Somaliland oo shaacisay kiisas hor leh oo cudurka Coronavirus ah

HARGEYSA(P-TIMES)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa faah faahin ka bixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee cudurka Covid-19 deegaanada Somaliland.

Baadhitaanka 48-kii saacadood ee u dambeeyey la sameeyey waa 150.

Sagaal iyo labaatan qof ayaa laga helay xanuunka 28 waa Somalilander, halka 1 qof u dhashay Hindiya.

Bukaanadan ayaa ah qof 19 sano ah oo raga waa halka 10 qof oo kalena ay yihiin dumar

Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa:

(10jir ilaa 19jir = 1 qof)
(20jir ilaa 29jir = 7 qof)
(30jir ilaa 39jir = 8 qof)
(40jir ilaa 49jir = 4 qof)
(50jir ilaa 59jir = 1 qof)
(60jir ilaa 69jir = 5 qof)
(70jir ilaa 79jir = 2 qof)
(80jir ilaa 89jir = 1 qof)

Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeysa 13 qof, Burco 11 qof, Berbera 3 qof , 1 qof Gabiley iyo Buuhoodle oo ah 1 qof

Waxaa xanuunka ka bogsaday 5 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Laba iyo Lixdan (62)

Waxaa geeriyooday laba qof oo Hargeisa degenaa. Hal qof waa rag da’diisuna ahayd 65jir halka qof kallena yahay qof dumar oo da’eedu tahay 60jir taasi oo ka dhigaysa tirada dadka xanuunkan u dhintay Afar iyo Labatan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*