Kumanaan muslimiim ah oo ku sugan buurta Carafa si ay u gutaan waajibaadka xajka

MAKA(P-TIMES)- Kumanan muslimiin ah oo xujey ah  ayaa saaka u dareeray Buurta Carafo si ay gutaan rugniga ugu weyn ee  acmaasha Xajka.

Muslimiinta ayaan sanadkan waxaa saameyn ku yeeshay cudurka Covid 19 oo saameyn xoogan ku yeeshay guud ahaan caalamka.

Sidoo kale muslimiin badan ayaa maanta sooman, iyadoona maalinta beri ay tahay maalinta koowaad ee ciidul adxaa.

Sidoo kale Xujeyda ayaa marka qoraxdu dhacdo waxay aadi doonaan dhanka Musdalifa, si ay u dhameystiraan waajibaadkooda xajka.

Barri oo Jimco  ah ayaa ku beegan Maalinta Ciidul Adxa, waxaana socda diyaar garowga loogu jiro weynaynteeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*