Axmed Madoobe oo magacaabay 2 xubnood oo aad ugu dhaw.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa magacaabay xubnaha u matalaya guddiga Farsamo ee Kashaqeynaya Arrimaha doorashada ee soo koobaya aragtiyaha.

Axmed Madoobe ayaa magacaabay xubnaha kala ah.

1. Xirsi Jaamac Gaani, waa wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland, wuxuu aad uga mid yahay ragga ugu dhaw Axmed ee uu kalsoon yahay, sidaas oo kale waa qoraa wax badan ka qoray arrimaha Soomaaliya.

2. Xamze Cabdi Barre, waa gudoomiyihii guddigii qabtay doorashadii muranka dhalisay ee Jubbaland, waa mid kamid ah Lataliyayaasha Madaxweynaha, sidaas oo kalena wuxuu horey qeyb uga noqday gor-gortanonsiyaasadeed oo kuwajahnaa arrimaha Federaalka.

Labada xubnood ee Jubbaland ayaa labaduba ah xubno uu kalsooni badan ku qabo Madaxweyne Axmed Madoobe, horeyna uga soo horjeeday aragtiyadii lasoo jeediyey.

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*