Soomaali lagu maxkamadaynayo Talyaaniga

NAIROBI(P-TIMES)- Xeer ilaalinta guud ee gobolka Emelia-Romagna ee dalka Talyaaniga ayaa dalabatay in la maxkamadeeyo 4 qof oo ay ku jiraan Soomaali.

Afartan qof ayaa isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, waxaana xeer ilaalinta gobolkau ay dalbatay in dacwad ka dhan ah lagu soo oogo, taas oo isugu jirta taageerista Al-Shabaab-ka ka dagaalama gudaha Soomaaliya iyo Jabhadda ONLF oo hada loo bedelay xisbi siyaasadeed iyo in ay si sharci daro ah u tahriibiyaan dadka doonaya in ay galaan Qaarada Yurub.

Codsiga xeer ilaalinta ee maxkamadaynta afartan qof ayaan weli la aqbalin, balse waxaa sheegay in afarta eedaysane ay gacanta ugu jiraan maamulka magaalada Bologna oo ah halka saldhiga u ah xeer ilaalintan dalbanaysa maxkamadeyntooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*