WHO oo ka digtay sare u kac xoogan oo uu sameeyo cudurka Corona

NAIROBI(P-TIMES)- Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa ka digaysa in halista Covid-19 ay ka darnaan doonto mustaqbalka dhow sidii ay ahayd markii uu dilaacay cudurku lix bilood ka hor.

Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in fayraska uu ku dhici doono dad badan hadii aan dawladuhu bilaabin in ay dhaqan galiyaan siyaasado haboon.

Wuxu sheegay in dulucda fariintiisu tahay baadhitaan, la socod iyo karantiimayn.

In ka badan 10 milyan oo qof oo dunida oo dhan ah ayuu cudurku ku dhacay tan iyo markii cudurku ka dillaacay dalka Shiinaha dabayaaqadii sanadkii hore ee 2019.

Tirada dadka u dhintay cudurka Corona ayaa haatan kor u dhaaftay 500,000.

Kala badh dadka uu ku dhacay cudurku ayaa waxa ay ku nool yihiin dalalka Maraykanka iyo Yurub laakiin haatan Covid-19 wuxuu aad ugu sii fidayaa labada qaaradood ee Ameerika.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*