Farmaajo, oo markale cadeeyey in laga shaqeynayo rabitaanka shacabka ee Doorashada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shirweynaha Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa ka warbixiyey Geeddi socodka dheer ee loo soo maray sidii shacabka Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaan ay ku aaminayaan talada dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaxaajoodka ku saabsan dhammeystirka hannaanka doorashooyinka iyo khayraad wadaagga la furtay Dowlad Goboleedyada bilowgii muddo xileedkiisa, taas oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in wadatashi iyo midnimo loogu guuro hannaanka doorshaada loo dhanyahay.

“Danta guud in aan ka shaqeyno waa masuuliyad ina wada hortaalla. Rajadu maanta aad ayey u wacan tahay. Shacabka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay ku kalsoodaan hor u socodka siyaasadeed ee dalkeenna.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ka qeyb galka shirkan iyo dadaalka ay ku bixiyeen sidii looga mira dhalin lahaa, iyada oo mudnaanta la siinayo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo horumarka dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Dowlad Goboleedka Galmudug, bulashada iyo waxgaradka deegaanadan soo dhaweynta diirran iyo martigelinta qiimaha badan ee ay u sameeyeen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

XIGASHO: Villa Somalia

5 Comments

  1. Dhuusomareeb Waxaay Guushu Ku Raacday Nabad Iyo Nolol,
    Waxaana Lagama Gudbaan Ah Sharciga Doorashooyinka Ee Ay Ansixiyeen Labada Aqal Isla Markaana Uu Saxeexay Madaxweynuhu,
    Period

  2. DHUUSAMAREEM WAA LAGU KALA ADKAADAY RIYO MAALMEED KII FARMAAJANA WAA LA DIIDAY, WAXAANA LAYSKU RAACAY DOORASHO DADBAN INAY WAKHTIGEEDA KU DHACDO. HALKAA WAXA GOD DHEER KU DHACDAY RAJADII FARMAAJO EE AHAYD CIMRI DHEERAYSIGA.

  3. Waxa dhab ah,in madaxwaynaha dowlada federaalka ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxaned Farmaajo uu mujiiyey ruug cadaanimo,daacadnimo,odaytinimo mug wayn iyo tanaasul,sudaasi waxaa cadeeyey dhamaan madaxda maamul goboleedyada ee Soomaaliya.
    Kuwa ra’yigoodo yahay in dhaliil aan jirin,waa qori kartaan,laakiin dadwaynaha Soomaaliyeed waxa intooda badan ay taageersanyihiin,
    habka iyo geedi socodka nidaamka doorasho ee inta badane ay isko raacdo in la hirgaliyo.
    Soomaaliya dhabihii guusha ayey ku socotaa.
    Soomaaliya guul iyo gobanimo.

  4. Runta marka laga hadlaayo 5 Goal iyo waxba ayuu kaga badiyay.. markuu shirka yimid nimankii bac bac lahaa loo taag la,aa digaag ayay noqdeen isagii ayay umaaan xad dhaaf dusha u saareen.. Yaaab

  5. Mar hore ayaan sheegay, markuu shirka yimaado Farmaajo waxa uu odhan doonaa , aniga waa la i doortay ma ihi kaligii taliye kursiga xoog ku fadhiya, Sharci baarlamaan soo saaray ma jibin karo , Dastuurka ilaalihiisa ayaan ahay shacabka ayaa i aaminay , golayasha baarlamanka la xidhiidha oo ku kalsoonada Jaalayaal nabadeey. dooda ay meelna ka dhaafi waayeen wataa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*