UPDATE: Qodobka nooca Doorasho oo Isfaham u dhaw in laga gaaro & Nooc cusub oo la qaadanayo, Mudo dheerad ah oo ku jirta…

MUQDISHO(P-TIMES) – Warsidaha PuntlandTimes wuxuu ogaaday in uu jiro isku soo dhawaansho ku saleysan arrimaha ay isku hayeen dhinacyada ku shirsan magaalada Dhuusa-Marreeb, ayna hadda bilaabatay in laga dood qodob dhexe oo labada dhinacba Ajendahooda ka turjumi kara.

Saraakiil katirsan dawlad gobaleedyada iyo dawladda Faderaalka Soomaaliya oo la hadlay warsidaha PuntlandTimes ayaa u sheegay in kala aragti duwanaanshaha madaxda kulmaysa uu yahay mid caadi ah oo horeyba u jiray, balse ay mar kasta ku dadaalayaan sidii is afgarad loo gaari lahaa.

Maanta & Caawa ayaa lafilaya in ay dhacaan kulamada ugu adag, iyadoo dooda ugu badan ay galin doonan qodobka doorashada, waxaana hadda soo baxaysa xog cadeynaysa in laysku raaci doono nooc cusub oo doorasho, kaas oo u baahanaya taageerada baarlamaanka Faderaalka & Beesha Caalamka.

Madaxda kala duwan badankood ayaa hadda aqbalay soo jeedinta ah wax ka duwan Doorashada dad-ban iyo doorashada qof iyo codka ah oo ah labada aragti ee ay kala qaban, inkastoo ay wali jirto in dhinacyadu ay aad isku bed-bedelayaan.

Dooda ugu badan, waxay cadeynaysaa in la aadi doono nooc cusub oo doorasho, taas oo ah in la diwaangaliyo dad ku dhaw 270kun oo qof, kuwaas oo dooranaya xildhibaanada golaha Baarlamaanka, waxaana kursi kasta dooran doona 1001qof, maamul gobaleed kastana laga geeyo 3 degmo oo ah kuwa ugu kuraasta badan.

Cida maamulaysana ay noqoto guddiga Doorashooyinka madaxa banaan ee Soomaaliya, noocan ayaa hadda u muuqda mid ay kuwada qanci karaan dhammaan dhinacyada siyaasadda, laakiin laftirkiisa ayay hadda doodaha ugu badan ka taagan yihiin, gaar ahaana sida ay doorashadu uga dhacayso deegaano ay kamid yihiin Gedo oo ay gacanta ku hayso dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Saraakiisha dhinacyadu waxay cadeynayan in mudada doorashadan hadda la qorsheynayaa ay dhaafi doonto mudo xileedka Hay’addaha dawladda Faderaalka ee waqtigan jira oo ay gaari doonto ugu yaran bisha March ee sannadka dambe, taas oo ah qorshaha ay isku raacsan yihiin dhammaan dhinacyadu oo ah mid Farsamo.

Haddii la dhameeyo doodahan, waxaa lafilayaa in lasoo saaro warsaxaafadeed wadajir ah oo ku wajahan arrimaha ay isku raacsan yihiin oo aysan ku jirin dooda doorashada, waxaana dib u eegi doona guddiyo wasiiro ah oo kusii wada shaqeynaya magaalada Dhuusa-Marreeb, waxaana bilowga ila bartamaha bisha August ay dhinacyadu iskugu soo laaban doonaan magaaladan, si ay uga wada hadlaan dhameystirka qabyada.

7 Comments

  1. Wakaasi sxb waa been, wax ka jiraa ma jiro, hadii mido xileedka farmaajo la dhaafo, gudoomiya maxkamdaa sare baa madaxweyne ku meelgaadh ah noqonaya, one day looguma darayo Farmaajo

  2. Gudoomiya ha maxkamada sare ma majeedhaan baa waafiga Madaxweyne ku meel gaara la jeclaystaye
    Gudomiyihii baarlamaanka oo jooga
    Baa wiil cumar maxmuda oo garaxad ka imaaday Madaxweyne ku sheegaysaa
    Teeda kale Farmaaje ma asaga Tagayaa ba

  3. @JIIFDIID KKKKK Majeerteen waa waasheen,meel caqliga kaga yaal iyo sharciga ms jirto.
    WAADA SHARCI YAQAAN WADA SIYAASI KAAGA DARAN XISHOOD ANKEE MA LEH.
    Haddii madaxweye dal dhinto,ka maqan yahay,xanuun degdeg kusoo boodo.
    Waxaa xilka sii haynaya guddoomiyaha parlamaanka.
    Waxaa ay arrintan la dhacday Nigeria oo uu 6/8 bilood dalka ma maqnaa madaxweynaha ku xigeenka looma dhiibin.

    BOOWE HADDII CID KU CEEBOWDAY SOMALIDA CUSUB WAA MJ.
    Tuulooyinkoodii ay degaan bay ku faanaan oo leeyihiin laaluush hana lagu siiyo cajiib.

  4. Gudoomiyaha maxkamada sare adeer waaa Isaaaq, waana ninka ugubsareeya xaga sharciga. Hadii dawlada waqtigeedu dhaco, gudoomiye paarlamaan dhacat, dalka ma xukumi karo,

  5. Gudooomiye paarlamaaan xiligiisii dhamaaday dalka ma xukumi karo, markaa sidaas buu gudoomiyaha maxkamada sare sidaas buu madaxweyne ku meelgaadh ah ku yahay

    • Wakhti kasta ha qaadato laakiin fikirkaan cusub waa kii ugu macquulsanaa ilaa laga bilaabo wakhtigii carta. Somalidu maankoodu aad buu u gaabiyaa. 40tan sano ayey ku qaadatay in ay hindisaan fikrad cusub oo looga hortsgi
      karo laaluuska doorashooyinka. Kkkk I like this. No one can give a decent bribe to 1001 voters. Give them $100 dollar and its $100,100.
      Give them $1,000 and it will be $1,000100

      majority of the candidate can not afford to pay a million dollars as bribes and those voting old men would not sell their dignity for a thousand bucks. Their own daughters can sends them more than that. Kkk kudos, I like that new idea.

      By the The number of the voters should be increased to a million, from all the region, instead of 270,000 so that they cast their vote for the president as well intead of the fucking xildibaans voting for the president.
      Easy fix for a tedious Somali problem. To hell with corrupt multi party and one man one vote. This is the real McCoy and the real solution for a tribal societies.
      Infact a solution for entire Africa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*