Duuliye Fu’aad iyo Jabuuti: Shan qodob oo hay’adda Xuquqda Aadanaha ay ka qortay

Bishii June ee sannadkan waxaa dalka Jabuuti ka dhacay rabshado salka ku hayey xarigga duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo dowladda u xiran kaas oo muuqaal laga soo duubay ay ka dhasheen bannaanbaxyo.

Fu’aad Yuusuf Cali, oo ahaa duuliye ciidan, ayaa u cararay Itoobiya 27-dii bishii Maarso ka dib markii uu dhalleeceeyay “cadaalad darrada ka dhex jirta Milatariga dalkaas,” sida ay qortay warbaahinta RFI oo isaga soo xigatay.

Hay’adda xuquuda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ka soo saartay xarigga duuliye arrimo siyaasadeed ugu xiran Jabuuti, shan qodob ayaan ku soo koobeyna warbixnta hay’addaas.

“Baaritaan dhax dhaxaad ah”

Hay’adda ayaa dolwadda Jabuuti ka dalbatay in ay baaritaan dhaxdhaxaad ah ku sameeyso “sida xun” ee la sheegay in loola dhaqmay duuliyaha xiran ee horay uga tirsanan jiray ciidamada cirka ee dalkaasi, ayna sido kale dowladda xaqiijiso in xuquudisa la xushmeeyo.

Hay’adda ayaa sheegtay in dibadbaxyo nabdoon oo lagaga soo horjeedo xarigga Fu’aad ay dowladda mamnuucday.

“Masuuliyinta Jabuuti waa inay baaritaan ku sameyaan eedeymaha uu Fu’aad sheegay ee ah in si xun loola dhaqmay, ayna xaqiijiyaan inuu hello xaqiisa,” waxaa sidaasi yiri Laetitia Bader oo ah madaxa Geeska Afrika ee ha’adda u doodda Xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch.

Baxsashadii Fu’aad ee Itoobiya

Fu’aad Yusuf Cali oo ka tirsanaa ciidamada cirka ee Jabuuti ayaa bishii Maarso ee sannadkan u baxsaday dhanka dalka Itoobiya si uu magangelyo u weydiisto dalkaasi.

Inta uusan ka bixin dalka wuxuu duubay muuqaal uu ku sheegay in ay musuqmaasuq ku dhaqmayaan saraakil sare ee ka tirsan cidamada Militaryga, wuxuuna intaasi ku daray in ay sameyaan faquuq ku saleysan qabaa’il, wuxuuna ku dhawaaqay rabshado ka dhan ah dowladda.

Duuliye Fu’aad wuxuu hadda ku xiran yahay xabsiga Gabood “isagoo isla markii aan loo ogolaan in qoyskiisa uu la kulmo ama qareenkiisa ama inuu megengelyo ka helo Itoobiya”, ayaa ku xusan warbixinta hay’adda.

Bishii Aprill dowladda Itoobiya ayaa dib ugu tarxiishay Jabuuti halkaas, waxaana lagu eedeeyay “qiyaano qaran isagoo wax qareen ah uusan u doodeynin.”

“Itoobiya waa in ay baaritaan ku sameyso in haddii maamulka halkaas ay xushmeeyeen xuquuqda Fu’aad ee dalabka megengelyada”, ayey tiri hay’adda.

Xoriyadda warbahinta

Tan iyo intii uu xilka qabtay madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle, sannadkii 1999-kii, dowladda dalkaasi waxay marar badan joojisay dibadbaxyo, sidoo kalena waxay xadidday xuriyadda warbahinta, sida ay hay’addan u doodda xuquuqda aadaha sheegtay.

Bishii June, wuxuu Fu’aad soo duubay muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo uu ku sheegay in ay ku dheceen cudurada haragga oo uu ku dhibaateysanyahay xabsiga gudihiisa.

Muqaalkaas waxa ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay caasimada dalkaas ee Jabuuti iyo magaalada Cali-Sabiix oo ah tan labaad ee ugu weyn dalkaas, 5-tii illaa 6-dii June.

Sida ay sheegtay hay’adda HRW, warbahinta dalkaas Jabuuti ayaa ku warantay in ciidamada ay xabsiga u taxaabeen tobanneeyo qof oo ka qeyb qaadanayay dibadbaxayada looga soo horjeeday xarigga Fu’aad.

11-kii bishii June, xafiska madaxweynaha ayaa sheegay in ay jireen dad la xiray intii ay socdeen dibadbaxyada kuwaas oo ay ku jireen kuwa ”isku tilmaamaya weriyayaal”.

“Dowladda waa in aysan kiiskan u adeegsan marmarsiinyo ka dhan ah dibadbaxyada, iyadoo doorasho uu dalkaas ku wajahan yahay”.

Ka hor doorashadii madaxtinimo ee 2011-kii, hay’addan u doodda xuquuqda aadanaha waxay sheegtay in ay heshay in maamulka ay mamnuuceen isu soo baxyada.

“Waxaa si aan kala sooc lahayn loo xiray loona maxkamadeedad dad si nabad ah u dibadbaxayay iyo hoggaamiyeyaal mucaarad”.

Doorashada madaxweynaha ee Jabuuti ayaa la filayaa in la qabto sannadka 2021-da.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa horey u diiwaangeliyay in “tacadiyo loo geystay maxaabiis siyaasadeed oo ku xirnaa xabisga Gabood.

“Waxaa ka mid ah dhimasho ka dhex dhacday xabsiga 2017-kii ka dib markii si xun loola dhaqmay Maxamed Axmed, oo ahaa siyaasi mucaarad ahaa kaas oo dembiyo siyaasadeed loo haystay”, ayaa ku xusan warbixinta.

Qoyska Fu’aad

Qaraabada Fu’aad waxay hay’adda Human Rights Watch u sheegeen in u jeedadiisu ay ahayd in uu megengelyo ka helo Itoobiya.

Xaaska Fu’aad, Samira Jamac ayaa hay’adda xuquuda aadanaha ee HRW u sheegtay in qoyskeeda ay wajahayaan dhibaateyn joogta ah, tan iyo markii uu Fu’aad isku dayay in uu dalka ka cararo.

Waxay sheegtay in bishii Maarso, la xiray iyada iyo labadeeda ilmood oo 16 sano iyo 13 sano jir ah. Sido kale waxay intaasi raacisay in lala xiray 15 qof oo ka tirsan qoyskooda iyo dariskooda lala xiray.

Waxay sheegtay in xabsiga lagu hayay muddo todobaad ah, si joogta ahna loo weydiinayay halka uu jiro sayigeeda, sida ay u sheegtay hay’adda Human Rights Watch.

Maxkamadda la soo taagay qareen la’an

22-kii Bishii April, waxaa maxkamad la soo taagay Fu’aad iyadoo uusan joogin qareenkiisa waxana lagu eedeeyay arrimo ay ka mid yihii “qaran dumisnimo iyo inuu xiriir la lahaa quwado shishiye oo Eritrea ay ka mid tahay iyo kicin dadweyne.”

Eedeymaha la xiriira “qiyaano qaran” waxay horseedi karaan in lagu xukumo xabsi da’in.

Qareenka Fu’aad, Zakariya Abdullahi ayaa hay’adda HRW u sheegay in Fu’aad uu xabisga ku jiray 48-sacadood ka badan isagoo aan maxkamad iyo hannaan cadaalad aan helin, “taas oo ka soo horjeeda sharciga.”

Ka dib Fu’aad ayaa maxkamad la geeyay, balse wuxuu sheegay in loo ogolaaday inuu la kulmo Fu’aad bishii May 13-keedi.

Sidoo kale qoyska Fu’aad ayaa sheegay in ay ka war heleen halka uu Fu’aad joogo bishii Aprill 25-keedii, loona diiday in ay la kulmaan ilaa 7-dii bishii June.

Qareenka Fu’aad ayaa maxkamadda ka dalbaday in Fu’aad lagu wareejiyo si isbitaal loo geeyo, balse maxkamada ayaa ku gacan seertay racfaankaas ka dib markii ay baaritaan caafimaad ugu dhex sameeyaan xabsiga.

“Hoggaanka Jabuuti wuxuu u muuqdaa in kaalin muuqata uu ku yeelanaya caalanka,” ayey tiri Bader.

Waxay intaa ku dartay: “Madaxda waa in ay dib u billaabaan dhiiragelinta ah in la dhowro xuquuqda aadanaha ee gudaha dalkaas, iyagoo xushmeynaya dibadbaxayaasha nabadda ah, madaxbannaanida warbaahinta iyo xuquuqda dadka xabsiyada ku jira.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*