Dowladda oo dib u fasaxaysa duulimaadyadii gudaha dalka & Heshiisyo la ansixiyey

MUQDISHO(P-TIMES)- Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in dib loo furayo duullimaadyadii gudaha dalka, kadib markii golaha wasiirrada Soomaaliya ay Muqdisho ku yeesheen shirkoodii Khamiislaha ahaa, kaas oo uu shir guddoominayey Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed.

Shirkaas ayaa dood dheer kadib lagu go’aamiyey in dib loo furo duullimaadyada gudaha dalka maalinta Axada ah ee soo socota, waa 5-ta bishan, waxaana lagu xusay qoraalka in loo baahan yahay taxadar dheeraad ah.

Sidoo kale waxaa lagu go’aamiyey kulanka golaha wasiirrada in deegaanada dowlad goboleed kasta ay maalintii aado hal diyaarad oo kaliya, heshiisyo ayaa sidoo kale lagu ansixiyey shirkii maanta ee golaha wasiirrada Soomaaliya.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya

Shir golaha wasiirradu maanta ay yeesheen oo uu guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lagu ogolaaday in dib loo furo duullimaadya gudaha si loo fududeeyo isu socodka Bulshada iyada oo lagu dhaqmayo talooyinka xakameynta faafitaanka COVID-19.

Golaha ayaa dood dheer oo ay yeesheen kadib waxay cod aqlabiyad leh ku ogolaadeen in si taxadar leh dib loogu bilaabo duullimaadka gudaha maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay July 05, 202o, iyada oo maalintiiba ay dowlad gobaleedyada dalka tageyso hal diyaarad.

Shirka golaha ayaa, dhanka kale, lagu meel mariyay Heshiiska Gaadiidka Badda ee Soomaaliya iyo Qatar iyo Hindise-sharciyeedka Summadaha Ganacsiga.

Golaha waxuu sidoo kale ansixiyay Is-afgarad ganacsi oo u Dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, Is-Afgarad Ku Saabsan Samaynta Guddi Sare oo Isku Dhaf ah oo u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, Is-Afgarad Ku Saabsan Machadka Diblomaasiyadda oo u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo Is-Afgarad La Xiriira Wada-tashiga Siyaasadeed ee Qadiyadaha ay Wada Danaynayaan Labada Wadan ee Soomaaliya iyo Qatar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*