Madaxweyne Denni oo sheegay in uusan ka qayb galay shirka Muqdisho

GALKACYO(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni oo xalay ka qayb galay munaasad lagu xusayey 1-da Luulyo ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka sida amniga, doorashooyinka iyo shirkii uu dhawaan madaxda dowlad goboleedyada uu ku casuumay madaxweyne Farmaajo.

Saciid Denni ayaa waxa uu sheegay in uu aqbalayo qaraarkii Baarlamaanka Puntland uu ugu diidayey in uusan ka qayb gali karin shirka magaalada Muqdisho ee uu madaxweynaha Soomaaliya ku casuumay madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Waxa uu madaxweyne Denni muujiyey walaac iyo rajo xumo ku aadan xaaladda dalka, isagoona sheegay in madaxda dalka ay Soomaaliya kuwadaan kala qaybin keeni karta bur bur waa sida uu hadalka u dhigaye.

Isaga oo ka hadlayey go’aankii xildhibaanada gollaha shacabka ay gobolka Banaadir ugu ansixiyeen inay 13 xubnood ka hesho aqalka sare ayuu sheegay in aysan jirin maqaam ay hesho gobolka Banaadir balse ay tahay in wax walba loo maro hab sharci ah.

Ugu dambeyn madaxweyne Denni ayaa ku eedeyey madaxweynaha Soomaaliya in uu iska horkeenayo shacabka iyo xildhibaanada Baarlamaanka, isagoona sheegay in uu doonayo muddo kororsi halka uu u mahad celiyay Beesha Caalamka dadaalkooda ku aadan dalka.

8 Comments

  1. Hadal iyo cabasho aan sal lahayn maahane wax kale mahayo Deni e bagaashkii uu gadi jiray inuu aadaa loo qaataa.

    • * THINGS WON’T BE THE SAME AGAIN *

      The Covid pandemic might be making a quick comeback at a time when the world is reeling from the impact of its initial wave. The implications couldn’t be direr for the most deprived parts of the globe and particularly conflict zones like Somalia. The economies of the donor countries have taken a massive hit and the consequences will be much worse for the poorer nations who have been reliant on aid packages like our country Somalia.

      This, naturally, should be a serious cause for concern for all of us but I can only share any honest advice with my own kinsfolk who occupy Puntland, Jubbaland, and Gedo; the reason being that the rest are solely responsible for our country’s terrible state of affairs and seem not to be bothered at all. In fact, the word in the air is that the SNM and USC fanatics (who form the backbone of the terrorist groups and other marauding tribal militias crippling our nation) are extremely jubilant about the disaster that the pandemic will unleash on Somalia’s finances when foreign aid dries up because it will present an even greater opportunity for them to wreak havoc on the country in pursuit of their sick agenda of thwarting a Somalia reborn again and able to sustain itself. As a consequence, there can be no what could be termed as a collective approach as a nation. It will be a case of “every region for itself and God for us all”.

      • In light of this background, this honest advice of mine is intended for my kinsfolk as mentioned above. There are, undoubtedly, tough times ahead as of next year. This calls for urgent collective action within the entire Daarood Diaspora given that time is at the premium. What I humbly suggest is for the political class in Puntland, Jubbaland, and Gedo region to close ranks and devise a strategy that ensures the provision of food, medicines, and other essentials is not disrupted for our people in these regions come 2021 and onwards.

        Our leaders must push all else aside and prioritize the interests of our kinsfolk in these regions. They must bring together all wealthy entrepreneurs who hail from these regions across the world and press on them the need for a common course of action in terms of raising funds and also maintaining all the supply chains and channels for the importation of essential commodities. Better still, some of the funds should be used to support our farmers with expertise and equipment so as to ensure food is available in abundance in these regions. They could even easily create an expansive production and economic corridor spanning the length and breadth of all these regions. Why not?

        And among other steps, punitive measures should be implemented to completely thwart any attempts at hoarding, price hikes, and other related forms of public exploitation. If we achieve this, then it may serve as both a golden opportunity and a template to forge an even larger regional state that comprises Jubbland, Gedo region, and Puntland in the near future. If Somalia doesn’t want to be saved, we, the Daaroods, have to save ourselves within it. Preparing now by joining forces would be the wisest move.

  2. Waa lagu digtaa qolo hadday kuu darnaan jirtaye bal dayaay GAROOWE wataa sii DABAYSHATAYE (FORFEIT).

    Waa mid aan aad u filayey (aniga oo ah hoggaamiyaha ruuxiga ah ee BEDBAADO KHAATUMO) in reer Garoowe ayan waddo kale u bannaanayn. Horay waataynu u ogaynoo, wareegga lugtii hore 4 iyo eber baa lagu dhuftay kooxdii IMAARAADKA, wareeggii labaadna 4 kalaa loogu daray markii MAQAAMKA BANAADIRna la meel mariyey isla mar ahaantaana doorashadii dib loo dhigay.

    Taasi waxa ay keentay in uu KHALKHAL iyo isku dhex yaac uu ku dhaco kooxdii xulufada Imaaraadka. Xasan-sheekh isaga oo ordaaya buu ‘offside’ galay, calan baa loo taagay. Waxa uu taageeray kuraastii Banaadir, isaga oo ka soo horjeestay ku darsigii doorashoodhinka, oo dad badani la yaabeen sal fudaydkiisa. Sheekh Shariifna meel uu jaan iyo cirib dhigay waa la waayey. Madashii horta saasaa khalkhal ugu dhacay.

    Marka, lugtii labaad waxa ay ahayd in Muqdisha laysku arko, waad aragtaan Garoowe waa isdhiibtay, markay aragtay in ayna u babac dhigi karin kooxda villada ee Qadar maalgeliso, Kismaanyana hadalkeeda daa. Kaaga darane, qoladan waxaa sii cabsi galiyay markay arkeen kooxdii villada oo ‘Stadium Mogadishu’ inta furteen ku baleejeenaysa, oo Banaadir loogu bannaanbaxay, oo tiyaatarkii iyo goobo kale furaya; waaba aragagaxeen.

    Hadda waxa aan sugnaaba waa beesha lixaad oo miiska fadhida, oo uu Denina u yeedhay. Waar iga soo gaaraay, aa argagaxnay. Beesha lixaad (Reer-galbeed) waa koox khatar ah oo ciyaaraha socda wax ka beddeli karta. Waa koox soo cuntay waddamo dhisan oo shaqaynaya, sharkooda alle hanna dhaafiyo.

  3. Deni baa amray in xildhibaanada laso magacaabo ee Puntland ay diidan in gobolka Banaadir oo xildhibaano ku yeesho aqalalja sare.
    Baarlamaanka Puntland ma aha mid shaqeeya,waxaana uu noqday shaabad uu Deni isticmaalo,tan iyo markii nin la yiraahdo Abwaan uu Deni mesha keensaday.
    Waa in shacabka Puntland ay diidaan koodan Deni iyo xulufadiisa ah.
    uu runtii ah koox ganacsi meesha u yimi.

  4. Majeerteyn in ay qabiilada kale ka caqli badan yihiin waxaan ku gartey :

    1-Waa qabiilka keliyah degan dhul masaafadiisu isu jirto 2000 km.

    2-Waa qabiilka degan Badda Hindiya iyo Badda Cas.

    3-Waa qabiilka keliyah labada cirif dalka degan Puntland iyo Jubbaland.

    4-Waa degaanka keliyah xagga waxbarashada iyo aqoonta kaga horeeya Soomaali inteeda kale.. Waxaad ku arkeysaa iskuulo ay dhiganayaan more than two thousand students.

    5-Puntland waxaa wax ka dhiga iskuuladeeda 1000 Macallin oo ka yimid Gobolka Awdal.

    6-Waa degaanka keliyah IDP ku nool ay dadkooda ku nool koonfur lacag uga diraan it’s just mini Dubai.

    7-Waa qabiilka keliyah Soomaaliya iyagu dhistey garoono diyaaradood caalami ah iyo deked.

    Yaa ku daraya wax kale aan illowsanahay

    • Barre,

      Waad asiibtay allaylehe adiga oo ku mahadsan. Marka taariikhda siyaasadda iyo aqoonta ummadda Soomaaliyeed dib loo milicsado teer iyo xornimadii saameynta weyn ee ay Majeerteenku ku yeesheen waa marag ma doonto.

      Isku duuduub oo waxaad reerkan u qirtay ilbaxnimada iyo xadaaradda dhaxalgalka leh ee ay dhalashada, hibada, iyo taariikhda faca weyn weligood u lahaayeen. Horaa loogu maahmaahay nin xeeb kaa xiga kaa xeeldheer.

      Waad ku mahadsantahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*