Sheekh Shariif oo ka hadlay doorashada Somalia

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ahna Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sanadka 2020/2021.

Sheekh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in weli dalka uusan ka muuqan hab iyo nidaam doorasho lagu aadayo, iyadoona waqtiga loogula talagalay madaxda dowladda haatan uu marayo meel gaba-gabo ah.

Guddiga doorashooyinka qaranka ayuu Sheekh Shariif ku eedeeyay inay qaateen mas’uuliyad aysan laheyn, isagoo dhaliilay warbixinta guddiga ee doorashada oo uu xusay in aysan ka muuqan waqtiga la qabnayo doorashada.

Waxaa uu sheegay in doorashada dalka ay u baahan tahay in marka hore la diyaariyo jawigeeda maadaama aysan waxba diyaarsanayn isla markaasna loo baahan yahay in lagu heshiiyo hanaanka doorashada.

“Doorasho waxay u baahan tahay jawigeeda in la diyaariyo jawiga ma diyaarsana maanta haddii hab la isku waafaqo asigaa waqti u baahan oo doorasho lagu qabto maxaa yeelay mid mid la socdo naguma jiro, waxaa ka soo qaadaa hay’adaha dowladda kaliya heer federaal iyo heer maamul goboleed ma wada shaqeeyaan, golaha shacabka iyo aqalka sare waa kala tageen” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu madaxda dowladda ugu baaqay inay sameeyaan dib u heshiisiin guud maadaama ay jiraa khilaafyo siyaasadeed oo balaaran una dhexeeya hay’addaha dowladda, maamul goboleedyada iyo saamilayda siyaasadeed ee dalka.

“Anaga dhan waxaa u baahanahay dib u heshiisiin hay’adaha dowladda dib u heshiisiin u baahan, waxaa leeyahay waqtiga inta uusan tagin miiska imaada talo waxaa haysiin keena colaad la idin ma qabo talaa la idinku daraa annaga waxaa rabnaa qarankaan in uusan faraheena ka bixin ummaddo badan bur buray, kuwaa hadda burburaya maxaa loo bu buraa dastuurka ayaa la ogoleyn, dastuurka waa in la ogolaado” ayuu sii raacsiiyay hadalkiisa Sheekh Shariif.

Hadalkaan ayaa waxa uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif uu maanta ka jeediyay munaasibad loogu dabaal dagayey xuska 1-da Luulyo oo ay madasha xisbiyada qaran ku qabteen magaalada Muqdisho.

5 Comments

  1. Cajiib!! Dastuurka wuxuu noqday, mid qolo waliba aay jeebka kala soo baxdo, marka aay aragto in aaysan danteeda khaaska ahi ka dhex muuqan!

    Shariifow maxaad oga hadli weeysay, markii lagu tumanayey ee la lahaa, Muqdisho waxaa la siiyey 13 Aqal sare!

    Sidoo kale miyaadan ahayn, ninkii markuu Madaxweeynaha ahaa Hiiraan oo kamid ah, ka dhigay labo Gobol oo ka kooban, 19 Degmo?

    Sidoo kale soow maadan ahayn, ninkii Jubaland ka magacaabay, 7 degmo oo uusan midna ku lahand Daarood. Kuwaa oo kala ahaa, 3 Gedo ah iyo 4 Jubada Hoose ah?

    Damacaa Sharci ku tumashada ahaa oo uu ugu dambeyntii kaa hor istaagay, Cabdiweli Gaas!! Waxa aad ka hadleesa waa, Sunna xun oo aad jideeyseen, Adiga iyo Culusoow, dad baase idin illaaway!!

  2. Shariifkuna xaggee ka soo MUDH yiri?!

    Shariifku waa saxsan yahay hadduu leeyahay aan isu nimaadno oo aan heshiinno. Soomaaliya maanta ma u baahantahay Tiyaatar loo quexiyo, iyo garoommo loo qurxiyo, iyo taallooyin loo qurxiyo iyo niiko iyo mashxarad? Mise waxa ay u baahantahay in ay hesho CADDAALAD. Waxa aan la soo kici la’nahay, aniga aragtidayda, waa caddaalad darro xarkaha goosatay iyo isla xisaabtan la’aan.

    Waad ogtihiin inta jeer ee aayado caddaaladda ka hadlayaa ay qur’aanka ku soo arooreen. Intaas oo madaxweynaa nasoo martay, hal madaxweyne oo isu xilqaamay in uu GARSOOR tayo leh oo maddaxbannaan dhisay lama arko! Wakhti walba warbixinta QM waxaa ku jirta, waar dhisa GUDDIGII ADDEEGA GARSOORKA; lama rabo in la dhiso, maxay tahay marka dawladnimada la sheeganaayo?

    Waxa aad ogtihiin in xukuumadda hadda jirtaa ay aad isugu taxalujisay in ay hesho guddoomiye bangi dhexe oo tayaleh. Xitaa waxay isku dayeen in ay beddelaan dastuurka si ay qof ajanabi ah u keenaan. Guddoomiyaha bangiga dhexe iyo hay’adda garsoorka yaa muhiimsan? Maxaa sidaa xoogga loogu saari waayey?

    Jawaabteedu waa sahlantahay, nin walba oo loo magacaabo MADAXWEYNE waxa uu rabaa in uu meesha ku amar kutaagleeyo oo aan cidi uga daba hadal.

    Marka aad dhammaan maamul beeleedyada eegto, waxaba isma dhaamaan. Maaul kasta ninbaa BUDH la hor fadhiya. Kasoo bilaw maamul beeleedka Hargaysa, nin bay u xiran tahay; Garoowe, nin bay u xiran tahay; Kismaanyo, nin bay u xiran tahay, kulli waa wada madax kanool aan wax mustaqbal ah lahayn, waa wada kaligii taliyayaal.

    Waxa aan malqayey DENI oo lahaa, “waxa aan ixtiraamayaa go’aanka uu baarlamaankaygu gaaray oo aadi maayo Xamar”! Hadda waa baarlamaankii uu fadhiga uga kacay markii hal su’aal la weydiiyay. Hadda waa baarlamaankii uu inta weeraray dadka ku laayey ee uu u beddelay TIYAATARKA.

    Marka aan eegay waxa loogu qaatay nimanka hadda villada fadhiya. Adduunku waxa aannahay way ka dharagsan yihiin, dad QABYAALAD & DAROOGADA CAGAARANI DILOOTAY oo aan dawladnimo iyo kala danbayn rabin.

    GUNAANADKII, sidan ummad sharafleh kuma sii ahaan karno. Waxa aan soo jeedin lahaa haddii lagu bedbaadayo in in aannu noqonno ururo isu tagay oo qaata nidaamka COFEDERATIONka. Laakiin su’aashu waxa weeye, ma ku kala bedbaadi karnaa? Waa MAYA, waayo qabyaaladdii baynu aqalkeenna irriddiisa keennay; jufo jufo iyo bah bah baa loo kala baxayaa. QM hannala wareegto!

  3. Mr Hilaac:
    Wax badan oo kala duwan baad ka hadashay,waxay iltahay in dhibaatooyinka Soomaaliya haysta sida ay u kala duwanyihiin oo ooda sida ay u kala sarayso ayaa loo kala qaadaa.
    1- waa run in qabyaalada haahikiga ah ay Soomaalido aad u jeceshahay iysgoo kuwada dhaqma ay hadaba usko caayaan.
    1- saboolnimada,aqoondara,cudurada,iyo shaqo la’aan haysta dhalinyarada Soomaaliyeed,musumaasuqa iyo boobka hantida shacabka Soomaaliyeed oo wanaag loo arko.
    3- Maamulada qabaa’ilka oo ka mid ah dhibaatooyinka ugo waawayn ee haysta Soomaaliya oo raga madaxda kaah iyo in yar oo ay xulufo yihiin iyo kaabo qabiilo uunba ku nool.
    4 Dowlada federaalka oo ka kooban dad ka soo jeeda dhamaan Maamulada qabaa’ilka sidii la ravay ma noqon oo waxay uso arkaan dad iska soo horjeeda,halkii ay danta Soomaaliyeed wax tari lahaayeen.
    Arinta madax maamulka Puntland ee Soomaaliya mudane Deni si sax ah syaad u sheegtay.
    Deni Nidaam Baarlamaan iyo dadtuur toona ma aaminsana oo waa la wada ogyahay wixii uu ku kacay,
    07 November 2019,awalka Baarlamaanka Puntland buu weerar ku qaaday dad waa ku dhinteen kuwa na waa ku dhaawacmeen,waxba la iskma waydiin,taariikhda ayaa xukumi goor ay gaartaba.
    Mudanr Cabdirahnsan Faroole uyo Cabdirisaaq juruule waqtigii howlgabka ayey ku jiraan war umadda Puntland ka hor leexda.

  4. Hillaac & ina Cilmi,

    Niman yahoow show wax baa la dacaayadeeyaa baad maqasheen oo waa idinkaa is dararmay. Afkaartiina xaq baydun u leedihiin laakiin hawraar macquul ah oo maanka deeqa fadlan ku hadla.

    Hillaacoow, dacaayadda aad caasimadaha maamullada ku wiiqday waa mid adiga ba qummaati kuugu dhammuuqan waayo adba intaas maamul beeleed aad “khaatumo” ugu magac darsatay ayaad meel ba ka duulisaa. Weliba kaaga daran ee kuwan kale min ninkoo ayay u xiran yihiin ee Laascaanood shan bay u xiran tahay! Caadifada khaliga ahi dhibtaas ayay leedahay.

    Middeeda kale qalad aydaan ka fiirsanin baad dalaq iska tiraahdeen, kaas oo ah eedda aan sal iyo raad toona lahayn ee aydun ku ganteen qabaa’ilka maamullada sameystay. Waxaanay eed ugu lahayn baan idiin ogahay oo ah in ay qabiilladani dagallada ay ku nool yihiin uu Rabbigoodu ku beeray oo ay ku dhex faracmeen. Ceeb iyo dembi toona ku ma leh qabaa’ilka ay yihiin iyo in ay qaabkaas ismaamul ugu yagleesheen dhulkaas uu Eebbahood ku abuuray.

    Hanaan kasta oo dowli ah ee uu dalku haybsado, xataa ka aydun u ololeynaysaan ee dowladda dhexe Allaha ka yeelo ee, mar kasta dalku gobollada iyo deegaannada uu u kala yaallo ayay u kala oollaanayaan oo heerkaas gobol qabaa’ilka loo kala deggan yahay hoos ahaan la isu maamuli doonaa ilal abad. Qiil macquulsan u ma haysataan ee waxiinu waa neceyb aydun qabiillada aydun maagaysaan u qabtaan oo idin ka burqanaya. Salla Calee!

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*