DAAWO: Wararkii u dambeeyey xaaladda Itoobiya, Xukuumadda oo war cusub soo saartay.

ADDIS ABABA(P-TIMES) – Xaaladda dalka Itoobiya ayaa ka dagan maanta sidii ay ahayd 4tii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana saaka si taxadar leh u furmay dhammaan goobaha ganacsiga ee magaaladda Addis Ababa dalka Itoobiya, waxaana la arkayaa ciidamada oo kusugan jidadka muhiimka ah ee magaalada, si ay u xaqiijiyaan Amniga.

Saraakiisha nabadgalyada ayaa xalay ku hanjabay in ay talaabo adag ka qaadi doonaan kuwa kasoo horjeeda ammaanka iyo kala dambeynta oo ay sheegeen in ay adeegsanayaan sharwadayaal doonaya in ay dalka Itoobiya kala gooyaan.

Taliyaha booliska ayaa daaha ka feyday in ay jiraan shabakado dhisan oo wali kusugan gudaha dalka, kuwaas oo doonaya in ay kala dhantaalaan Itoobiya, laakiin wuxuu sheegay in ay si adag uga hortageen oo ay talaabo adag ka qaadeen.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shalay ka sheegay aaskii Fanaankii Oromadda in kuwii dilay iyo kuwa rabshadaha kiciyeyba ay ahaayen kuwa isku xiran oo doonayay in ay dumiyaan Itoobiya oo cadow ku ah daganaanshaha dalka.

Col, Abiy ayaa sheegay in kuwaas gacan adag lagu qabtay oo ay xaaladda wajihi doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*