Dagaal ka dhacay jiidaha hore & Sarkaal sare oo lagu dilay

MUQDISHO(P-TIMES)- Wararka aan ka helayno gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda Macawisley iyo Al-shabaab ay ku dagaalamaneen degaano ka tirsan gobalkaasi Hiiraan.

Mid kamid ah kooxda Macawisleyda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dagaal ay la galeen Al-shabaab ayna guulo ka gaareen, waxaana uu sheegay in gudoomiye ku xigeenkii deegaanka Xarar Dheere ee Al-shabaab ay ku dileen dagaalkaas, kaas oo sida ay sheegeen ku dhuumaalaysanyey deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Kooxda macawisleyda ayaa inta badan waxa ay la dagaalamaan ururka Al-shabaab, waxaana kooxda inta badan yihiin dad xoola dhaqato ah oo si iskood ah isku abaabulay.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka taageertay dhinacyo kala duwan si ay u sii xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Deegaano badan ayey kala wareegeen Al-shabaab, halka deegaanada qaarkood ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*