Dunid Islaamka oo maanta si weyn looga ciiday

NAIROBI(P-TIMES)- Waxaa maanta si weyn looga ciiday dhamaanba dunida Islaamka ah, iyadoona dad badan ay iskugu soo baxeen goobaha lagu tukado Salaada.

Dadka Islaamka ah ayaa si weyn u oogay Salaada Ciidul Adxada, waxaana qaybaha kala duwan ee caalamka ka socda dabaal deg iyo damaashaad heer sare ah.

Goboladda dalka Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha sida weyn looga ciiday maanta, waxaana shacabku ay isugu baxeen goobaha lagu tukado Salaada.

Magaalooyinka waa weyn ee dhulka Soomaalida ayaa si weyn looga oogay Salaada ciida, waxaana shacabku ay iskugu hambalyeynayaa munaasibada ciida.

Madaxda Soomaalida ayaa hambalyada ciida la wadaagay maanta shacabka, iyagoona alle uga baryey inuu ciida ciideeda kale uu ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*