Dowladda Somalia oo dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin badan

MUQDISHO(P-TIMES)- Dowlada Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo in mudo ah ku xirnaa dalka Iran.

Diyaarad siday in ka badan 28 maxbuus oo ka soo baxday magaalada Tehran ee caasimada dalkaasi Iran ayaa maanta waxa ay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Muwaadiniintan ayaa waxa ay qaarkood mudo bilooyin ah  ku xidhnaayeen xabsiyo ku yaalla dalkaasi Iran, waxaana lagu sii daayay dadaalo ay bixisay dawlada Soomaaliya.

Sii deyntooda ka dib ayaa waxaa la sheegay in ay u xayirnaayeen duulimaadyada dalka oo uu saameeyay cudurka Covid-19 Soomaaliya iyo dhammaan dalalka dunida.

1 Comment

  1. Dalkiinii hooyo ku soo dhawaada,waxa muhiim in Soomaalido ay si wada jir dalkoods u dhistaan qabyaalada iyo midi mid ku taaga ka baxaan.
    Waa in nidaamka dimoqoraadiyada ku dhisan ,si saxa looga hirgeliyaa dalka Soomaaliya.
    Waa in dhamaan Soomaalido ay diidaa faragelinta qaawan ee shisheeya,kuwa ugo darana waa Ethiopia,UAE iyo Kenya.
    Waa in shacab iyo dowlad arimahaasi aan laga aamusin.
    Soomaaliya guul iyo midnimo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*