DHAGAYSO:Xoogsatada ku nool Garowe oo cabasho ka muujiyey ajaaniibta laga keeno dalka dibadiisa

GAROWE(P-TIMES)- Xoogsatada muruq maalka ah ee ku nool magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa cabasho xoogan ka muujiyey shirkadaha dhismaha iyo shaksiyaadka qaarkood sababo la xidhiidha shaqaale ajaaniib ah oo ay ka keensadeen dalka dibadiisa.

Xoogsatadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in iyaga oo shaqo la’aan ah laga keensado dalka dibadiisa shaqaale ajaaniib ah maadaama ay iyagu yihiin Soomaali wax badana ka qaban karta gudaha dalka.

Shaqaalaha ajaaniib ah ee dalka ka keeno ayey sheegeen in ay dib ugu celiyaan dalalkoodii hooyo waxyaabaha ay ka shaqaystaan gudaha dalka Soomaaliya balse ay iyagu yihiin Soomaali iska leh dalka oo ay dib ugu soo celiyaan wixii ay shaqaystaan.

“Anagu waxaan nahay dad Soomaali oo muwaadiniin ah lixdameeyadii ilaa iyo hadeertan anagaa guryaha dhisi jirnay anagaana dhisna anagaa nalagu og yahay maanta hadii la yiraahdo muwaadin Soomaaliyeed yaa eh waa anaga waayo guryahaan dhisnaa anagu guryaha ma bur burino sidaa darteed ajinabi markii wadanka lagu soo aruuriyey kuwa keenayana ay yihiin Soomaali anaga aan nahay Soomaali oo hadana dad muslimiin ah aan isla wada nahay in shaqooyinkayagii ay naga hor istaagaan oo ay u dhibaan oo waxay shaqaystaan oo dalkoodii ku difaacdanayaan anaga wixii aan shaqayno wadanka gudihiisa aan kusoo celinayno taas waxaan u arkaa wax damiir xumaa” Ayuu yidhi mid kamid ah shaqaalaha muruq maalka ah ee dhismayaasha ka shaqeeya.

Madaxda shirkaddaha ajaaniibta keensada dalka ayey ku tilmaameen kuwa bilaa damiir ah, waxaana ay wax laga xumaado ku tilmaamay hanaanka ay u mareen shaqaalaysiinta dadka ajaaniibta ah.

Sanadkii 2o14 ayey sheegeen in ay bilaabmatay shaqaalaysiinta dadka ajaaniibta ah ee laga keenayo dalalka kamid ah Qaarada Aasiya, waxaana ay xoogsatadani fareen dadka keensanaya shaqaalaha shisheeye in ay ka waan toobaan arimahaasi.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO

4 Comments

  1. Xirfad ma leh wax bartana lagama karo, hadaad wax u sheeg damacdo wuu kula dagaali.
    Toronto, tuubo biyood, marmar ama bac wallpaper kuma dhejin karaan, .

  2. dadkan waa in dowlada hoose kuli ay xabsi dhigtaa waayo waa jaahilin ladagay puntland iyo guud ahaan somalia waxay wax kudhisan farsamo ah 1960 wax school u aday dhismo kumajiran mana jiro hal qof oo kusiinkara dhowr naqshadood oo picture ah lakin wuxu ku oran guriga hebal ninka dhisayban ajay. lakin kuwaa ajinabiga ah waa niman jamacad uga sobaxay dhisme intaan waxlagudhisin kutusaya boqol naqshadod oo ilxaax kugurida lana haysta 2020 marks dadkan malintii laga qabtay garowe iyo maanta farqiga udhexeeya fiiriya.

  3. #Haliye & Aidurus,

    Bilaash baad dadkeenan cabashadooda ugu maagteen xaqiiqdii. Arrinkani fashil xun ayuu ku yahay dowladda iyo madaxda Puntland oo shacabkooda si xun u gabay maadaama ay dagalka u dejin waayeen qorshe culus oo waxsoosaar iyo dhaqaale ka kooban oo lagu saleeyay shacabka reer Puntland. Waa masiibo qaran oo in laga uurkutaalloodo oo lagana dhiidhiyo ay waajib tahay.

    Dowladda Puntland waxuu waajibkeedu ahaa in ay xoogga saarto tacliinta bulshaweynta qaybaheeda iyo heerarkeeda kala duwan oo aanay waxbarashada skoollada iyo jaamacadaha ku ekaysiinin. Waxuu waajibku ahaa in dadka waaweyn loo dhiso machadyo iyo kulliyado ka haqabtiraya aqoon iyo xirfad la’aanta mujtamaca ku baahsan ee loogu fidiniyo waxbarashada xirfadaha farsamooyinka gacmaha ee aasaasiga ah dhammaantood iyo luqadda Englishka. Mucaawamaad badan ayay dowladdu caalamka kaga heli lahayd qorshahan isaga ahi.

    Ka dib waxay ahayd in shirkadaha Puntland ka shaqeysta (cid kasta ha lahaato ee) lagu amro in aanay shaqaale kale keensan karin oo ay muwaaddiniinta shaqaaleysiiyaan. Dowladda dakhli badan baa uga soo xeroon lahaa ay adeegyada daryeelka bulshada sida tacliinta ku sii tayeyso. Iminka khasaaruhu waa saddex jibbaar:

    1) Muwaaddiniintii oo shaqo la’aan iyo saboolnimo ku waaraya.
    2) Ajnabiga oo mushaharkooda dibedda u xawilaya oo dhaqaalaha maxalliga iyo khasnadda maaliyadda si xun u dhaawacaya.
    3) Ajnabigan oo aakhirka dalka ku xidideysan doona oo aakhirka ganacsiga iyo cuduudda dhaqaale dhaxal wareejisan doona (sii ba hindida iyo pakistaanka).

    Sidani ma aha si dowlad wanaag lagu hanan karo oo Puntland isbeddel xooggan iyo jiheyn cusub ayay baahi degdeg ah u qabtaa. Shacabkan cabanayaa ceeb iyo eed toona ma leh ee si ba’an baa loo gabay.

    • Sidii aan uga taxadarayay in aan bogga cammiro ayaan qodob muhiimsan hilmaamay. Dowladda waxaa ku habboonayd in ay shirkadaha giddigooda ku laazimto in ay muwaaddiniinta shaqaaleeyaan oo weliba iyagu tababbaro shahaadeed ee ay dowladdu kormeerayso u fidiyaan.

      Waxay ahayd in arrinkaasi looga yeelo shardiga koowaad ee lagu guddoonsiinayo shahaadada ay Puntland kaga ganacsanayaan. Haddii ay fulin waayaanna canshuurtii shaqaalaha lagu tababbari lahaa iyaga lagu dallaco oo ay dowladdu ku maalgaliso machadyada iyo kulliyadaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*