Imaaraadka Carabta oo Turkiga uga digay in uu faragelin ku sameeyo arimaha Carabta

LONDON(P-TIMES)- Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa Sabtida maanta ah sheegay in Turkigu uu joojiyo faragelinta uu ku hayo arrimaha Carabta, isagoo dhaleeceeyay hadalladii ka soo yeeray wasiirka gaashaandhigga ee Turkiga ee arrimaha Libya.

Warbaahinta Turkiga ayaa soo warisaay in wasiirka difaaca ee Turkigu uu hadallo dhalleeceyn ah u jeediyay ficillada Imaaraadka ee ku wajahan Libya.

Imaaraadka oo ay weheliyaan dalalka Masar iyo Ruushka ayaa taageeray taliyaha ciidamada bariga Libya Khalifa Haftar oo ciidankiisu ay dagaal kula jiraan ciidamada dowladda uu caalamku aqqoonsan yahay ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli.

Turkiga ayaa sare u qaaday taageerada uu siiyo dowladda Tripoli.

“Cilaaqaadyada laguma maareeyo hanjabaado, mana jirto meel aqbaleysa khiyaanooyinka gumeysiga cusub,” ayuu boggiisa Twitter-ka ku qoray Anwar Gargash.

2 Comments

  1. Oo Soomaalida carab miyaa marka Sheekh Cabdulraxmaan-Daarood laga reebo?

    Waar ilma-adeerayaaloow noo sameeya dawlad-yar oo Carab ah, qolodeenan reer Sheekh Cabdulraxmaan baan la hadlayaa, aan ka dhex baxno dadkan nalakusoo dhex tuuraye; bal Hargaysa eeg oo Muqdisha eeg. Laakiin qolodii Siciid-Barqash keenay oo DENI oo kale ah haddaan meesha keenno nagama soconayso, waxaa loo baahanyahay nin xoogaa yara carab-carab u eg sida DARAAWIISHta.

    • Waryaa hinraac faratoon yaa ka cabiidsan asagoo Dhulos ah? Stop talking shit man. Dhulos arent in any way better looking than other Somalis. Daarood intay Dhulos ku jiraan wax ma ahaan karaan that’s a fact. When will you stop ass licking Mugdisho and Hargeisa you assholes?

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*