Madaxweyne Axmed Madoobe “Arimaheena si hoose ayaan u dhamaysanay”

DHUUSAMAREEB(P-TIMES)- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad ka jeediyey shirka wada tashiga madaxda dowladd goboleedyada iyo madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu mahad celiyey shacabka iyo madaxda Galmudug soo dhoweyntii ay u sameeyeen.

Mr. Madoobe ayaa shirka Dhuusamareeb iyo gogosha la dhigay masuuliyadooda dusha u saaray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in uu sameeyey odaynimo iyo tanaasul ku aadan talada dalka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe oo si dadban uga hadlay arimihii la isku hayey ee muranka adag dhaliyey ayaa hadalka kusoo koobay “Gacmo geel jire hoos baa loo dhaqaa” oo uu ula jeeday madaxda ku sugan Dhuusamareeb arimihii ay isku hayeen si hoose ayey u dhamaysteen.

Hogaamiyaha Jubbaland ayaa sheegay in danta guud marka ay hagaagto ay si hagaagto danta gaarka ah, waxaana uu sheegay in xaalada dalka ay qiimayn ku sameeyeen taas oo keentay in ay si gaar ah madaxdu uga wada heshiiyaan arimihii la isku hayey.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo jeediyey in lasoo dhoweeyo wakhtiga uu dhici doona kulanka dambe oo ku beegan 15-ka bisha August, isagoona sheegay in wakhtigaasi uu ku beegan yahay xili adag oo ay doorasho kusoo wajahan tahay dalka isla markaasna madaxda la kala gaadhsiinayo hadalo iyo warar xan ah oo kala dili kara.

Xildhibaanada laftirkooda ayuu sheegay in xiligaasi mid walbaaba uu samayn doono dadaalo uu ku doonayo in uu kusii joogo kursigiisa isla markaasna ay muhiim tahay in layska qaato go’aan midaysan oo xaalada dalka lagu wada gorfeeyo.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*