Nin sheegtay nabinimo oo lagu dhex dilay maxkamadd

LONDON(P-TIMES)- Qof hubeysan ayaa toogasho ku dilay nin lagu eedeeyay inuu sheegtay nabinnimo isagoo ku jira gudaha maxkamad ku taalla magaalada Peshawar ee dalka Pakistan xilli uu dhageysiga dacwaddiisa ka socday.

Ninkan ayaa maxkamad la soo taagay markii sida la sheegay uu isku dayay inuu dadka ka dhaadhiciyo inuu yahay Nebi.

Sheegashada nabinimada iyo aflagaaddada loo geysto diinta Islaamka ayaa dalka Pakistan waxaa ciqaabteedu noqon kartaa dil waase hadii ay xukunto maxkamada, inkastoo wali aysan jirin cid ay dowladda u toogatay arrimahaas.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Tahir Ahmad Naseem ayaa sanadkii 2018-kii lagu soo eedeeyay inuu nabinimada sheegtay, waxaana eedeyntaas soo gudbiyay qof dhowr iyo toban jir ah.

Subaxnimadii saaka oo Arbaco ah ayaa la dilay isagoo garsooraha hor taagan, iyadoo muuqaal lagu shaaciyey baraha bulshada laga arkayo maydkiisa oo saaran mid kamid ah kuraasta maxkamadda.

Ninka dilka ah fuliyay ayaa durbadiiba lagu xiray goobta muuqaal kale ayaa laga soo duubay isagoo gacmaha ka xiran oo ku qaylinaya ninka uu dilay kuna tilmaamaya cadowga Islaamka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*