DAAWO:Madaxweyne Denni oo la ciiday shacabka Gaalkacyo

GALKACYO(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Denni ayaa maanta salaadda Ciidul Adxada dad weynaha kula tukaday masaajidka Xaaji Cali Biixi ee magaalada Gaalkacyo.

Denni iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa dad weynaha la tukaday saaladda ciida, waxaana madaxweynuhu uu guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dad weynaha Puntland ugu hambalyeeyay munaasibada ciida.

Waxa uu bulshada Puntland ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta nabada, midnimada iyo horumarka .

Deegaanada Puntland ayaa maanta laga wada ciiday, waxaana, bulshada kala duwan ee ku dhaqan ay la dabaal dagayaan farxada ciida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*