Xiisad dagaal oo ka taagan duleedka Laascaanood & Ciidamo ku sugan

GAROWE(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xiisad dagaal laga dareemayo deegaanka Adhi Cadeeye oo 30 M KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in xiisadani ay timid kadib dagaal shalay ka dhacay deegaankaasi, kaas oo u dhaxeeya laba malayshiyaad beeleed oo wada dega deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyey dagaalkii shalay ayaa waxaa ku dhaawacmay labo qof halka wararka qaarkoodna ay sheegayaan in ay jiraan khasaarayaal kale oo dhimasho ah.

Dadka deegaanka ayaa cabsi xoogan ka muujinaya dagaal ka dhaca deegaanka Adhi Cadeeye, waxaana gaadhay deegaankaasi ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland si ay u kala dhex galaan labada malayshiyaad halka xabsiga la dhigay odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda dhinacyada dagaalamay.

Wixii kusoo kordha warkaasi kala soco www.puntlandtimes.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*