Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo magacaabis sameeyey

CADADO(P-TIMES)- Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa magacaabay gudi gaar oo qaabilsan qaban qaabada iyo dyaarinta kalfadhiga labaad ee gollaha Baarlamaanka Galmudug, kaas oo ka furmi doona caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Mr. Gacal ayaa magacaabay gudi ka kooban shan xubnood oo ka tirsan Baarlamanka Galmudug sida ki cad wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.

Xubnaha lagu magacaabay wareegtada Gacal ayaa waxaa kamid ah xildhibaan Cabdulqaadir Juune Barre, xildhibaan Axmed Cabdirisaaq Cabdullaahi, xildhibaan Axmed Maxamed Faarax, xildhibaan Xassan Xirsi Xaashi iyo xildhibaan Muxiyadiin Sheekh Cabdullaahi Cismaan.

Xildhibaanadani ayaa diyaarin doona kalfadhiga Baarlamaanka Galmudug, waxaana ay ku marti qadi doonaan xubno kala duwan halka uu kala qayb gali doona xildhibaanada kalfadhiga madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*