DAAWO: Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweynayaasha Puntland iyo Jabuuti?

JABUUTI (P-TIMES)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Jabuuti kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Ganacsiga , maalgashiga iyo guud ahaan horumarka, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni oo kulanka kaddib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Jabuuti iyo Puntland, uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah, kaas oo ku qotoma Ganacsiga iyo Iskaashi, waxaana uu xusay inuu aad ugu faraxsan yahay la kulanka Madaxweyne Geelle.

Warsidaha PUNTLAND TIMES ayaa horey u ogaatay in ujeedada Socdaalka Deni ay ku qotonto dalab ay Puntland horey ugu gudbisay oo la xariira qalabka lagu Ciid qaado Dekedaha ee (Xafaarada), iyo dhameystirka heshiis ay Puntland ugu dhisanayso saldhig Milateri oo weyn mid kamid ah dalalka Reer Galbeedka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni, ayaa ka qeybgalay hadimo sharaf isaga iyo wafdigiisa uu u sameeyay Ra’iisalwasaaraha dalka Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*