Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Shaqaalaha “Qofkasta oo kamid ah shaqaalaha dowladda isagaa go’aankeeda iska leh ururkuu ku biirayo”

GAROWE(P-TIMES)- Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Shaqaalaha Xoogsatada ah ee Puntland C/rashiid Sheekh Maxamed oo hadal ka jeediyey munaasibad shahaadooyin lagu gudoonsiinayey 10-ka urur siyaasadeed ee Puntland kasoo baxay ayaa sheegay in qof walba oo kamid ah shaqaalaha dowladda uu isagu xaq u leeyahay in uu kala doorto ururada uu ku biirayo dhanka siyaasadeeda.

“Urur siyaasadeedka xoog satada ah macnahoodu maahan qofka shaqaalaha ah oo kaliya ay uu kamid yahay dowladda macnaha qofka shaqaalaha ah wuxuu kamid noqon karaa xisbi kasta oo Puntland ka jira” Ayuu yidhi C/rashiid Sheekh Maxamed .

Gudoomiye C/rashiid Sheekh Maxamed ayaa xusay in ay la kulmeen dadyow badan oo kala duwan, kuwaas oo ay wax ka weydiiyeen dhanka shaqooyinkooda isla markaasna ka hor ahaan ay soo dhoweynayaan cid walba oo kusoo biiraysa iyaga.

Waxa uu ku baaqay gudoomiyuhu in ka urur ahaan ay kala soo qayb galaan dhamaanba gudoomiyaasha ururada siyaasada Puntland casuumad ay u fidin doonaan si looga wada arinsado mustaqbalka dhow iyo arimaha kale ee horyaala ururada siyaasada Puntland si qorshe midaysan ay ula hortagaan dhamaantood ka ururo ahaan gudida doorashooyinka Puntland.

Gudoomiye C/rashiid Sheekh Maxamed ayaa ku dheeraaday in ay muhiim tahay in hal mowqif laga wada yeesho xaalada Puntland, waxaana uu si gaar ah uga hadlay rajooyinka ku wareegsan ka gun gaadhida marxaladaha fog fog ee Puntland ay u hayaamayso xiliyada soo socda si doorasho qof iyo cod ah looga qabto deegaanada oo dhan.

Gudida doorashooyinka Puntland ayaa maanta shahaadooyinkooda urur siyaasadeed siiyey 10-ka urur ee kasoo baxay Puntland, waxaana munaasibada maanta ka qayb galay madaxweynayaashii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo C/weli Maxamed Cali Gaas, madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo xubno kamid ah gollaha wasiirada dowladda.