FALANQEYN:Dhacdooyinkii ka dhacay Puntland saacadihii ugu dambeeyey saamayn maku yeelan karaan amaanka?

GAROWE(P-TIMES)- 24-kii saacadood ee ugu dambeeyey waxaa deegaanada Puntland ka dhacay falal kala duwan oo lidi amaanka, kuwaas oo ilaa iyo haatan aysan jirin cid ka hadashay amaba baadhis lagu sameeyey.

Dhacdada koowaad ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari habeenkii xalay ahayd, waxaana qarax lagu weeraray bar kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada amaanka.

Qaraxa ka dhacay Boosaaso ayaa lala beegsaday ciidamada xili ay ku mashquulsanayeen gudashada waajibaadkooda qaran maadaama xiligaas oo habeen ahayd ay hawlgal baadhis ah kawadeen gudaha magaalada Boosaaso mana jirto ilaa iyo haatan cid ka hadashay qaraxa ka dhacay Boosaaso.

Marka laga yimaado qaraxa ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa waxaa iyaduna maanta dhac iyo boob maalin cad ah loo gaystay Xawaaladda Iftin Express xarunteeda magaalada Garowe, kadib markii kooxo qawlaysato ah oo gaadhaya ilaa afar qof ay weerar ku qaadeen xarunta Xawaaladda Iftin.

Shakhsiyaadka dhacay Iftin Express ayaa watay qoryaha fud fudud iyo gaadhi ay kaga baxsadeen goobta markii ay gaysteen falka, waxaana ay hore u sii qaateen hantida dad badan oo masaakiin ah halka ay shaqaalaha Xawaaladda ay ku qabteen qoryihii ay wateen.

Laamaha amaanka gobolka Nugaal ayaan weli ka hadlin dhacdadani mana jirto cid loo soo qabtay ilaa iyo hada dhacdadaasi boobka ah ee loo gaystay Xawaaladda Iftin Express, hasa yeeshee ma aha markii koowaad ee dhacdo noocan oo kale loo gaysto shirkaddaha qaarkood maadaama hore lacago badan looga dhacay shirkaddaha Somtel iyo Golis iyada oo la adeegsanayo farsamooyin kala duwan oo dhac ah.

Dhanka magaalada Gaalkacyo hadii aynu eegno iyana waxaa maanta ka dhacay dagaal dhex maray malayshiyaad hubaysan iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, waxaana dagaalkaasi oo sababay khasaarayaal kala duwan uu ka bilowday hawlgal ciidamada amaanku ay ku qaadeen goob lagu kaydin jiray laguna iibin jiray maandooriyaha khamriga oo ku taala waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Hawlgalka oo ku bilowday bur burinta iyo baacsashada shakhsiyaadka ku lug leh soo galida maandooriyaha khamriga ee magaalada Gaalkacyo ayaa sababay dagaal dhex maray kooxo dablay ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo sababay waxyeelada 10 qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidamada dowladda, waxaana ugu dambeyntii dhaawacyo soo gaadhay dartood u geeriyooday taliyihii ciidamada madaxtooyada Puntland iyo sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada madaxtooyada.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni oo ka hadlay geerida taliyihii ciidamada madaxtooyada ayaa ka tacsiyeeyey dhimashadiisa, waxaana uu alle uga baryey taliyihii ciidanka madaxtooyada Puntland Marxuum G. Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex xadhigle Axmed Yuusuf Cabdi in uu u naxariisto samir iyo iimaana uu ka siiyo dhamaan ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland si gaar ah ciidanka Daraawiishta gaar ahaan ciidanka madaxtooyada, eheladii qaraabadii qoyskii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen marxuumiintaasi.

Tacsiga madaxweynaha marka laga yimaado ma jirto cid ka hadashay dhacdooyinkii ka dhacay Puntland 24-kii saac ee lasoo dhaafay, waxaase jira kulamo iyo shirar deg deg ah oo uu madaxweyne Denni iskugu yeedhay saraakiisha ciidamada gobolka Mudug oo uu ku amray in si deg deg ah wax looga qabto xaalada.

Magaalada Gaalkacyo ayaa marar badan iska hor imaadyo ay ku dhex mareen ciidamada amaanka dablayo hubaysan, kuwaas oo salka uu ku hayey isku dhacoodu maandooriyaha khamriga oo saamayn xoogan ku yeeshay gobolka Mudug.

Kal hore ayey ahayd markii Puntland ay sheegtay in xuduuda ay la wadaagto deegaanka Soomaalida ay gayn doonto ciidamo si looga hortago khamriga badan ee loo galaya gobolka Mudug, hasa yeeshee dadaaladaas ayaa fashilmay kadib markii lagu guul daraystay wax ka qabashada khamriga.

Xaaladaha ee Puntland ayaa sii xumaanayey muddooyinkii ugu dambeeyey, waxaana jirtay falal kala duwan oo ka dhacay magaalooyinka Garowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo, halka qaraxyo lagu weeraray ciidamo iyo madax ka tirsan dowladda.

Dhacdooyinkii ka dhacay Puntland 24-kii saac ee lasoo dhaafay iyaguna waxa saamayn maku yeelan doonaan amaanka, waxaana soo bixi doona goldoloolo badan oo laga waxyeelayn karo shacabka hadii aysan dowladdu wax ka qaban arimaha haatan taagan.

Hadaba amaanka Puntland miyaa faraha ka baxaya? Mise waxaa jirta tamar daro dhanka ciidamada ah?

Waa su’aalaha ugu badan ee lays weydiinayo, waxaase aan kusoo koobi karnaa tamar daro dhanka amaanka ah iyo ciidamada oo aan u diyaarsanayn hawlaha shaqo ee loo igmaday.

Dhaliisha ugu xoogan ayaa iyaduna ah la shaqayn la’aan ka dhan ciidamada ah oo shacabka dhankooda ah, hasa yeeshee shacabka Puntland oo ah muwaadiniin jecel dadkooda iyo deegaankooda ayaan dhab ahaan helin garab istaag iyo xaqiijin amaan oo dhamaystiran maadaama aysan jirin ciidamo u tayeysan shaqooyinkaasi.

 

 

4 Comments

  1. Iska hadloow inna igarre waxaad hadba meel farta ku fiiqdaaba hadalkii iyo gunaanadkii war bixintaadu waxeey noqotay qoraalkii akhristiisu indhaha ila madoobaadeen oo aan lahaa warbixin fajiciso ah baad aqkhirkii heleeysaa waxeey noqotay kkkk shicibka mudug iyo ciidamadu wada shaqeeyn kama dhaxeeyso

  2. Sida uu bog hore Prof Arar sharraxaadda kaga bixiyay, bulshadeena dagaal dadban oo fasahaadin salka ku haya ayay Itoobiya ku haysaa oo in qummaati la is kaga caabbiyo uu waajib nagu yahay. Anigu aad baan u saluugsanahay canshuurta shacabka Puntland ee lagu khasaarinayo xabsi geynta iyo maxkamadeynta mujrimiintan fasahaadka intaas la’eg nala maaggan.

    Waxaan ku talinayaa in jariimooyinka noocan ahi ay ku zuulaan oo keli ah shacabweynaha oo toos loogu fasaxo in uu tallaabada ugu horreysa ka qaado mujrimiinta khamriga iyo daroogada lagu qabto. Ciidamadu meel kasta xaadir kama aha oo muddo dheer ayaa aalaa la sugaa. Bulshadu ha noqoto ilaalada koowaad ee jiidda hore kaga jirta difaaca ehellladeeda, jiilkeeda soo koraya, iyo diinteeda ba. Waxaan ku talinayaa in bulshada iyo ciidamada loo fasaxo in ay mujrimiintaas barta lagu qabto ku khaarajiyaan iyada oo aan ciidamada lala sugin. Waliba isla khamrigooda inta lagu bilbilo taayarrada ha lagu dhex gamaariyo ama toos ha loo toogto si ay casharro ugu noqdaan kuwa kale ee jariimadan ku hawllan. Iga rumeysta in aanu jirin Xal kan ka duwan.

    Gobta Puntland ma aha shacabka ay Muuse Biixi iyo qawsaarradiisu fusuqa iyo fasahaadka amxaarada u fasaxeen.

  3. @Boodhari

    Waa ku salaamay sxb. Taladaas 100% waa kugu raacsanahay sababtoo ah bulshada ayadaa fusuqaan oo kale maalin kasta la kulanto oo kuwa waxaas ka ganacsada ka war haya. Askartu goob kasta ku ma sugnaan karto waxaana u sii dheer inay amniga guud difaaca ugu jiraan. Shicibka Gaalkacayo ayaku goobtey ku arkaan ha ku dilaaniin eydaan damiirku ka dhintay. Waa fikrad qayim ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*