Is dul-taag kooban: Daqiiqadihii Khudbadda Farmaajo, dhinac walba u riday, Cadeystayna mawqifkiisa.

MUQDISHO(P-TIMES) – Maalmihii lasoo dhaafay madaxda dawladda Faderaalka & Dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah waxay wada hadalo siyaasadeed oo ku wajahan nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa marka ay dhamaato mudo xileedka hadda ku lahaayeen magaalada Dhuusa-Mareeb, is mari waa dhameystiran oo ku wajahan hanaanka doorashada aya soo dhamaaday.

Madaxda dawlad gobaleedyadu waxay madasha caawa ka sheegeen in la gaaray guul kuwajahan arrimihi ay ka wada hadleen, waxay isku raaceen intooda badan u hanjabida Guddoonka baarlamaanka oo ay ku sifeeyeen mid aan dooneyn dan Soomaaliyeed, sidaas oo kale xildhibaanada ayay u sheegeen in ay la dagaalami doonan oo aysan soo laaban doonin hadalo duurxul ah oo ay u gudbiyeen.

Tifaftiraha Warsidaha PuntlandTimes, Farah Cabdulqaadir Geylan ayaa is dultaag kooban ku sameeyey Khudbadii Farmaajo, jawaabta uu bixiyey, nuxurkeeda iyo ujeedada hadalkiisa oo u badnaa warbixino toos ugu socday dhinacyo ka baxsana madasha wada hadalka.

Anoo horey maanka ugu hayay Hadal-todobaad kahor uu sheegay Taliyihii hore ee Sirdoonka Soomaaliya, haddana kamid ah mucaaradka diidan siyaasadda Dawladda hadda jirta Cabdullaahi Sanbaloolshe, kuna wajahnaa shaqsiyada iyo go’aanka M/weyne Farmaajo, uuna ku sifeeyey nin aan go’aankiisa ka laaban, laakiin dabac muujiya ayaa dib u dhageystay hadalkii Madaxweynaha Faderaalka uu ka jeediyo madashii caawa ee Dhuusa-Marreeb.

Farmaajo, caawa waxa uu u muuqday Bad-maax yaqaan sida loo jilaabto, ku fiican jihooyinka, salowga habeenimo aanu ka lumin sahankiisa, wuxuu muujiyey sida bad-kacsan maayadeeda looga badbaado.

Madaxda D. Gobaleedyada oo ay sida adag isku hayeen, oo hadalka uga horeeyey war aan afkiisa kasoo bixin ayaa amaanteeda u xambaariyeen, si uu dabacsanaan uga muujiyo golaha, ma uusan yeelin wuxuu furay xog-waran shacab,wuxuu ishaaray in uu yahay siyaasiga kaliya ee shacabka wax lajecel.

U laabashada baarlamaan ee uu ku adkeystay Farmaajo iyo cabsida Dawlad gobaleedyadu muuniyeen aanba kudarnee Mr, Waare oo aan gaareyn November, waxay muujinaysaa Hilaac kale.

Wuxuu si hufan shacabka utusay qofka uu yahay isago dhexmaraya Madaxdii D. Gobaleedyada oo markan dambe amaan ugu qubeeyey, si barax la’ana mowqifkiisii Qof iyo cod ugu adkaystay.

15 Comments

  1. M/Weyne Deni iyo M/weyne Ahmed Madoobe oo garwaaqsaday in Farmaajo yahay Masuul Quunyar socod ah oo Soomaalinnimo ku fog tahay oo ay isku beel yihiin, una baahnaa oo qudha taladooda iyo fikirkoodaba inay la wadaafaan, kuna kordhiyaan, waxay ogaadeen in loo kala been sheegi jiray ayaga Farmaajo, laguna dhexjiray, balse hadda ay is fahmeen, kuwii u kala sheekayn jirayna ay meesha ka baxeen, hadda iyo waxii ka dambeeyana u muujinayaan kalsooni iyo wada shaqayn buuxda, taasoo ay ku jirto danta guud iyo midnnimada Soomaaliyeedba…

    • HAA waa runtaa laakiin mariixaan marki uu hawiye dhrgta ugu sheegaan gobtii daarood baa tahay iyo majerteen waxba uma ogola qolodiina baa farmajo waxa ku kici doonta qaras kablalax.

    • KKK BIL XAQIIQA DANI WAA KHABIIR SIYAASADEED INTUU FARMAAJO U QOOSGOOYAY RIYADIISII AYUU HADANA HADAL DUURXUL AH OO AMAAN DHAKAB KU SIIYAY WAANA TACSIYADAYN IYO NIYAD QABOOJIN. CAYAARTA ADII LAGAA BADIYO KAN KAA BADIYAY WUU KUU NIYAD DHISAA WAA SIDII CAML. WIIL HOOG DR DANI GUULAYSO. HADALKA FARMAAJO WUXUU AHAA DARDAAARAN NIN SII DHIMANAYA WAJIGIISANA FOOLXUMO BADAN AYAA KA MUUQATAY WAANA ISKU DHEX YAACSANAA ODAYGU CAAWA

    • KKKK WAARE WUXUU YIRI FARMAAJOW FUUSTA DALASHOA AYAAD BIYO KU DHAAMINAYSAA SOCONA MAYSO WALAHI WAA HADAL TAARIIKHDA GALAY. WAARE WAA OGYAHAY FARMAAJO INUU DHIMIRKA KA XANUUNSANAYO WAANA SARBEEBAY HADALKA KKK, CAAWA WAXBAA KA DHACAY.

      • Hdana sxb deni io axmed madoobe way ogaaden in farmajo somalinimada kuwayn tahay hdl iyo buuqna wxna looga qaadi kirin

    • Caqli Dhulbahante kuma yimid
      Doqontii ismoodee Arooskeed la heestay
      Axankaagii baad daaqeysaa, taada ka tali clean yr house before you clean other people’s homes

  2. Waxaad moodaa in madexweyne Dani laga caqli badiyey, waa tan koowaad ee amaan buu kula dul dhacay Farmaajo aana laga garanayn sababta. Tan labaad waxaa moodaa in Md Dani ay ka luntay jihadii siyaasadu oo uu ku asqoobay, wax ka soo baxay shirka oo uu sheegi karana ma jirto. Farmaajo waxa uu ka gaadhay Guul siyaasadeed, waxa uu ku soo koobay hadalka Parlamaanka baan la tashanayaa. Lkn Md Dani oo iska dhigayey baarqab libaaxa ah ayaa maanta noqday dacawo qoyday, oo ruuxiisii iyo raqdiisiiba la waayay, waxaan ahadalkiisii ku soo koobmay Thanks Md farmaajo , adigaa la, aantaa shirku ma socdeee. la, aantaa xal lama gaadhee.

    Parlamnkaa Pl waxaa la gudboon bal inay Md Dani u yeedhaan oo waydiiyaan, 15 cisho maxaad soo kordhisay. Xitaa shahaadada ardayda Pl ee loo diiday kama hadal.

    • SHEEKH RUNLOW SAAXIIB SIYAASADA WAA LAGU KALA ADKAADAY FARMAAJO DHULKAA LAGU JIIDAY WAANA LAGA DIIDAY RIYADIISII DA AHAYD EE AHAYD. SDANI U AMAANAYDANI FARMAAJO ADIGU MA GARAN KARTID WAAYO HADAAD KA BADISO SAAXIIBKAA CAYAARTA WAA INAAD NIYADA U DHISTAA, DANI HADALKIISU WUXUU AHA U TACSIYADAYN UU NIYADA U QABOOJINAYO FARMAAJO MAADAAMA AY CAAWO CADAATAY FARMAAJO INUUSAN SIYAASADA SOMALI SII JOOGI DOONIN LOONA QUUS GOOYAY.DANI WAA SIYAASI WAYN FAHANKIISUNA DHEERYAHAY HADALKIISUNA WUXUU AHAA NIYAD QABOOJIN IYO JEES JEES RAGII LAGA BADIYAY. ALMUHIIM MEESHA WAXA LAYSKU HAYSTAY WAXAY AHAYD WIXII FARMAAJO WATAY OO RIYA MAALMEEDKA AHAYD QOF IYO COD KU DARSI KU HOOS QARSOONAYAHAY WAANA LA DIIDAY ARINKAAS,

  3. Fardo Kaan iyo Sh Runloow, waxaa tihiin been loowyaal doofaara ah oo biiri qaatayaal ah. Farmaajo waa beenlow xanuunsan oo iska hadla. Dani waa masuul Soomaaliyeed kana shaqaynaya Dan Siomaali.

  4. Habiiba
    Inabti Quruxeey Ha Na Caayin Dee Been Ma Sheegnee,
    Bal Dani Weydii Wuxuu Kala Soo Noqday Dhuusomareeb, Wuxuu Kugu Jawaabi Aniga Iyo Madaxweyne Farmaajo Waa Naloo Kala Sheekeeyay Oo Ka Dhigan In Badhasaab Dani Saaxiga Keeney

  5. Isu soo duuboo 2021 feb 8 ka filosofie xamaredielad dhexe oo bedesha farmajo kor iyo hoos waxaadna ka Gara taa shirka waxaa ka maqan mudulood waxayna ku maqan yihiin talo ah sidii farmaajo loo sagootin lahaa hadimadii uu geystayna shacabka somaliyeed looga meydhi lahaa

  6. Waxaa layaab leh, Qofka Soomaaliga ah labo un buu mid yahay. In uu noqdo qof 100% Mucaarad ah iyo in uu noqdo Qof 100% Muxaafad ah!!

    Midka Mucaaradka ah labu un buu mid yahay. In uu qofkaa u Mucaaradayo qabyaalad darteed, oo xitaa haddii uu ahaan lahaa, qafka uu mucaaradayo mid wanaagsan, uu mar kasta mucaaradi lahaa!

    Iyo mid 100% Muxaafid ah oo aay Muxaafid nimadiisu labo in mid tahay.

    In uu yahay, mid Qofkaa Qabyaalad ugu taageeraya si indho la’aan ah, xitaa haddii uusan wax dan ah ku qabin.

    Iyo in uu yahay mid Qofkaa ku taageeraya, dano Shaqsi oo uu markaa qafkaa ka dhex arko. Kaas oo haddii uu dantaa ka waayana noqonaya, mucaarid 100% ah!

    Marka, Soomaalida waxaa ka maqan, qiyaastii dhexe ee wax lagu cabbiri lahaa, oo qofka hoggaanka haya haddii uu ummadda waxtar u yeeshana taa ku taageeri lahaa, haddii uusan wax qabad lahayna, taa ku mucaaradi lahaa!

    Xilligii Allaha u naxariistee C/llaahi Yuusuf ayaan arkay nin si aad ah u mucaaradsan.

    Waxaan weeydiiyey, maxaad ninkan sidan ugu mucaaradsan tahay?
    Wuxuu yiri Amxaaro ayuu dalka leenay?
    Waxaan iri, oo miyaadan ogeyn, in aay Amxaaro Awalba joogtay Gobollo badan oo Koofurta kamid illaa iyo 96dii,mise Dalka Xamar baa kuu ah?!

    Maalintii dambe ayaan arkay, ninkii oo Dabbaal dagaya, markii Shariif la Caleemo saaray!!

    Maxaan iri, oo Amxaaradii weli waay joogtaaye, maxaad u dabbaal degtay?!
    Nimkii Wuxuu billaabay in uu shig shigo, anna gartay oo awalba C/llaahi buu diidanaaye, Dal la qabsaday iyo Amxaaro dan kamuusan lahayn!!!

    Marka, Soomaaliyeey waa in meel dhexaadkii la idinka helaa, haddii aad rabtaan in aad sii jirtaan!!

  7. Warmurtiyeedka shirka kasoo baxay iyo khudbadda ay jeediyeen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo ay ka muuqatay saadaal rajo leh (optimism) waa laba aan isa-surmayn. Warmurtiyeedka nuxurkiisu wuxuu ahaa in la qabto ‘doorasho waqtigeeda ku dhacda oo lagu wada qanacsan yahay’. Waa hadal qofba sida uu jecel yahay u fasiran karo. Waqtigu ma marka muddo-xileeddku dhammaadaa mise waa kii ay soo jeediyeen guddiga Xaliimo-yarey?

    Tan kale, iyadoo la sheegay in ilaa 100 xildhibaan oo u badan Aqalka hoose ay joogaan Dhusamareeb ayaa kulan ay kasoo baxeen go’aanno ku saabsan wixii looga hadlayey Dhuusamareeb ay qaateen xildhibaannadii Xamar ku haray, oo uu guddoomiyey Mursal! Marka, ma Mursal baa iskii u socda oo xargogoostay mise Farmaajo ayaa labowejileeynaya?

    Tan kale, Farmaajo wuxuu sheegay inuu talo ugu noqonayo Baarlamaanka. Sow caddeyn uma aha inuusan go’aan cad qaadan iyo inuusan tanaasul sameyn? Baarlamaanka ku shaqeeya laaluushka iyo amarkiisa muxuu kaga noqonayaa? Mise qoloda dhabta ah ee uu u noqonayaa waa Fahad Yaasiin iyo Abiy Ahmed?

    Saciid Deni iyo Axmed Islaam waxay Farmaajo ku ammaaneen odaynimo iyo dabacsanaan. Kolley si hoose ayaa loo wadahadlay. Marka, ma dhici karta in lagu yiri haddaan nahay Daarood waxaad nagu haysaa dagaal hoose dal ahaan iyo dad ahaanba, marka, annagu wax kuuma diiddanin laakiin wax gaar ah ha noo sameeyne, noola dhaqan si la mid ah Soomaalida kale. Haddii taas Farmaajo ballanqaaday, ma fulin doonaa? Ma u madaxbannaan yahay? Mise la aamini karaa?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*