Xasan Sheekh Maxamuud oo mowqif adag ka qaatay doorashada Somalia kadib kulankii….

MUQDISHO(P-TIMES)- Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horuma UPD ahna Madaxweynihii sideedaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si faah faahsan uga warbixiyey kulan dhawaan dhexmaray Guddoonka Golaha shacabka iyo Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran kaas oo qabsoomay 28 bishan.

Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uusan jirin wax ajende siyaasadeed ah oo Guddoonka Golaha shacabku u waday Madasha Xisbiyada Qaran sidoo kale aysan jirin wax ajende ah oo Madashu ay u dhiibtay Guddoonka Golaha shacabka.

Xassan Sheek Maxamud ayaa yiri “waxaan rabaa inaan faah faahiyo kulankii dhawaan ay madashu la yeelatay guddoonka Golaha shacabka kaas oo dad badan ay ii soo weydiyeen siyaabo kala duwan walaalayaal waxaan rabaa idin xaqiijiyo in aysan jirin wax fariin ah oo uu noo siday Guddoonka annaguna aanan u dhiibin wax fariin ah”

“Guddoonka Golaha Shacabku Madaxda Qaranka ayey ka mid yihiin madaxduna wey kulmi karaan weyna wadatashan karaan balse ma jrin wax gaar ah oo annaga iyo Guddoonku aan u kulannay sababtoo ah horay ayaan sidaan oo kale u kulmi jirnay” ayuu yiri” Xassan Shiekh Maxamuud.

Mudane Xassan Sheekh Maxamud ayaa sidoo kale sheegay in uusan is badali mowqifka Madasha ee ku saabsan doorashooyinka, “waxaan rabnaa in dalkaan ay ka dhacdo doorasho waqtigeeda ku dhacda heshiisna lagu yahay waxaana aaminsanhay in la gaari karo haddii talooyinka aan soo jeedineyno la raaco” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn waxa uu bogaadiyey natiijooyinkii lagu gaaray shirarkii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb waxaana uu ku baaqay in la ballaariyo watashiyada siyaasadeed ee hadda socda kuwaas oo uu tilmaamay in lagu gaari karo natiijo wax ku ool ah.

7 Comments

  1. @Hargeisa Boy

    Ninka magacaas wata ayaa shalay bartan soo dhigay faallo English ku qoran mar mowduucu ahaa beesha caalamka iyo Somalia. Haddaba, maqaalkaas (The State Department spent $1.5 billion on Somali democracy and built a dictatorship) waxaa website-ka wardheernews ku qoray ninka la yiraahdo Michael Rubin oo ka tirsan machadka Maraykanka ee American Enterprise Institute oo ah mid ah midigta xagjirka ah, kana shaqeeya sidii siyaasadda iyo danaha Maraykanku uga hirgali lahaayeen adduunka. Machadkaas waa maskaxdii ka dambeeysay qorshaynta, u-ololeynta iyo difaacidda dagaalladii lagu burburiyey Afghanistan, Ciraaq, Liibiya, iyo Kalagooyntii Suudaan. Ujeeddadu waa in dalalka Muslimiinta laga abuuro dagaallo iyo fowdo, kadibna loo qaybiyo dowlado yar yar si loo xukumi karo, si loo dhiigmiirto.

    Michael Rubin waa khabiir asalkiisu Yahuud yahay, horena ula shaqeyn jirey Wasaaradda Difaaca ee Maraykanka (Pentagon). Wuxuu si gaar ah ugu lugleeyahay arrimaha Bariga Dhexe. Beryahan wuxuu u ololeeyaa sidii Somaliland aqoonsi u heli lahayd, wuxuuna dhaliilaa Dowladda Federalka Somalia! Marka, ma Somaliland baa kireysatay mise ujeeddo kale ayaa jirta?

    Waxaa isweyddiin leh qoraalka bartan ma Michael Rubin iyo kuwo u shaqeeya baa soo dhigay mise waxaa soo xaday mid ka mid kuwa goonigoosadka la gaariwaayey ku indhobeelay oo iska dhigayey nin xariif ku ah luqadda Ingiriisiga?

    Haddii M. Rubin iyo kuwa u shaqeeyaa soo dhigeen, ilama aha inay jecel yihiin wanaagga Somaliland, ama Soomaali guud ahaan, ama Muslimiinta meel ay joogaanba.

    Haddiise ay soo xadeen kuwa Soomaalidiidka ah, ha xusuusteen inaysan waxba u tarin, meelna gaarsiin, markii Daahir Riyaale ka khudbeeyey machadka Chatham House ee London, ee uu yiri: “Agoon baan nahay, Boqoradda ayaana hooyadayo ah.”

    «يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا الْيَهُودَ وَالنَّصَارَىٰ أَوْلِيَاءَ ۘ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ ۚ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ ۗ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ.»

    • Translation

      O ye who believe! take not the Jews and the Christians for your friends and protectors: They are but friends and protectors to each other. And he amongst you that turns to them (for friendship) is of them. Verily Allah guideth not a people unjust.

      Kuwa muslimiinta sheeganaya oo gaaladaas is jaclaysiiya gaaladaasay ka mid yihiin. Khabarka muhimsan oo aayadaas ku jira waa kan.Hadaad gaalo is jaclaysiiso ayagaa lagugu tirinayaa diinta xageeda.

  2. Waar mareegtadiiba waatan dhaxmootayee xagee bay ka dhaceen dhabayacadii laga hadhsan waayay? kkkkkkkkkkkkk. Hal doorkoodii boodharina malaa ayeydii baa dheggad u soo qaatadayoo ku tidhi waar waad nagu bad badatayee car aan juuq dambe kaa maqlo kkkkkkkkkkk. Ma anaan garan kkkkkkkkkkkkkk.

    Dhabayacooy duriyada looma taag helo.Ahmed salaan sare mujaahid.

    God Bless Somaliland!

  3. Afyaatta Bogan ku xidhan inta fikrada soo dhiibata iyo inta kalee akhrisataaba waxaan idin leeyahay Ciid Mubaarak gidigiinba. Ciidaa ciideeda Illaahay ha’inagu gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*