DAAWO: M/weyne Deni oo sheegay in M/weyne Farmaajo ay isku afgarteen doorasho Dad-ban oo ka duwan tii 2016-kii in la qabto.

GAROOWE(P-TIMES) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay ka hadlayay magaalada Garoowe, ayaa markii koowaad tafaasiil ka bixiyey wada hadal ay layeesheen si gaar ah Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya, isagoo uu wehliyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaas oo ku wajahnaa arrimaha siyaasada ee gaarka ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay ka wada hadleen Farmaajo sidi taabagal looga dhigi laha in ay qabsoomaan doorashooyinka madaxtinimada Soomaaliya waqtigooda, lagana heshiiyo nooca doorashada, isagoo sheegay in ay garowsadeen in la qabto doorasho ka duwan tii dhacday sannadkii 2016-kii.

Siciid Deni wuxuu sheegay in sidaas oo kale ay ka wada hadleen in la dhameeyo khilaafka u dhaxeeya Jubbaland & Dawladda Faderaalka, kaas oo meesha laga saaray oo ay dhinacyadu si wanagsan uga wada hadleen.

Madaxweyne Deni ayaa hadaladiisa ay ka mid ahaayeen haddii u horey u jiray khilaaf in la saaro ayaan ku heshiinay Madaxweyne Farmaajo, laakiin mudooyinkii u dambeeyey Puntland ayaa cabasho ka muujinaysa khilaaf kala dhaxeeya dawlada Faderaalka.

Puntland ayaa sheegtay in kulamadas dalabkooda uu laha Madaxweyne Farmaajo oo garowsaday baahida loo qabo in wada hadal lahelo, lagana gudbo marxaladdan, sida uu sheegay Madaxweyne Deni xalay isagoo ka hadlayay magaalada Gaalkacyo.

5 Comments

  1. Sheekadii ciyaalka xaafadda maa weli socota?!

    Saanaan isdhahnay, iyaa, xaggay ka dhacday. Waar Farmaajo waa madaxweyne Soomaaliyeed ee maaha madaxweyne beeleed. Nin waliba intuu maro toshay buu beeshiisa libaaxyo uga sheekeeyaa.

    Madaxweynaha umadda Soomaaliyeed (ee degta min Lawyacaddo iyo Raaskaambooni) go’aan kuma qaadan karo wax miiska dushiisa la iska yiri, waayo beeshiisu ma dooran ee xubno ka socda Soomaali oo dhan baa doortay. Caqligiinna iyo sidaad u fekeraysaan uun buu Dhuusamareeb u yimi in uu ogaado, iyo in uu qanciyo beesha lixaad.

    Sidee baad ugu fekertay in uu wax idinla meel dhigo idinka oo xaniinyahaha kaga dhegan, idinka oo diiday dalabkiisii ahaa in Muqdisha lagu kulmo si arrimaha taagan la isula meel dhigo. Idinka oo Dhuusa-mareeb u yimi qaranddumisnimo iyo in aad isaga iyo dawladdiisa bahdilaad ku samaysaan, ka gadaal markii aad dhabarka u jeediseen sharcigii doorashooyinka ee uu madasha ku saxeexay ee ay labada goleba ansixiyeen.

    In aad isaga iyo dawladnimada Soomaaliyeed ku aastaan baad u timaddeen Dhuusamareeb, isaguna wuu idinku fahmay oo waxa uu idiinku gabyay sidan soo socota:

    Qosol been ah, fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo
    Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo
    Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad
    Qullaab iyo kullaab iyo lacaab, laysu qarinaayo
    Qiyaamada kobtaa daahira, aan qun ugu soo jeedo
    Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane
    Maanaa miniyo lay qarshaa laygu qali doono.

    Marka reer Garoowoow niicda joojiya oo lanbarkiinna xejista.

  2. Hillaac Beenle

    Farmaajo Raasicaseyr ilaa Raaskiyanbooni ayuu xukumaa yaad tiri!!!!!!!!
    KKKKKKKKKKKKKKKKKK

    VILLA SOMALIAYA MAKIBIXIKIRAA isagoon Ugandes waardiyeyneyn?
    Aad ayaan ujeclahaanlahaa madaxweyne markale SOMALIAYA isukeena, xaqiiqdiise kani waa lamood mase noqon. Haddaad qabiil ayey metalaan maamul gobalada madaxdoodu aad leedahay, aan kuxasuusiyee haddaad hurudey, qaabka 4.5 ayuu Farmaajo meesha kujoogaa Daarood ayuuna matelaa. Hadduuna saa aheyn car hamagacaabo Ra’iisulwasaare aan Hawiye aheyn. Xaqiiqdu waataas miskiinoow. Haraadigii xoogaga waddaniyiintaad tahay, garabka Farmaajo. Garabkii kheyrana aynu sugno waxay dhahaan.

  3. Hillaac Beenle

    Farmaajo Raasicaseyr ilaa Raaskiyanbooni ayuu xukumaa yaad tiri!!!!!!!!
    KKKKKKKKKKKKKKKKKK

    VILLA SOMALIAYA MAKIBIXIKIRAA isagoon Ugandes waardiyeyneyn?
    Aad ayaan ujeclahaanlahaa madaxweyne markale SOMALIAYA isukeena, xaqiiqdiise kani waa lamood mase noqon. Haddaad qabiil ayey metalaan maamul gobalada madaxdoodu aad leedahay, aan kuxasuusiyee haddaad hurudey, qaabka 4.5 ayuu Farmaajo meesha kujoogaa Daarood ayuuna matelaa. Hadduuna saa aheyn car hamagacaabo Ra’iisulwasaare aan Hawiye aheyn. Xaqiiqdu waataas miskiinoow. Haraadigii xoogaga waddaniyiintaad tahay, garabka Farmaajo. Garabkii kheyrana aynu sugno waxay dhahaan.

  4. AMARKA FARMAAJO MEEL UU KA SOCDA SOMALIYA MAANTA MA JIRTO AAN KA AHAYN GUDDONKA AQALKA BARALAMAANKA, KULAHA RAAS KAMBOONI ILAA RAAS CASAYR, HILLAAC DAD WAXAAS DHAHAYA AYUU KA MAQLAY.
    VILLA SOMALIA WAXA XUKUMA FAHAD YAASIIN OO ISNA QADAR SII XUKUNTO, FARMAAJO BALLAN MA LEH WAXNA MA. XUKUMO. UGANDA AYAA XUKUNKA WAX KU LEH, ETHIOPIA, BEESHA LIXAAD, HABEEN BAAD KU RIYOOTAY FARMAJO OO DALKA XUKUMA , WALLAAHI INAANAD ARKAYN INTA AAD NOOSHAHAY BAL HAKA BAXO VILLADA WAAKAASE. DENI INTA UU DHUL XUKUMO WAAD OGTAHAY, WAR FARMAAJO MEELNA KUU XOREYN MAAYO EE ISKU TASHO, QERYKAA WIIL AH OO AAN WAXBA KU DHEERAYN DADKA HAYSKU NICINA EE ISKU TASHO HILAAC BEENOOW

  5. Geelle & Ali Jama,

    Markii aan hadalkiinna dhuuxay, aniga oo ah madaxweynaha kaligii is magacaabay ee SSCda hareeraysan, lamma qaran-dumis baad tihiin (SMM & SSDF). Haddaad kacaan diidnimada joojin waydaanna, waxa aan idinka keenayaa MOOSHIN waayeelka jaqafsada ah oo sida ‘drones’ka bilaa sanqadh ah oo aan cidi wadin.

    Maxammed Cabdullaahi Farmaajo waa madaxweynaha ummadda Soomaaliyeed ee degta min LOWYACADDO illaa RAASKAMBOONI, dhagaha ugu shuba. Waxa aan idiinku nasteexaynayaa (walaalayaal) in aad dadkiinna dhinac ka raacdaan oo aad joojiDaan mucaaradnimadan caatada ah ee aad weligiin la soo taagan tihiin haddii kale dhirbaaxadii kacaanku waa meesheedii.

    Waxa aan ku soo gunaanadayaa oraahdan aan ka soo dheegtay hees waddani ah, “Ninka tuhunsan dawladda Farmaajaa tamaryar. Inta aadan dhib weyn taransan. Aan talo ku siinee war hooy. Timir lafbaa kujirta.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*