantana mareexaan lagama yaqaan Dhuusamareeb oo waxba uma yaaliin.Bishii dhammaatay meel u dhwa Caabudwaaq oo ay isku laayeen Sulayamaan iyo Cayr waa dhulkii mareexaan ee ay ka qaadeen.Dhawr sano ka horna waatii ay Dir ka qaaday mareexaan magaalada Xeraale.Mareexaan burjigiisii waxuu raacay maamulkii M.S.Bare ee Allaah ha u soo celiyo.War mareexaan saas ma ahaan jirin ee waxaa amuuro ku reebay maamulkii M.S.Bare.

  9. Waa wareey! War ragoow, wax iskula hara oo ninkan Faarax Geylan ah aflagaaddada ka daaya. Ra’yigiisuu hadlay. Sow muu sameyn karin inuu sidaa u hadlo isla markaana aanu comments idiin furin ama idin blockgareeyo? Tan kale, wixii uu qoray maad wax ka tiraahdaan? Maxaad tolkiis ka rabtaan? Tolkiis oo dhan miyaa Puntland kasoo wada horjeeda? Ninkii reer Sool & Cayn si guud u aflagaaddeeya, waxaan aammisanahay inuu yahay reer USC/SNM doonaya isku dir Harti ama Daarood.

    War arrimaha waxaa caloosha ka raray waa doqonka Daarood ku abtirsada ee inan-layaalka ah ee gogasha loogu taliyo, ee Xamar ku dhashay, ee aan waaguu dalka joogay meel Xamar ka baxsan tagin, ee aan aabbe soo korin ee xaruuntii Agoonta Lafoole ku jiri jirey, ee fakerkiisa iyo qiyamkiisa iyo lahjaddiisuba reer Muqdisho yihiin. Waxaa intaa dheer beel-hoosaadka uu Marreexaan kasii yahay, isla 1991 ayey Xamar iska dhiibeen oo ay weli dhooban yihiin iyagoon waxba ka ahayn, waana gabeen dalkoodii iyo dadkoodii 30kii sano ee lasoo dhaafay.

    Arrinta socotaa waa Irirism iyo daadxoor ay cagaha ku wataan oo ay waxna laaluusheen, waxna handadeen.

    War Hawiye wixii ay xabbadda ku gaariwaayeen ayey ka heleen maanta doqon Daarood oo u fuliya. War Hawiye waayoaragnimo uma kordhin; cuqdaddii ay shalay Siyaad Barre ku rideenna kama bixin.

    Puntland yeysan waqti iskaga lumin wadahadal dambe oo ay Farmaajo la gasho sababtoo waa beenlow aan cahdi lahayn oo aammisan the end justifies the means.

    Soomaalinimadu muqadas ma aha, Soomaalinimo aan lagula fahamsanayna qiime maleh. Puntland midnimada dhexdeeda ha xoojiso, hana tashato, ahmiyadda koowaadna ha siiso difaaca dalkeeda iyo dadkeeda.

  10. Puntland wey ka maarantaa somali iyo Somalia ee somaali iyo somaliya ayaa ka maarmin puntland. Wax ay puntland ka faiidey somalibiyo Somalia majiran 30kii sano ee lasoo dhaafay. Bal hal wax ee ay puntland ka faiidey
    somali iyo somaaliya bal sheega. Waxa kaliya ee puntland uga imaada somali iyo somaaliya waa weerar iyo xaqiraad iyo hagardaamo.

    Ma xaqiraad iyo weerar ka joogsaday ayey puntland u nusqaamin.
    Waa maya.

    Waxaan reer puntland ugu bishaareeynayaa in uu mardow soo baxayo baasaboorka jamhuriyada puntland. Ha seegina number’rada ugu horeeya. Waxaan isku dayin in aan haleelo nunber’ka koobaad.

  11. Muuse ninka la dhaho ayaa hadalka doorkiisii yidhi.
    Xamar tag iyo ku gar naqso ninka soo qoray waa lugooyo iyo cadaawad ka talis.
    Farmaajo wuxuu u muuqdaa nin cadkaanow ama ku cunay ama ku ciideeyey xaal ka joogo.
    Inuu ceeb iyo ciil kala huleelidoono baan u maleynayaa.

  12. Qoraaga fikirkiisa horta waa ku keli
    Waana u xor laakiin farxalkii Villa
    Somaliya oon biyo lagu darin buu
    La soo orday.
    Puntland markan waa iney tashataa
    Waayo sharciyadii wadanka waa la
    Hareer maray dal iyo dadna waxa lagu
    Dhaqaa waa sharci bulsho(social contract)
    Oo ah dastuur. Puntland wey diidey ku
    Tumashada dastuur qaab kasta oo loo
    Marin habaabiyo. Puntland iminka waa isku
    Filan tahay xag kasta weliba markey isku
    Tashato wax badan oo horumar ah bey
    Gaarin ama tiigsan, inta la gaarayo wada
    Shaqeyn iyo ku shaqeyn sharciga wadanka
    Bal ha lays tijaabiyo:
    1- puntland ha isku tashato
    2-somaliland icyiraaf ha raadiso
    3-villa somalia ha u dhaxeyso qatar iyo Ethiopia
    Sharciga dhankey rabto ha u xambaarsato etc
    4-inta kale cayaartan “ila dheel” ah ha daawadaan
    WBT

  13. Waa wax jira oo ay aaminsanyihiin,bulshooyinka ku dhaqma hab ka qabaa’ilka in aysan weli gaarin heer ay wax ka arki karaan,wixii ka baxsan habdhaqan nidaam beeleed.
    Bal raga ra’yigooda dhiibanaya ,waloo ay tahay mid ay xaq u leeyihiin,xiriyada hadalka oo kan xun iyo midka fiicanba waqti la siiyo.
    Waxa la yaab leh,in raga qarkii ay cay iyo aflagsado Waxaan ahayn soo qorin.
    Tan kale waxa kuu soo baxaya sida ay qabyaalada jaahiliga ah,ay ula wayntahay oo ay u indha tirtay.
    Qabyaaladovwaa waa wax wasaq ah oo laga faano,waxaa magansada nin ma shaqaydta ah oo aan isko kalsoonayn.
    Kuwa aaminsan qabyaalada, waxay ku taageeraan ama u hiiliyaan midka
    dhagar qabaha ah,waxayna ka iishaan xaqa iyo cadaalada.
    Puntland hadii aano u soo noqono,waa dhul iyo dad Soomaaliyeed lana mid ah Soomaalida inteeda kale.
    Maamul wax waa laga sheegi kara.
    In qabaa’il lacayo waa dayuusnimo waxaana sameeya nin liita oo aan anshax iyo eedaab midna lahayn.
    Shacabka reer Puntland waxay xaq u leeyihiin in ay ka xisaabtamaan maamulka Deni madaxda ka yahay.
    1- Dakada Bossaso oo ilaa iminka aysan
    DP World oo ah shirkada laga leeyahay Imaaraadka oo laga iibiyey
    in muddo 30 sanadooda ah,ay maamusho oo ay balaariso,ilaa iminka hal Dollar lagama helin.
    Waxa jiro musumaasuq ay galeen Gaad iyo Deni oo lacag laaluush ah ka qaateen DP World,waa baaritaan madax banaan arimahaasi lago sameeyo.
    2- waa Baarlamaanka Puntland ee aan shaqayn oo sicad u sheegay in uusan la xisaabtamayn maamulka Deni.oo runtii shaabad.
    3- gobolka Gaadafoo ( GUARDAFOI REGION) waxa ay kalsoonidii kala noqdeen maamulka Deni,taasi waa in la xaliyo.
    4- waa in nidaamka xisbiyada Puntland waa in ay noqdaan kuwo si dhabbah u hirgala oo ka baxa in hay’adaha waxoogaa lacag ah looga qaato,waxna aysan ka hirgalin.
    5- golaha la soo magacaabo ee Puntland waxa uu ka mid yahay wax yaabaha dib iyo cadaalad darado ka mas’uul uulka ah,66 xildhibaan oo,1998 si deg-deg ah loo dhisay oo ay cadaalad daro wayn ka muuqatay markii la dhisay,waxa jura in nidaamka beelaha ma mud doorasho lago yimaado,marka waa in beelaha oo dhan waa in ay matalaad xaq ah helaan inta laga gaarayo, Doorasho qof iyo cod ah walow ay u muuqato fanoole fari kama qodna.
    Marka shacabka Puntland waxa uu ka doonayaa maamulka Deni waa in uu arimahaasi jawaab ka bixiyo ee ma aha in wax Soomaali inteeda kale,ka dhexeeya lago mashquuliyo.
    Puntland Guul iyo Soomaaliya guud ahaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*