Axmed Madoobe oo si kedis ah ugu duulay Kenya, xili 3 maalin kahor kayimi iyo Sirdoonka Kenya.

KISMAAYO(P-TIMES)- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo 3 maalin kahor kayimi Kenya ayaa si deg deg, markale shalay dib ugu laabtay, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaa ujeedada safarkiisa.

Ilo madax banaan ayaa xaqiijinaya in kahor tagida Axmed Madoobe ee Kenya ay ka horeysay safar qarsoodi ah oo ay Kismaayo kutimi diyaarad khaas ah oo waday Saraakiil sare oo katirsan Sirdoonka Kenya, taas oo laabashadeediina qaaday Madaxweynaha Jubbaland.

Saraakiil katirsan Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay in safarkan deg deg ah ee M/weyne Madoobe la xariiro arrimo caafimaad.

Kenya ayaan soo dhaweynin, sida ay wararku sheegayaan Is afgaradkii dhexmaray DFS iyo Jubbaland, kaas oo ay Nairoobi u aragto halis soo wajahday danaheena gudaha dalka.

Wada hadalo todobaadkii kadhacay Nairoobi dhexmarayna Kenya iyo Jubbaland ma jirin heshiis laga gaaray, iyadoo Xukuumadda Nairobi halis u aragta heshiis dhexmara DFS iyo Jubbaland.

14 Comments

  1. Kkkkkkk kkkkk dadkii been iyo nijaaso ayaad ku wareerisay waxaad ka heleeyso lama yaqaan, Axmed madoobe farmaajo lama heshiin waayo farmaajo maxaa lagala heshiiyaa oo uu haystaa hadda farmaajo waa been Loow lama aamini karo ceeb iyo fashil ayuu dhex fadhiyaa farmaajo. Axmed madoobe waligii waa tegi jiray keenya, Nairobi xiriir fiican ayaa kala dhexeeya maxaa ku jaban haddii uu aado, wanaagga hallaga shaqeeyo

  2. War heedhe cali canaan baad kala dul dhacday tafatiraha puntland times waa runtaayoo farmaajo maxaa lala heshiiyaa xeradiisa xoolo kuma jiraane mar hadii beesha biilasha ka bixisa ay tiri inta raisalwasaare cusub la keenayo oo xilkii uu hayey kheyre ku wareejinayo waxaan la macaamileeynaa kheyre adeer inna abdishakuur iyo ali mahdi cagaha dhulka ugu dhufanayaan adeer intaas baa bahdilid ugu filan

  3. Waxa la yiraahdo Dhuusamareeb 3 xitaa haddii la isugu yimaado waxba kasoo biximayaan, sidaasna Villa Somalia baa talogashay. Guddigii Farsamada ee la rabay in ay arrinta sii dhiraandhiriyaan, shirkoodii Xamar baa lagu qabtay halkii ay ahayd in Dhuusamareeb lagu qabto. Waxaa isugu tagay huwantii awalba isku aragtida ahayd — Galmudug, Hirshabeelle, Laftagareen, Cumar-filish.

    Mase aragteen odaygii ruugcaddaaga ahaa, C/llaahi Axmed Caddow, oo u hadlaya sidii aysan jirin dhib iyo qalaalase siyaasadeedba. Layaab maleh sababtoo ah Siyaad Barre ayaa yarad u siiyey inuu iska fadhiyo safaaraddii Soomaaliya ee Washington kadib markii uu gabadhiisa siiyey C/llaahi Naxamed Siyaad Barre. Mar waxyar laga soo baddelayna waxaa laga dhigay wasiirkii maaliyadda. Waa ninkii soo gacanqabtay Farmaajo oo safaaradda lagu geeyey qaraabokiil iyo naasnuujin.

    Puntland iyo Jubbaland waa inay ogaadaan in cidda ay is-hayaan aysan ahayn miskiinkan inanlayaalka ah ee baqomaalka iyo cagojugleynta lagu hayo, ee cidda dhabta ah ee ay is-hayaan ay tahay reer Muqdisho iyo qowsaarka la geeystay Koonfur Galbeed oo aan doonayn hannaanka federalka.

    Inta Farmaajo isku hallaynayo Abiy Ahmed iyo Isaayas Afawerqi, Puntland iyo Jubbaland waa adkeeyaan xiriirka Kenya oo ah saaxiib ku leh Daarood abaal weyn. Kiiska badda haddii dowlad Soomaaliyeed oo karti iyo shacbiyad leh timaaddana, Maxkamadda Caalamiga ah ayaa lagu kalabaxayaa, haddii la waayana, hadde Kenya ha ku darsato dalkii iyo dadkii ay hore u haysatay.

  4. Dadkan waxa qoraayo masomali baa mise
    Waa oromo mise aqligii baa kaguuray
    Aduunka aan kunoolnahay
    Dadku wax way dhaliilikaran
    Laakiin hadana aqli iyo talo waa inay
    Kudaran waayo somalidu dalka ayagaa leh
    Kenya waa dowlad Ethiopia waa dowlad
    Somalia waa dowlad 3 dowladood oo
    Midwaliba danteeda wadato wayaan mid
    Midakale ladanahana majirto suaashu waxay
    Tahay somalidu maxay kenya iyo Ethiopia ujacliyiin inay somalia gumaystan
    Mise dadka comment qoraayaa ayaa kenyan iyo
    Ethiopia ah somalia waa dal xor ah
    Oo mislimin ah dhanka diinta kuyaal
    Geska africa barwaaqo ah runtii cimo fiican
    Leh

  5. Maan rag waa muducyo afkoode dhallintu iyo waayeelkuba Gafka hala yareeyaan ku talinahayaa. Wariyuhuna siduu wax u arkahayey buu qoray waana qof xor u ah inuu dadka u gudbiyo sida ay ugu muuqdaan arrimaha siyaasiga ah ee dalkiisa hooyo.

    • Horta somaliya wax la yidhaa ma jiro lakin qowmiyada somalida la yidhaa way jirtaa itobiya iyo Kenya ayey u qeybsan yihin dalal ahaan, nfd waa Kenya gobalka jubada hose Kenya iyo itobiya ayaa ku muransan mid uu raaci doonaba wixii intaa kaso hadha waa itobiya riyo maalmeed looma baahnee waa inaad fahamtaan

  6. Mmohad ali aad baa kuu ixtiraamayaa caqli wanaagsan , waxaad moodaa inay dadka qaarkii isku qaldayaan waxa somalida ka dhexeeya iyo arimha wadamada deriska ah ,waxaan ku talin lahaa dadka qaba nacaybka farmaajo inaanay cadaw gacanta u gelin, dalkana ay dibindaabayda ka daayaan, mida kale farmaajo cid u hanjebi kartaa ma jirto waayo meesha wuxuu ku joogaa 4.5 oo wax lagu doonto iyo magaca qabiilka darood,wxaanse aad ula yaaban ahay in mohomoud salbeen dadka ka dhaadhicyaan hadaanay iyagu joogin waxba ma soconayaan , iyo arinka ah kablalax, oo ahmed madoobe lagu soo dabayaayo, walaalayaal aniguba kablalax baan ahay aadna waxaan u taageersan ahay madaxwayne farmaajo, dadka magacaa wataana 80% waxay taageersan yihiin dawlada somaliyeed iyo madaxwayne farmaajo,
    hadii M, salbeen wax qabanayo oo cadaalad samaynayo puntland ha ka sameeyeen, viva dawlad soomliyeed ilaahow cadwga kenya iyo ethiopa hanoo jenin yaa rabi
    wabilaahi towqfiiq

  7. Haddii aan nahay reer Jubaland, Kenya uma aragno cadow jiritaanka yaga khatar ku ah.

    Abaalna waay nagu leedahay oo 91kii markii aay beelaha IRIR Samaale iyo BIR QALAX wixii aay heli kareen isku raaceen in nala sifeeyo, Kenya ayaan ku badbaadnay.

    Iyada ayaana ina siisay, Hub aan Julanad dib ugu xureeysano!

    Arrinta Badda, Kenya eed kuma leh oo xaalkeedu waa, “Doqon baa ka tago Waddan hadduu meel dayacan yaale”.

    Oo Kii gacantiisa ugu saxiixay in aay sheegato, iyo kii Madaxweynaha u ahaaba”C. C. Shakuur iyo Sh. Shariif” waa kuwaa halyeeyada ah ee Roogga Cas loo goglayo!!!

  8. Waxaa cajiib ah in been la isku seexiyo.
    Kenya from 1991 illaa maantadan imisa Somali ah ayay dhacday,dishay,waliba iska xiran?
    Dalku xad ma leh kunaan weeye dhaca xisaab ma leh.
    Kenya iyadaa ka faaiiday burburka dalka,Kenya qaad iyo rasaas iyo qori waxaan ahayn miyaa laga helaa?
    Bal u fiirso just B.Xaawo marka aad ka gudubto waxaa kugu bilaabanaysa WARYAA PATIYA BESA.Keen lacag waryaa.
    Kenya Somalidu lacagtooda ayay ku joogaan.
    Maantadan xadka dadkii degenaa wey qaxisay,diyaarado ku garaacdaa 180Km ayaa laga qaxay.
    DAD WAXAA UGU LIITA MID IS QARIYA REER GEDO ISKA DHIGA TUUG BEENLOW AH AAN AHAYN REER GEDO WAA LAGU ARKAA JAALLE.

  9. @@ Hanuuniye

    Mareexaan/Cawlyahan, meeshan inbadan baan ku iri fekerkaaga ku dhiibo adoo aanan u dhaqmin sida, in aad Mareexaan Askeri waardiye ka ah tahay!!

    Bal fiiri hadda aniga ayaad iigu jawaabeeysaa, haddana sida dhoocilihii ayaad madaxa qarsatay!!!

    Taasi waa liidnaantii nimankii Naagaha isla qabi jiray ee “REER SHARMAAKE CAWLYAHAN” lagu yaqiinay!

    Haddii Kenya lagu joogo lacag, haddaba ma Itoobiyaba uu adeerkaa Farmaajo u garguuranayo ayaa Malab ku siisa!?!
    Dadka sida aan kuu garanayo kuu garan mahayaane dhuumo!! Kkk

  10. A.A.Xade beenlow aan Marexan ahayn in aa tahay un baan sheegay.CEEBTA AY LEEDAHAY MAXAY TAGAY?
    Farmaajo addeerkay goormuu noqday?kkkkk anigu reer Gedo ayaan ahay reer Ugaas Sharmaarke reer Shirwac reer Xuseen shirwac.
    In aad beenlow tahay reer guri ma ahin car sheeg reerka aad tahay NAAG ruufiyaan ah ayaa tahay.
    Ethiopia meel aan ugu niikiyay sheeg?kuwa jecel Kenya iyo Ethiopia Somalidu waa taqaan ee is qariya.
    Fakarkaan dhiibo,dad ha maagin.FG:Farmaajo kaama difaacayo,balse ha iska dhigin Marexan.GUN WAA UN GUN.
    One word lahjad reer guri ma lehid beenta jooji illahay ka baq.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*