DAAWO:Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay waxgaradka Galmudug ee Muqdisho ku sugan

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa munaasibadii Ciidul Adxada awgeed waxa uu casuumaad u sameeyey qaar kamid ah siyaasiyiinta, ganacstada iyo waxgaradka ku dhaqanka gobolka Banaadir ee kasoo jeeda Galmudug.

Kulan madaxweynaha iyo waxgaradka oo ka dhacay Muqdisho ayaa ku saabsanaa is xog waraysi iyo ka shaqaynta nabada iyo is dhex galka bulshada deegaanada Galmudug.

Dhinacyadii ka qayb galay kulanka ayaa madaxweynaha uga mahad celiyey casuumada uu u sameeyey, waxaana dhinacyadooda ay la wadaageen madaxweynaha talooyin kala duwan.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa isna sheegay in ay muhiim tahay in bulshada Galmudug ay isku duubnaadaan isla markaasna horumar laga sameeyo dhinacyo badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*