Somaliland oo sheegtay in ay dhexdhexaadinaysa Masar & Itoobiya

HARGEYSA(P-TIMES) – Sida ay tabisay wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u sheegay wafdi kasocda Itoobiya oo todobaadkan sii dhamaanaya booqday Hargeysa in ay SL diyaar u tahay in ay dhexdhexaadiso Itoobiya & Masar oo isku haya Biyaha Wabiga Niil-ka.

Addis Ababa ayaa wafdi heerkiisu sareeyo u dirtay Hargeysa, si ay ugala hadlaan arrimaha ku saabsan xariirka u dhaxeeya Masar & Somaliland ee bilowday maalmihii u dambeeyey.

Warbaahinta Somaliland ayaa sheegtay in ay warkan kasoo xigatay wargeyska East Africa Business Week, ee ka soo baxa Uganda, waxaana aan jirin ila hadda wax war ah oo kasoo baxay Xukuumadda Somaliland.

Ilo diblumaasiyiin Itoobiyaan ah ayaa xaqiijinaya in ay Addis Ababa u gudbisay Muuse Biixi, walaaca ay ka qabto Saldhig ciidan oo Masar laga siiyo Xeebaha Somaliland, taas oo dhaawacaysa xariirka labada dhinac.

Itoobiya ayaa mudo dheer taageero siinaysa Somaliland, waxayna leeyihiin xariir balaaran oo ku saleysan dhanka Amniga, Ganacsiga & Xaduudaha labada dhinac, iyadoo Itoobiya ay sami sare ku leedahay Dibu dhiska dekeda magalada Berbera.

7 Comments

  1. MASAAKIIN, white house waxba qaban waayay intaydaan dhexdhexaadin ma fahmi kartaan technically waxa laysku hayo, NILEKAy maqleen!! “You’re not even capable of understanding the nature of the conflict let alone mediate it”

    • Miskiin Somali Galbeed, ma aabbayaashiii tacliinta Somaliyeed ( mohamoud Ahmed Cali) ma ehelkii cilmiga, ma raggii England iyo Cadan galay 1900, ee Michael Mariamo lahana, ma raggii noqday Kaaliyaha Koowaad ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ( Cabdirahiim Caabi Faarax) oo aan Soomaali kale gaadhin, ma aggiii Soomaaliya ku daray Jaamacadda Carabta (Omar Carte Qaalib) , Ma Faratoon , Ma Adna, Ma Ahmed Ismail Samatar, iyo kumanaan kale ayaad adiga oo Somali galbeed iyo gumeysi ku hoos jira farta baraysaa, waar xishood, mise shalay baad dalatay, war bal buugaagta akhri, war bal hadduu ku dhaamo , aabbahaagii geel jiraha ahaa bal weydii, war illeen Libaax nin aan aqoon baa lax ka rita, war illeen, ma maanta ayaa Somail galbeed tacliin iyo ilbaxnimo, diplomacy, government , ka hadlayaan, Soomaali waa taa, indho adayg baa dilay, fadlan inta aanad wax qorin marka dambe, bal hareerahaaga eeg, korkaaga eeg, take a deep breath, and think twice, Waa inantii damacday inay hooyadeed dhalmada barto.

  2. Somaliland is a region a self-declared State,internationale considered to be an autonomous region of Somalia.
    Stop the fake news,tabloid somali websites.

  3. ASC.
    Taasi waxay la mid ayadoo la yiraahdo soomaaliyada hadda joogta baa heshiisiinaysa Maraykan iyo Ruush.Maamulka soomalilaan haddii uu cid heshiis u dalbayo hala heshiiyo soomaalida kale.Ayadoo uu maamulka soomaalilaan la heshiin waayey kuway isku diinta,luuqadda iyo isku midabka yahiin see bay u heshiisin kartaa masar iyo Itoobiya oo an meelna iska shabahin?

  4. pure jealousy, ya all qadaadweyn just don’t understand the republic of Somaliland. you know why? cuz y’all jealous hehehehehehehehe

Leave a Reply

Your email address will not be published.

*