Gudida doorashooyinka Puntland oo shaaciyey ururada soo baxay

GAROWE(P-TIMES)- Gudiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyey 10-ka urur siyaasadeed ee buuxiyey shuruudaha urur siyaasadeedyada Puntland laga rabo, waxaana ururadani ay noqonayaan urur siyaasadeedyada rasmiga ah ee Puntland ku tartami doona doorashada gollayaasha deegaanka.
War kasoo baxay xafiiska Gudiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa lagu shaaciyey in 15-kii bishii December ee sanadkii 2019 ay bilaabmatay, taas wareegeedii koowaad lagu soo af jaray 15-kii Maarso ee sanadkani 2o20.
Mar kale ayaa la bilaabay jawiga labaad ee diiwaan gelinta ururada siyaasada Puntland, waxaana habraaca ururadaasi iyo qaabka ay u shaqayn doonaanba kusoo baxay 10 urur siyaasadeed kuwaas oo maanta ay shaaciyeen gudidu sida lagu xusay warka kasoo baxay xafiiska Gudiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*