Madaxweynihii hore ee P/land oo ka hadlay kuraaska Banaadir ee Aqalka sare & Doorashada Somalia

NAIROBI(P-TIMES)- Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mar soo noqday ra’iisal wasaarihii DKMG ee xiligii Sheekh Shariif ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee murugsan ee Soomaaliya, isagoona sheegay in madaxda DFS ay hareer mareen sharcigii iyo heshiisyadii ka dhaxeeyey maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee dalka.

Dr. Gaas ayaa sheegay in maanta aysan muuqan xal laga gaaro arrimaha taagan gaar ahaan doorashooyinka, xeerarka Baarlamaanka federaalka meel mariyay todobaadkii lasoo dhaafay, isagoona si qoto dheer ugu hadlay raja xumada laga qabo in dalka doorasho ka dhacdo.

Wuxuu kaloo ka hadlay arrinta gobolka Banaadir ee Baarlamaanka meel mariyey in 13 kuraas uu ku yeelanayo aqalka sare, hase ahaatee wuxuu ku tilmaamay xaq aan baadil ahayn maadaama buu yiri aan loo marin wadadii sharciga.

“Waxaa lagu dhawaaqayaa oo cod dheer lagu leeyahay Banaadir waa inay heshaa matelaadeeda, waa sax laakiin waa kelmad xaq ah oo baadil loola jeedo weeye, yaa diidan inay hesho Banaadir matelaadeedii, cid diidan ma jirto, dastuurka wuxuu qorayaa in 18 gobol min seddax, gobol sedaxdiisa waayaya ma gyro, marka waxaa la rabaa in iyadoo dastuurka lagu dhaqmayo la ilaalinaayo in gobol walba wuxuu xaq u lahaa helo, sedbursina aanu laheyn naaqusna aanu laheyn,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Wuxuu sheegay in uu aad ugu xun yahay in dadka damiirkooda la kiciyo, lagana dhaadhiciyo in maamul gaar ah ama qabiil gooni ah ka horjeedo xaquuqda gobolka Banaadir, laakiin wax walba ay ka muhiimsan tahay in la ilaaliyo wixii heshiiska lagu yahay ee dastuurka qeexayo.

Tan iyo markii baarlamaanka federaalka ansixiyay xeerarka maamulka gobolka Banaadir uu ku jiro ayaa waxaa diidmo cad ka keenay maamulada Puntland iyo Jubbaland oo siyaasad ahaan ay aad u kala fog yihiin dowladda dhexe ee dalka.

17 Comments

  1. Villa Xalane warkeeda way caddeysay oo maamullada mataaneysan ee Puntland iyo Jubbaland ayay duullaan ku tahay. Haddii ay awooddo waa hore ayay toos uga takhalusi lahayd laakiin waxaa u bidhaamay in ay dhagar dagaal maskaxeed salka ku haya maamulladan ku curyaamin karto. Waxaa weeye in ay Dastuurka Qaran ee qabyada ahaa mar ba faraxumayso si ay hoggaanka maamulladan iyo shacabkooda ba inta ay danahooda hoose qummaati uga sahwiso qayladhaanka Xamar toos ugu mashquuliso. Waa na loo jeedaa sida ay madaxdeenu iskaga daba fayleen Xamar ka calaacalkeeda. Dabinkaas in ay madaxdeenu si taxadar leh uga feejignaadaan oo ayna dhakhsahaas ugu dhicin ayay sharafatu inoogu jirtay xaqiiqdii.

    Haata iyo dan, waxaa aniga ila qurux badan in ay madaxda Puntland iyo Jubbaland iyaguna shaxda ay Xamar dheelayso dib ugu gurriciyaan si ay Villadu u sasto oo afka u furato. Tallaabooyinka aan ku talin lahaa waxaa ka mid ah:

    1. In ay madaxweyneyaashii hore ee Puntland iskugu biiraan Gole loogu magac darayo “Golaha La Talinta Madaxtooyada” oo ay maskaxdooda iyo khibradahooda qaaliga ah iskugu geeyaan la talinta labada madaxtooyo ee Puntland iyo Jubbaland waxii haata ka dambeeya.

    2. In uu golahani Boosaaso ku marti qaado dhammaan ganacsatada iyo maalqabeennada Puntland u dhashay, dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ba, oo ay wada yagleelaan ‘Hayadda Maalgalinta iyo Horumarinta Puntland iyo Jubbaland’, taas oo bangiga dhexe u adeegsanaysa maalgaashi xooggan oo ay waxsoosaar baahsan oo kala duwan labadan geyi kaga hirgalinayaan.

    3. In ay hayaddani dhisato guddi uu Cabdi Weli Gaas guddoominayo oo socdaal ganacsiyeed ku taga dhammaan waddamada aadka u xiiseynaya in ay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna labadan geyi, maalgashadaan oo ay shirkadahaas heshiisyo maalgashineed iyo ganacsi oo heer caalami ah la galaan oo dagalladoodan u soo xereeyaan.

    Waqtiga qaaliga ah ee ka daba cabaadka Villa Xalane lagu khasaarinayo waxaa mudan in hawlahan oo kale lagu lummiyo oo Xamar ba dhabarka loo duwo. Tan baa Xamar jab weyn ku noqon lahayd oo ay afka la furan lahayd. Siyaasaddu waa shax adag oo kan ku suuldaaraya loo baahan yahay in aad sinsaare ciidda afka u dara ugu talagasho. Dhagarta hala fahmo oo yaan dabinka lagu dhicin.

    • Cabdiweli isaga iyo Hasan shiikh ayaa qaybiyey maxuu xaqooda u siin waayey maxay garoowe iyo boosaaso iyo haf gaalkacayo ah ku heleen 11 xildhibaan waa tuugii qaatay kuraasta sool iyo sanaag oo ragooddii naago noqdeen nin dhulbahante ah oo arintaa ka hadlana waa la waayey(TOL LA,AAN WEYNAA)

  2. Waxaa aad loo buunbuuniyaa marka masuuliyiinta reer Puntland ka hadlaan xeerarkii Baarlamaanku meelmarsaday. Waxaana la qariyaa sida ay uga hadleen xildhibaanno iyo masuuliyiin Soomaaliyeed oo kasoo jeeda beelo aan Daarood ahayn iyo degaanno aan ahayn Puntland iyo Jubbaland.

    Tusaale, xildhibaan Afaraale oo kasoo jeeda South West siduu uga hadlay matalaadda Muqdisho ee u naqdiyey, qof u naqdiyey ma arag. Nimankii doobbinayey ee kasoo jeeday Galmudug iyo Hirshabeelle waxay noqdeen jiis la qabtay.

    Waxaa la yiri nin soori qaadday waa nin seefi qaadday. Aqalka Hoose ee Soomaaliya badankiisu waa xaaraan-quuteyaal iyo dhuuniraacyo aan lahayn mabda’ iyo aragti waddaninimo. Xildhibaannadii ahaa 142 ee meelmariyey xeerarkana waa qabyaaladaysteyaal doonayey sadbursi iyo dhuuniraacyo.

    Wax badso, wax beel bay dhashaa. Waxa ay meelmariyeen sharci iyo nidaam kuma qotomaan. Haddii lagu adkaystana, waa lagu kalatagayaa Xamar.

    Haddii ay Xamar wax u tarayaan ka beddeleen kudaafadda ay noqotay oo ha ka gureen qashinka iyo dhooqada soddonka sano aan la taaban iyo lo’da jidadkii magaalada ugu waaweynaa moorada ka dhigatay.

  3. Soomaaliyeey Raiisal wasaarahii dalka meel ha lagu sheego..

    Farmaajo baa sumeeyey Raiisal wasaarihiisii waxaana lagu daaweynayaa dalka Qatar..

    Dawladda Qatar ilaa iyo hadda waxay Farmaajo ka la’dahay in uu soo sheego sunta uu siiyey Kheyre nooca ay tahay.

    Kheyre caafimaadkiisa khatar ayuu ku jiraa xattaa haddii uu ka kaco sunta uu Farmaajo siiyey lagama yaabo in uu ku soo noqdo sidiisii hore.

    Salaamaad Min Kulli Aafaad

  4. Villa Soamlia warkeedu wuu cad yahay… Dhoocishan Gorowe joogta ee yuusaysa ayaan warkeedu cadayn.. mar waxay ku leedahay Xamar ayaan jeclahay, mar waxay leedahay waan duday oo goostay… Binti Girl.. sheekadeeda Soomali ku wareertay.

  5. Candiweli Gaas, Masuul Sare, one of the most brilliand leaders that Puntland has ever produced but not noticed. I Salute you with a Military Salute!!

  6. Puntland weeye waxa diidan maqaamka Gobolka Banaadir cid kale oo diidan lama arko.Puntland weeye kuwa caynayey oo hadalada xanafta leh ku weerarayey Galmudug, Hirshabeele iyo dadka degan Gobolka Banaadir.Runta hadaad rabtaan aad baa laydin karaah saday lana nacay dhaqanadiina guracan iyo aflagaadadiina marka waxaa ay dadka Soomaaliyeed ay dhawrayaan in aad ka dhabaysaan gooni isku taagii aad sheegteen hadii aad ka dhabayn waysaana waa laydin ka tashan madax wareerkiina.

  7. @Barre

    😂. War Barre warka uu hayo ee beryahanba kusuu celcelinayey, cid la qabta amase ka koobisa amase ka falcelisa maxaa loo waayey?

  8. Ducaale kaahiye:

    Dad Soomaaliyeed, erayga “CAASIMAD” ayuu Maqaam u yaqaanaaye, bal haddii aay tihiin Hawiye inoo sheeg waxa aad Maqaam u taqaanaan?

    Reer Puntland haddii aay Malab siiyaana, awal buusan Hawiye jeclaaneyn, iyana waay ogsoonyihiin!

    Ee bal inoo sheeg waxa aad “MAQAAM” u taqaanaan?

  9. Dhaman salaan bacdigeed waxaa iga codsi ah soomaali hadaan nahay inaan cayda iska dayno.
    Meesha waxa yaala waa dhaxal aabe oo micneheedu yahay dhulkoo dhan anaguu naga dhexeeyaa hadana waa lookala badan yahay.
    Qofkuna xaqbuu uleeyahay meeshuu dagan yahay inuu wax ku helo laakiin waxaa ceeba dhaxalku xisaabuu kufadhiyaa in xisaabta lakhaldo ama sadbursi lagaliyo maahan.
    Matal quraanka waan akhrina ayadaha dhaxalka
    Xisaabaa kujirta waana sharci wax lagu qaybiyey ilaahey xagiisa.
    Dad waxay ku heshiiyaana waa sharci.
    18 gobol hadii min sedex lasiiya xamar sadex kabadan inay heshaa sax maahan horeyna waa loo siiyey oo dadka dagan baa kuqaatay hishabeele iyo galmudug.dadbaa lahaa 3 milyan baa xamar daga yey yihiin ma abgaalbaa mise raxanwayn mise majeerteen yaa og.
    Hadii goboladii ay soo faaruqiyeen malabo meelbaa wax lagu siinayaa.
    Soomaali intay tahay way is ogtahay.
    Xisaabta halasaxo nacayb majiree tartanbaa jira hadaan reer puntlan nahayna seexda cidna kayeeli maynee xisaab baan diyaar unahay iyo gar.thank you

  10. Abdiwali Gaas:
    Waa la yaqaan,intii uu hayey maamulka dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya waxa uu ku mashquulsanaa labo shay.
    1- Boobka hantida dadwaynaha reer Puntland.
    2- waa shaqsigii kowaad ii iibsaday Dadka Bossaso,waxa cad oo ka wada ogyahay,in uu lacag laaluush ka qaatay,shirkada laga leeyahay Imaaraadka carabta ee midoobay ( UAE) ee DP World in yar oo lacagtaadi ka mid ahna waxa uu siiyey,xildhibaanada la soo magacaabo ee Puntland.
    3- waxaa uu dhisay oo guuldaraystay ururkii la magac baxay Iskaashiga dowlad goboleedyada oo fashilmay,waxaa ka haray oo qura Mudane Madoobe oo hadda meel cidla ah taagan.
    Gaas Soomaali iyo reer Puntland ba waa ku yaqaaniin.
    balse aadigo sifahaasi leh waxaa yimi mad kaa daran oo la yiraahdo Deni.
    Baarlamaankii Puntland waa uu dhintay. Deni baa ka danbeeya.
    Dakadii Bossaso Deni ,isna wadadaadii buu maray,weli hal Dollar DP World laga helin.
    Waa in dad madax banaan ay baaraan fadeexada Iyo musumaasuqa ka xiriira Dakada Bossaso oo ay sameeyeen Gaas iyo Deni.

  11. Puntland has 10 trillion worth of confirmed natural resource. Why do we have to beg others to come and share this resource. Am sure there is something very wrong with people of puntland. No one share anything with them. Actually they are denied what’s rightfully theirs on daily basis and here they are begging and invitting the same who denied to give them rights to accept to share the resources of puntland. I think some black magic is going on there.

  12. Abdiweli
    You are 100 percent right and for sure, Puntland rightnow
    way better of the rest of intire Somalia. And coming years, it will be the Qadar of Africa and as you said, no need to seek what they don’t want those who are way behind!!

  13. AA Xade

    By the way brother Gedo is the single most richest out of the 18 provinces. The mineral riches can challenge the katanga province of Congo DRC. Add that to riches of the Juba’s and you have riches equal to south Africa. If this people dont want nation building let’s say fantashuruu fil Arthi to them. Why do have to live with poverty and allow those who goes reverse to dictate to us what we can or should be in this world. I still believe that something is wrong with our people. There must be some kind of African juju magic barried in front of our doors. We have to call the ghost busters to undo the demonic damage

  14. Dadka Soomaaliyeed uma baahna dad ay horay u soo tijaabiyeen sida ,mudane Gaas oo runtii ah,shaqsi u yimi in uu boobo hantida reer Puntland,waxaase ka daran mudane Deni oo intii uu fhadhiyey madaxtooyada Garowe Puntland u bedelay meel koox yar oo danaystayaal ah oo ay u horayso Aaran ay ka dhigtaan geyiga Puntland
    Shirkad gaar agaaneed uu iyaga u shaqaysa.
    Puntland iminka wax gole xee dajin ah oo ay leedahay ma jiro.
    Shaqsi la yiraahdo Abwaan buu keensaday mudane Deni oo ah shaabad Deni jeebka ku sito.
    Dakadii Bossaso waxa ay u xirantahay DP World oo Gaas iyo Deni ay lacag laaluush ah ka qaateen,baarlamaankii xiligii gaas iyana waa ka qayb musumaasuqii mudane Gaas uu sameeyey oo waxoogaa lacag ah buu siiyey sida la xaqiijiyey.
    Marka ma kuwaas baa dan iyo wanaag laga filan karaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*