Axmed Karaash oo safar caafimaad u aaday dalka Turkiga.

GAROOWE(P-TIMES) – Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ay warkiisa ugu dambeysay warbaahinta, markii la sheegay in la dhameeyey khilaafkii kala dhaxeeyey Madaxweynaha Puntland, ayaa maanta safar caafimaad ugu dhoofay dalka Turkiga, halkaas oo la sheegay in uu ku leeyahay balan caafimaad.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa maalmihii u dambeeyey xanuunsanayay sida ay tabinayaan warar madax banaan, wuxuuna hadda wajahayaa dhakhtarkiisa gaarka ah ee dalka Turkiga oo uu gaari doono.

Madaxweyne kuxigeenka lama hadlin warbaahinta, sidaas oo kale xubno katirsan golaha wasiiradda ayaa kusii sagootiyey madaarka magaalada Garoowe, waxaana xubno ku dhaw-dhaw ay xaqiijinayaan in uu safarkiisan ahaa mid aan horey qorshaha ugu jirin.

Dhawaan ayuu kasoo laabtay safar caafimaad oo uu ku tagay dalka Jarmalka, halkaas oo uu ku galay qaliin dhinaca Indhaha, sida ay sheegayaan qaar kamid ah xubnaha ku dhaw Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*