DAAWO: Puntland miyey kasoo horjeedaa Mataalada G. Banaadir ee Aqalka Sare?

MUQDISHO(P-TIMES) – Maalmihii u dambeeyey waxaa kordhay hadalada ay is dhaafsanayaan siyaasiin kasoo jeeda Puntland & Koonfurta Soomaaliya, oo ku wajahan xaaladda mataalada ee gobalka Banaadir oo ay baarlamaanka Soomaaliya meelmariyeen qaraar ku wajahan in 13 Senator loogu daro Aqalka Sare ee dalka.

Doodo kala duwan ayaa ka dhashay oo ay si adag uga hadleen dhinacyo ay ka mid yihiin baarlamaanka Puntland oo maamulada Galmudug, Hirshabeelle, dadka MUqdisho iyo Koonfur Galbeed ku eedeeyey in ay ka dambeeyaan arrimahas.

Siyaabo kala duwan ayaa looga hadlay arrimahan, wasiiru dowlihii hore ee xariirka golayaasha Puntland ahaana Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Quraanjecel oo markii u horeysay ka hadlay arrimahan ayaa sheegay in loo baahan yahay si miisaan siyaasadeed leh loo wajaho qadiyadan oo aysan noqon iska horkeen bulsho.

Wasiiru dowlaha ayaa ugu baaqay Puntland in ays harciyada eegto, mar kastana lagu dhameeyo qaynuunka iyo sharciyada dalka dhammaan wax kasta oo la qabo, sidaas oo kale bulshada gobalka Banaadir ayuu sheegay in aysan waxba naceyn ah u haynin dawladda Puntland oo ay wadajir u wada jecel yihiin wixii wanaagsan oo dhan, taasna ay tahay waxa muhiimka ah ee loo baahan yahay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WAREYSIGAN

10 Comments

  1. Miisaan soyaasadeed miyaa masayr ah?Ninka u qaylinaaya inuu isagu helo sad bursi kana xishoon miyaa hadlaaya?
    Reer Puntland waad caabayseen maamulka Puntland.

    • Xaqiiqada dhabta ah ee waxan oo sawaxan ah ku duugani waa tan. Farmaajo waa ahbal aad damiir lahayn iyo hangool sida la doono loo isticmaalayo. Waxa uusan muran ka jiri karin sida hagar la’aanta ah ee ay gobta Daarood, gaar ahaan hoggaankooda reer Puntland, tacab badan u soo mareen yagleelka qaran ay ummadda Soomaaliyeed ku nasato oo ku nagaaddo iyo calan mid ah ee ay isku hoos dugsato. Tariikhdaas dahabiga ah oo keli ah ayaa intii waxgarad ah uugu filan in aanay gobtani haba yaraato ee ka suuroobi karin in ay tacabkoodaas mid khasaaray ka yeelaan oo ay Soomaaliya iyo Soomaali ba dib dambe u kala dhambalaan. Markaasi su’aala noocan ahi waa kuwo aan meesha ba ku jirin.

      Jiritaanka iyo wadajirka ummaddeenan beelaha halista ku noqday caalamka oo dhan ayay macruuf ka yihiin oo waa kuwa USC iyo SNM ku abtirsada sida taariikhda dunida ku xusan. Halgankii naf huridda lagu suntay ee ay Cabdullaahi Yuusuf iyo daraawiishata Puntland Xamar ku xoreeyeen waxaa la qiray in uu ahaa ka Soomaaliya iyo qarannimada Soomaaliyeed u noqday wadaantii dib looga soo saaray ceelkii dheeraa ee ay isbahaysigii USC iyo SNM ku rideen. Waxaa nasiib daro xun noqotay in maanta is hurkaasi Xamar iyo koonfur ba loo fasiray “Gumeysigii Daarood oo Soo Laabtay” iska daa in gobtan looga minnasheegto ee. Inta ay Soomaaliyi si dhab ah qarannimadeeda ugu harraadi doonto reer Puntland iyo Jubbaland waxaa hadda ku habboon in ay sawaxankan iskaga baxaan oo ay labadooda geyi horumarintooda isku hawliyaan waxii haatan ka dambeeya.

  2. Caasimadda Muqdisho sharaftii caasimadeed 1992-dii ayey lumisay. Waa markii uu dagaalka sokeeye bilaabmay waxay noqotay magaaladii ugu amaanka darnayd. Iyadoo ahayd caasimaddii ummadda tan iyo 1960-kii, ayaa dawladihii kala dambeeyey iyo shacabkii Soomaaliyeed aad u maalgaliyeen. Hantidii 75% iyada ayaa la geliyey.
    Wax Allahe wixii hanti ahaa waa la dhacay, waana la burburiyey. Warshadiihii ku yaalay Muqdisho waa la burburiyey.
    Ummaddii waa la qaxiyey, gabdhihii Soomaaliyeed waa la kufsaday iyadoo xataa la xishmeyn waayey dhaqankii suubanaa ee diinta islaamka. Dhibka Caasimadda ka dhacay kama dhacin magaalo kale oo Soomaaliyeed.
    Kama hadlayo labadii bilood ee u horreysay ee dagaal sokeeye dhacay. waxaan ka hadlayaa markii ay dawladdu meesha ka baxday, ee maganta loo ahaa Qabaa’ilka Xamar dega ee Cali Mahdi laga dhigay madaxweyne ku meel gaar ah.
    Anigu waxaan qabaa Muuq-disho Caasimadda ma qaadi karto dhibkii ka dhacay magaaladaasi ee ay geysteen qabaa’ilkii ku dhaqanaa ee la filaayey inay Caasimadda dejiyaan, hantida ummaddana badbaadiyaan. Ilaa maanta waxaa jirta guryo laga haysto dadkii iska lahaa.
    Waxa Alle wixii hanti qaran ahaydna waa la burburshay. Xafiisyadii dawladda, hoteeladii, warshadihii, gaadiidkii ay ka mid ahayeen diyaaradihii Dawladda Soomaaliyeed kuwii raydka iyo kuwii ciidamada intaba. Wax Alle wixi hub iyo agab ciidan yaalayna reerahaasi sheeganaya Muuq-disha ayaa qaatay oo u adeegsaday inay ummadda Soomaaliyeed ku dhacaan kuna Laayaan.
    Maanta haddii mataalad la siiyo waxay noqonaysaa in loo ogolaaday cidihii cassimadda burburiyey inay Muuq-disha leeyihiin. Dhibkii ay 1992dii gaysteenna lalama xisaabtamin. Waxa loo xalaaleeyey guriyihii iyo dhulkii ay qaran iyo dadweynaha Soomaaliyeed ka haysteen.
    Su’aashu waxa weeyi berito haddii dagaal sokeeye dhaco Muuq-disha maxaa laga filayaa.
    Anigu waxaan qabaa Caasimadda ha la geeyo magaalo meel dhexe ku taal oo qaadi karta masuuliyadda qaranka, ummadda Soomalaiyeena badbaadin karta haddiiba dagaal sokeeyo dhaco.

  3. Qofka Boodhari wataa waa OROMO reer HARGEYSA ah ee sidaa halloola socdo.

    Waxa aan isweydiiyey odaygii aqalka sare ee CABDI XAASHI meesha uu jaan iyo cirib dhigay. Odayga, Faroole & Juriilaa baxar galiyey; in uu Hargaysa iska dhiibaan u malaynayaa.

    Waxa kale oo laysla dhex marayey in KARAASH (oo metelaya Garoowe) uu ka qaybgalayo shirka loo ballansanyahay ee inaku soo fool leh, waana sababta ugu weyn ee uu Turkiga ugu tahriibay.

    Intaa waxaa dheer, haddee, maamulkaygii KHAATUMO STATE OF SOMALIA, miiskuu saaran yahay. Maamulka Banaadir buu rabaa in uu barbarreeyo. Waxaanuna aad ugu faraxsannahay in Garoowadii isbaarada noo dhigatay, iyadiina luuq loo galay. Hadday firig firig lee yihiin. Soomaaliyana kuma jiraan, oo kamana bixin. Inta aan villada ku taageeraba waa intaa.

    • Hillaac,

      Ma jawaabtaydii xalay baa kaa halcinaysa? kkk. Saaxiib, dawo hadday qaraadhahay qof bay dani cabsiisaa oo runta waa lagugu karbaashi mar kasta oo aad been iyo barabagaan aan sal iyo raad lahayn Puntland ka qorto. Ku seexo oo ku soo toos.

      Si ahaan Oromo waynu wada nahay (Soomaali ahaan) oo wax baa inoo galay marka luqaddeena loo dhabbagalo, si ahaanna u ma nihin oo taas waynu ka simannahay. Miyaad dood maskaxeed macquulsan haysaa jaalle aynu ku loollanno ee? Anigu in la iga jeclaado meeshan u ma soo galo; kii saxaabtinimo hufan igu haybsada waxaan ka mid ahay dadka ugu saaxibtinimada macaan ee macaariiftooda si heer sare ah u qaddariya, kii colaad igu soo qaada na dee seeftaydu galka way iiga baxsantahay.

      • >>TAARIIKHDA BEEN MA SHEEGTO, EE HAKA BEEN SHEEGINA DARAAWIISH MEESHA LAGA DUMIYEY EE GUMEYSTIHII INGRIISKA UU U ADEEGSADEY WAXEY AHEYD MAGAALADA GAROOWE DAD DEGAN (GEEDKII CANJEEL TALOWAA),,HA ISKU LAMAANINA DARAAWIISH TAARIIKHDEEDA,,
        >> IMINKA WAXAAD ABUURTEEN QABYAALAD (KABLALAX) OO AAD U ADEEGSANEYSAAN AXMED MADOOBE,,
        SOCONMEYSO (AADAN UUNSIGII) KENYA U FADHIYEY ALLAH BAA QABTEY,,
        MADASHII MAAMUL GOBOLEEDYADA UU (GAAS) DHISEY EE GUMEYSTUHA(IMAATADKA) USOO DHIIBEY EE LAGU BURBURINAAYEY DOWLADA DHEXE ALLAH BAA QABTEY,,
        >> MAANAFEYSTADII LAGU DUMIYEY DOWLADII ( M.S.BARRE) 1990 LA AASAASEY BAAD IMINKA MAR LABAAD ADEEGSANEYSAAN SI DAWLADA DHEXE EE IMINKA TAAGAN LOO DUMIYO ,,
        >> WAAN IDIN WAANINAYAA HADEY WAX IDIN TAREYSO,,,
        (ABUURKA DHAMAANTIIS DHULKA IYO SAMOOYINKA WAXA KU NOOL,,AMARKANA ALLAH BAA LEH) WAA IN AAD ALLAH KA CABSATAAN OO USOO LAABATAAN,,
        >> DUNIDA OO DHAN MAANTA IMTIXAAN BAA ALLAH DUL DHIGEY SIDA CUDURKA (CARONOVIRUS)
        >> DADKA MUSLIMIINTA AH SI GAAR AH BAA ALLAH U IMTIXAAMEY OO WAA LAKALA SAARAYAA OO ALLAH (S.W.T) UGA TEGI MAAYO WAAN RUMEEYEY KELIYA,,
        >> LABO SAF BAA LOO KALA BAXAYAA
        1-SAFKA MUSLIMIINTA
        2-SAFKA GAALADA.
        KALA DOORTA KAAD RABTAAN (اما شاكرا واما كفروا),,
        >>DHAMAAN WARGEYSYADA (SOCIAL MEDIA) AY SOOMALIDA QORTO IYO DADKA KA DHIIBTA FIKRADAHA (COMMENT) ALLAH KA CABSADA QABYAALDA ISAGA HARA NIN MADAX AH OO AAD ISKU REER TIHIIN DIFAACIDIISA WAA DUNUUBTA WAA WEYN EE HA U DOONINA,,NAFTAADA KA BADBAADI NAAR KAASI AAKHIRO HADDII LA TAGO BERI BUU ISKAKAA YEELAYAA,,

  4. waa wareey war suldan@ Boodhari meeshaan waxaa ku leedahay saaxibo badanoo walahi aad kuu xushmeenaya fikradahaaga wax ku oolka ah aad u jacel. waa sidee suldan kkkk kkkk. adigiyo @Arar waxaa tihidiin ragga meeshaan ugu culus oo aad looga dambeeyo kkkkk. kuwaan maseerku diley oo mar kasta wax kaa sheega dameero ciyaya ka soo qaad kkkk.
    il nostro grande studioso kkkkk.

    • Caaqil Jimcaale,

      kkkkkkkkkkk! Caaqilkoow, runtii waad iga qoslisay oo isla markaas na ereyadii aan mahadnaqayga kuugu muujin lahaa ayaan xaqiiqatan ku marggaday. Afkii baa juuq ba gabay Rabbanaa Yacizak!

  5. Marka Meeqaamka Muqdisho laga hadlayo, waxan la isku heystaa waa shimbiro yahow heesa iyo Kaarto ay Naceyb iyo Naxli kasoo shaqeeyeen oo madaxa isku gelineysa Hawiye iyo Daarood Siiba Majeerteen iyo Ogaadeen.

    Farmaajo olole ayuu ku Jiraa. Ololuhuna dadka wuu Madax maraa. Waxbadan baana suurto gal noqoda. Kuwa bilaa damiirka ahi xitaa caruurtooda ayay sii ijaaran karaan hadey la gasho godkaas. Kkkk

    Sheekadan wareersan baryahanba waan iska daawanayay. Labo waxba aadbaan ula yaabay. Waa kow sida ay dadkii oo Dhami wax magarato u noqdeen oo ay badankoodu noqdeen kuwo u jila riwaayadii sida loogu soo dhigey. Waa kuwaas jawaaba xanafta leh is weydaarsanaya. Iyo kuwo naga bareejeeya yidhi oo ku taliyay in Khaatumo Maamul loo aqoonsado. SSC Ayay weliba ugu yeedheen. Kkkk Shaxdey degeen ayaa ah imika Budhleyn 11 Xildhibaan ayay Aqalka sare ku leeyihiin. SSC kolka la aqoonsadana intaas oo kale ayay la fuqayaan. Kkkkk Budhleyn oo imika ah 2.5 Gobol ayaa sadbuesi weyn heysata. Kuwii Khaatumaa loosii qadimey si loogu aamusiyo. Hadana waxey leeyihiin intiina waanu heysan in kalena hala siiyo Maamulkaas cusub sidaasna Hawiye iyo Daarood Bareejo haku noqdaan. Kuwaasaa ugu fikrad xun. Qalbada ayay ka wasan yihiin walee. Kkkk

    Waxaas oo Dhami waa dhalanteed. Senetaro Gobolka Banaadir heli waxa ka horeeyay in uu Maamul ay iyagu soo doortaan helo. Caasimada in yar oo kooban oo Meeqaam gaar ah leh Banaadir halioga dhex qoondeeyo amaba halaga raroba oo Magaalo kale hala geeyo. Laakiinse Dadka Reer Banaadir waa iney helaan Maamulkiisa. Waa hadii Federaal weli lagu dhaqmayo’e. Kolkaas ayaa la ogaan hadey Soomaalinimo wada degto ama iney Qabiilo gaar ihi u badan yihiin. Ninkii doonaa ha iska soo sharaxo oo dadku hasoo doortaan. Qoladuu doono qofkaasi hakasoo jeedo, cidii doontaana ha u codeyso, waa inuu matalaa oo uu u doodaa Banaadir iyo halkii laga soo doortey. Sidey imika taheyse ku socon meyso. Duq magaalo iyo Gudoomiye Gobol oo isku dhafan oo uu Madaxweynuhu soo magacaabo halka maamulada kale ee ka dadka yarina Madaxdooda iyagu soo doortaan. Taasi sharci iyo dowtoona maaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*