Senator Mashruuc “Waa nasiibdaro in kooxaha dooda Doorashada 2020-ka ku dagaalamaya ay ka dhex-raadinayan dhalanteed”

MUQDISHO(P-TIMES) – Senator Maxamuud Axmed Maxamuud oo katirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya, kana soo gala deegaanada Puntland ayaa qoraal uu ku bahiyey bartiisa Facebook-ga, wuxuu kaga hadlay arrimaha ka socda shirka magaalada Dhusa-Mareeb iyo doodaha ay kala qabaan dhinacyadu.

Mashruuc ayaa si adag uga hadlay doonista dhinacyada oo dhamaan uu sheegay in ay ku saleysan tahay arrimaha ku saleysan jaceylkooda oo ay dhalanteed ku jiraan, ayna ka dhex-raadinayaan wax aan suuragal ka aheyn dalka waqtigan.

Qoraalka Mashruuc uu soo dhigay Facebook-giisa ayuu ciwaan uga dhigay Damaca Dhalanteedka iyo Doorashada 2020 yaa u garnaqi doona?, isagoo ku taabtay qodobo kala duwan oo ku wajahan marxaladaha kulamada Dhuusa-Mareeb.

Maqaalka ayaa u qornaa.

Waxaa xaqiiq marag ma doonto ah in doodda dooradhada 2020 marnaba noqon mid caafimaad qabta oo laga eegay dhanka dhisidda dawladnimo awoodaheedu shacabku leeyahay.

Waxaa nasiib darro in kooxaha doodda doorashda 2020 ku dagaalmaya ay ka dhex raadinayaan dhalanteed gaaristiisu adag tahay.

Xubno badan oo ka tirsan Villa Soomaaliya, xildhibaanada iyo senatorraduba waxa ay u xusul duuban yihiin muddo kororsi ama doorasho ay ka dhex arkaan ku sii noolaashaha xafiisyada quruxda badan ay saddexdi sano la soo dhaafay dayactirayeen. Buugga Sooyaalka siyaaaadda Soomaaliya waxaa ka reebban ama ugub ku ah qorista soo noqosha maamul dalka soo xakumay!

Dawlad goboleedyadu waxa u muuqda keliya sida ay saameyn xooggan ugu yeelan lahaayeen xulashada mudanyaasha ku matali doona baarlamaanka 11 aad JFS, kuwaasi oo ay kala furtaan ama aysan wada shaqeynba markay Caadimada Mogadishu cagta Soo dhigaan!

Waxaa kasii xanuun badan, in weli lagu shaqeynayo dareen ka fog baahiyaha Shacabka Soomaaliyeed, lexjeclada iyo lahaanshaha dalka. Dhuusamareeb meel aan ka fogeyn waxaa gacanta ku haya kooxaha Shacabka Soomaaliyeed ku gumaada masaajidda, kana hortaagan Sooomaliya gaarista dawladnimo dhab ah.

Waxa ay u muuqataa in mudanayaasha shirka Dhuusabmareeb ay u fadhiyaan shir caadi ah oo ka dhacaya waddan nabad iyo xasillooni haysta, dawladnimadisuna u dhameystiran tahay.

Muwaadinka Soomaaliyeed waxa uu rajo wayn ka qabay cid kasta oo ka shaqeyn kartay gaarista xaqiiisa dastuuriga oo ah in uu wax dooran karo lana dooran karo.

Shacabka Soomaaliyeed maanta ma kala jecla wax kasta oo aad ku heshiisaan aan ka ahayn inaad heshiisaan, si looga fogaado amni darro hor leh iyo wax kasta uga sii dari kara xaalad nololeeedka adag ay ku nool yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

Mudanyaal taariikh baa qormeysa, mana taqaan naxriis!

Guuleysta mudanayaal

1 Comment

  1. Dadkaba Tastuurka ayaa Iskudiraaya, Sababtoo Ah ‘Mahiiga Iyo Mellez Zinaawi’ Ayaaqorey Tastuurka Soomaaliya Walina Waaqabyo??.

    Hadaba Marhadiiba Ay Dhinteen Labadii Baadari Ee Buugaan Qoray
    Yaalagasugayaa Iney Dhameeystiraan?. Waakhatarweyn
    Oo Soomaali Laguqarbudaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*