Axmed Madoobe oo ka hadlay matalaada G. Banaadir & Muddo kororsi dhaca

KISMAAYO(P-TIMES)- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka qaybgalay Munaasabada lagu xusayay Sanad guurada 60-aad ee kasoo wareegtay markii ay Xornimada qaateen Gobolada Koonfureed iyo midowgii Waqooyiga iyo Koonfurta ayaa sheegay in khilaafka mudada dheer ka taagan Arimaha masiiriga ah ee dalka ay yihiin kuwo mar walba dib u dhigaya xasiloonida iyo Hormarka dalka,sdioo kalena Al-Shabaab ay fursad qaali ah u tahay kala qaybsanaanta Siyaasadeed iyo Bulsho ee Wali dalka ka jirta.

Wuxuu intaas ku daray in khilaafka dastuuriga ah ay tahay in lagu xaliyo wixii uu Dastuurku qeexayo iyadoo mar walba ay muhiim tahay Siyaasada loo dhan yahay oo dhamaan dhinacyadu ay isku raacsan yihiin waxaa uu isagoo taas ka hadlaya uu xusay in xeerarka iyo Dharciyada aan dastuurka waafaqsanayn ee uu dhawaanahan meel marinayay Baarlamaanka Federaalka ah aanay ka turjumaynin Sharciga iyo nidaamka ay ahayd in loo maro iyadoo xeerarka qaar ay si weyn u abuurayaan khilaafka Cusub iyo kala qaybsanaan Bulsho.

Waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay in Caasimada dalku ay xaq u leedahay maqaam iyo maaamuus gaar ah iyadoo dastuurku uu qeexayo sida loo samanayo iyo wadada la marayo dhamaana la isku raacsanyahah in taas laga dhabeeyo balse matalaad kaliyah oo aan maqaam wadanin ay abuurayso in shacabku ay ku kala qaybsamaan ujeedada laga leeyahayna ay tahay in Bulshada la iska horkeeno sida uu hadalka u dhigay.

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta dalka ayuu sheegay in ay ka go’antahay sidii Gobolka Banaadir uu u heli lahaa xaqa uu leeyahay iyadoo aan dano gaar ah iyo mansab lagu raadsanayo aanay jirin.

Isaga oo ka hadlayay Arimaha mudo kororsiga ayuu Madaxweynahu sheegay in horay loogu dhiiran waayay isla markana Tariikhda dalka burburkii kadib uu caan ku yahay in afartii sanaba mar Doorasho la aado qofkii soo baxana la garab istaago waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in wixii ay qaban waayeen gudiga Doorashooyinka Sadexdii sano ee lasoo dhaafay ay hada u raadinayaan wakhti dheeraad ah taas oo aan mara suuragal noqon Karin in mudo kororsi loogu qiil dayo.

Khilaafka Siyaasadeed ayuu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay in xal laga gaaro isla markana gogol walba oo arintan lagu xalinayo ay diyaar u yihiin Shacabka iyo Xukuumada Jubbaland.

Shacabka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay ula halgami lahayeen Xaaladaha ka jira gudaha Jubbaland isla markana dadaadala dib u heshiisinta ah ee Wali socda ay u xayiran tahay dhismaha Xukuumada Cusub.

9 Comments

  1. WAXAN KA FAHMAY BUUQA HALA YAREEYO HANA LAYSU TANAASULO ,UMADANA HALOO SHAQEEYO, WAA ARIN AAN DAAH SAARNAYN.

  2. Farmaajo dadka inuu iska hor keeno buu rabaa si buuqaas uga faaiidaysto, sida saxda ah waa sidaa Axmed Madoobe sheegay laakiin Siciid Deni isagoo saxan warkiisa lama fahmi karo, waayo wuxuu u hadlayaa sidii nin diidan maqaamka Gobolka Banaadir taasina waa khalad.

  3. Dani iyo madoobe waa isku figrad iyo inta soomalida wax fahmeysa… maqaamka xamar sida loo dhisayo waxeey u talaa soomaliya oo dhan , dastuurka waxaa ku qoran 54 xildhibaan aqalka sare aqalka HOOSE 276. Intanan tirada lagu kordhin marka hore waa in daatuurka la badalaa waa arrin sharci ah.

  4. Axmed Kenyatta muxuu ka hadlaa Doorasho, sharci iyo dastuur ku dhaqankiisa, soow ma ahan ninkii yiri SEDDEX Qof ii keena anigaa kala baxaya qofkii I DOORAN LAHAA, Bal Soomaali Maryooleey qiyaasa caqligaas, Aqoontaas?
    Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo shaqsiyaddiisu aad bay u sareysaa, wuxuu leeyahay dhammaan Astaamihii looga baahnaa Hoggaamiye dal Ama waddan.
    Waxba yaan la xagxagan waa loo jeedaa waxqabadkiisii muddadii uu waddanka hoggaaminayey Soomaalidu waxaay tiraahdaa Xaglo Geel wax Guntin la geliyo ka weyn, sidoo kale waxaay tiraahdaa Qorrax Soo baxday Cidna Sacabbo kuma Qarin karto,
    Sidaas Awgeed waxa Meelaha ka qaylinaya waa Kuwii Burburka iyo hallaagga u horseeday Soomaaliya, islamarkaana weli hortaagan in Dowladnimadii Soomaaliya dib loo soo celiyo.
    Nasiib wanaag maantay Soomaaliya waxaay haysataa Hoggaan ay ka go’an tahay Badbaadinta Dadka iyo Dalka Soomaaliya.
    Ma Waxaan taageernaa Kuwii Badda Iibsaday, Kuwii Gabre u yeerin jirey,Kuwii Qabuuraha u Sajuudayey, kuwa Qabyaaladda ka daran Caabuqa CORONAVIRUS ay dilootay Aaminsan iney Qabiil wax ku noqon karaan.
    Dowladda Soomaaliya ee Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisulwasaarena ka yahay Xasan Cali Kheyre wax weyn bay qabatay Marka dhinacyo badan laga eego, weliba iyadoo ay lugaha kaga dhegan yihiin kuwa u adeega Dowlado Shisheeye sida Kenya iyo Emirates, iyagoo Aaminsan in Kenya iyo Emirates wax ka dhigi karaan.
    Guul iyo Gobonimo Dowladda Soomaaliya iyo ummadda Soomaaliyeed
    Guusha Soomaali baa leh
    Guul darradana waxaa leh Cadowga Ummadda Soomaaliyeed sida Dabadhifiinta iyo Qaa’iimiin waddaniinta, Qabiilistayaasha

  5. Kkkkk Nin kaleba ha hadlee WARLORD cusub war maleh.
    Dastuur,sharciyow xaalqaado.
    1-Muwaadin gurigiisa laga tarxiilo Jubaland un bay ka dhacday.
    2-MP xasaanad leh oo ka xiro lana tarxiilo Jubaland unbay la dhacday.
    3-Ganacsade daynta aad iga qabto abtiyow isii madaxa kaga toogto Jubaland un bay ka dhacday.
    4-Maamul Goboleed hawada xiranaaya,isagoo isticmaalaya ciidanka shisheeye Jubaland un bay ka dhacday list will go on and on.
    Electronic dad lagu dilo,badda lagu dilo Jubaland un bay ka dhacday.
    Intaa sharci gaalo iyo mid islaam ma dhigayo.
    NINKAAS MIYAA SHARCI KA HADLI KARA ADIGA NA DHAAF MARKA HORE.

  6. Deni iyo Axmed waa labo ku midoobay dibindaabta iyo boobka hantida dadwaynaha lavadaadi gobol.
    Axmed Madadii uu maamulka Jubaland madaxda ja ahaa,waxa uu maamulkiisa uu ku koobnaa magaalada Kismaayo,oo isaga iyo xukufadiisa Kenya ay xayndaab uga dhigeen dalja Kenya,waa khaa’in ay goir ay noqotaba la xisaabtami doono.
    Deni isaga ayaa xildhibaanada la soo magacaabo amar ku siiyey in ay ka horyimaadaan go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya.
    Puntland iminka na laha Baarlamaan shaqeeya,waxa ay yihiin shaabad uu sito zDeni.
    Waa shacabka iyo waxgaradka reer Puntland ay diidaan,talada Deni iyo kooxdiisa.
    Waana in ay madaxda uturada rayidka ah,iyo nabadoonada ay ka qaybgalaan shirja Mogadisho waayo maamulka iminka ma haysto kalsoonida inta badan shacabka reer Puntland.
    Puntland guul iyo Soomaaliya guud ahaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*