DAAWO:Khamrigii ugu badnaa oo Gaalkacyo lagu qabtay & Eedaysanayaal ka ganacsanayey oo la xukumay

GALKACYO(P-TIMES)- Maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Mudug ayaa xukuno kala duwan oo xabsi ah iyo ganaax lacageed ku riday labo eedaysane oo ka ganacsan jiray cabayeyna maandooriyaha khamriga, kuwaas oo gacanta lagu soo dhigay.

Maxkamadda ayaa la hor keenay ilaa 82 dhalo oo khamri ah, halka saldhiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo lagu bur buriyey ilaa 200 oo dhalo oo khamri ah.

Eedaysanayaasha ee maanta ay xukuntay maxkamaddu ayaa laga soo qabtay magaalada Bacaad weyn ee gobolka Mudug, waxaana la sheegay in ay ka ganacsan jireen khamriga.

Eedaysanaha koowaad oo lagu magacaabo Xuseen Cabdullaahi Xuseen 26 jir ah ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 1000 Dollar halka eedaysanaha labaad oo lagu magacaabo Raage C/risaaq Cabdille isna lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 500 oo Dollar iyo in uu bixiyo mag dhowga dhibane uu u gaystay dhib.

Gudoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee gobolka Mudug C/naasir Maxamed Cali ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday eedaysanayaashani, waxaana intaas kadib saldhiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo lagu bur buriyey dhalooyinka khamriga ahaa.

Maamulka gobolka Mudug, saraakiisha laamaha amaanka, xubno ka socday ururada bulshada iyo maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa goobta ka ahaa goobta lagu bur buriyey khamriga, iyagoona shacabka faray in ay ka digtoonaadaan waxyeelada khamriga uu leeyahay.

Dhanka kale maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa xukuno kala duwan ku riday eedaysanayaal lagu soo qabtay hawlgalkii ka dhacay warshada Kabista ee magaalada Gaalkacyo, waxaana maxkamaddu ay sheegtay in lala wareegay dhamaanba gaadiid iyo hubkii lagu soo qabtay eedaysanayaashaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*