Masar oo cadaysay mowqifkeeda ku aadan xiisada webiga Nile

NAIROBI(P-TIMES)- Madaxweynaha Masar Cabdulfatah Al-Sisi ayaa sheegay in dowladdiisa ay dariiqa wada hadalka u marayso xiisada biyo-xireenka ah ee kala dhaxaysa dowladda Ethiopia si Masar u soo dhacsato qaybtii ay ku lahayd nacfiga biyaha webiga Nile.

Shacabka ku nool Masar oo gaaraya 100 Milyan ayaa in ka badan 90% waxay noloshooda ku tiirsan tahay biyaha webiga Nile.

Hase yeeshee waxaa taas hada halis gelinaya sida ay Qaahira sheegtay biyo xireenka ay Ethiopia ka samaysay halka webiga Nile uu ka maro meel u dhow xuduuda dalka Sudan, taasi oo Masar ay aad uga soo horjeesatay.

Wasiirka biyaha Ethiopia ayaa 15-kii July sheegay in Addis-Ababa ay bilowday buuxinta biyo xireenka maalin kadib markii ay bur bureen wada hadaladii kala dhaxeeyey Masar iyo Sudan.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*