DHAGAYSO:Xaalada garoonka Muqdisho oo faraha ka baxday & Gumaysi cusub oo…..

MUQDISHO(P-TIMES)- Shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ee ka shaqeeya kala hagida iyo rarida diyaaradaha ayaa cabasho xoogan ka muujiyey mushaar la’aan sababtay in ay shaqo joojin sameeyaan.

Shaqa joojinta ay sameeyeen shaqaalahani ayaa sababtay in la waayo cid rarta ama hagta diyaaradaha kusoo dagaya garoonka Muqdisho ee Aadan Cadde International, kaas oo ay gudihiisa ku xayirmeen diyaarado ka yimid dalka gudihiisa iyo kuwo kale oo u bixi lahaa dalka dibaddiisa.

Dadka banaan baxayey ayaa sheegay in cabasho xoogan ka muujinayaan xuquuqdoodii oo aysan ka helin shirkadda Favori LLC oo maamusha garoonka Muqdisho halka ay sheegeen in lagu dhex gumaysto dalkooda hooyo oo ay ku gumaystaan Kenyan iyo Ugandhis.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*