Puntland oo lagu wareejisay qalabka looga hortagayo Coronavirus

GAROWE(P-TIMES)- Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa maanta hay’adda World Vision kala wareegtay qalab loogu talagalay ka hortaga cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo ay weheliyaan qaar kamid ah agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda ayaa kala wareegay hay’adda qalabkani, waxaana agaasimaha uu uga mahad ceeliyay hay’adda World Vision qalabkan looga hortago cudurka Coronavirus ee maanta ay ugu deeqday hay’addu wasaaradda Caafimaadka.

Qalabka maanta la wareejiyay wasaaradda ayaa ka kooban Gloves Mask, Faceshields, qalabka nadaafada xarumaha baadhitaanada yo karantiilka, waxaana qalabkan loogu tala galay in looga faa’iidaysto sidii xanuunka la iskaga ilaalin lahaa maadaama weli uu kusii xoogan yahay caalamka oo dhan.

3 Comments

  1. Warku ma dhameeystirna agabka xagee lageeyey buhoodle bashan garowe gaalkacyo bosaaso qardho ma muqdishuu ka yimid mise nairobi weeye tafatirihii puntlandtimes mise gacan yarihiisaa soo walwalaaqay

    • Kuwaan warka somaliland Qorto
      Ayuunbay Copyright gareeyaan
      HADII IIDOORKU DAHABSHIIL BAA DEEQ NASIIYEY QORAAN
      AYAANTA KU XIGTA WEBKAN SOO QORARAYA
      AMAL BAA DEEQ BIXISAY

  2. ASC.
    Puntlaan waxba tari mahayaan qalab faalso ah ee waxay u baahan tahay in ay hesho qeybteeda dhaqaalaha uu adduunweynuhu soomaaliweeyn ugu dhiibay xamar.Maamul ku sheegkasta oo soo mara xamar ma siiyo puntlaan xaqqeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*