Ciidammada Puntland oo howlgallo balaaran ka wada Gaalkacyo & Xogihii ugu dambeeyay

GAALKACYO (P-TIMES)-Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo culus ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaddib markii iska hor-imaad dhowaan ka dhacay Xerada Kabida ee gudaha Magaalada uu ku dhintay Taliyihii guud ee Ciidammada Madaxtooyada Puntland.

Howlgaladan oo ay si Wadajir ah u wada fulinayaan Cutubyo kamid ah Ciidamada Booliska, Daraawiish-ta, PMPF iyo PSF ayaa inta badan lagu beegsanayaa dad lagu tuhunsan yahay inay ka qeyb yihiin falal Ammaan-darro oo ka dhacay Gaalkacyo, iyadoona Ciidammadu ay xabsiyada dhigeen dad badan oo laga soo qabtay xaafadaha Gaalkacyo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ciidammadu ay gudaha Magaalada ka baadi goobayaan maleeshiyaadkii dhowaan iska hor-imaadka ùu ku dhintay Taliyihii Madaxtooyada la galay Ciidammada Dowladda, kuwaas oo qeybtood ku dhuumaleysanayaan gudaha Magaalada halka kuwa kalena ay u baxsadeen Miyiga u dhow Gaalkacyo.

Dadka Degaanka ayaa sidoo kale aad u hadal haya Ciidammo fara-badan oo Puntland ay ku soo daabushay gudaha Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka gaaf wareegayaan Xaafadaha Magaalada Gaalkacyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*