Jeneral kasoo jeeda Puntland oo xil muhiim ah looga magacaabay Muqdisho.

MUQDISHO(P-TIMES) – Madaxweynaha dawladda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Jen, Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Afguduud) in uu noqdo taliyaha Qaybta Ilaalinta Canshuuraha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kana howlgali doona Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku amray dhammaan laamaha dawladda ee Ammaanka & Maaliyaddu in ay wada shaqeyn dhaw u muujiyeen Jeneraalkan, waxaana magacabidiisa ay ku soo beegantay xili si rasmi ah ay dawladda Faderaalka sare u qaaday la dagaalanka musuqmasuqa.

Jen, Afgaduud ayaa horey usoo noqday 2 jeer Taliyaha ciidamada Booliska Puntland, waxana xiliyadaas lagu xasuustaa in uu wax badan ka qabtay arrimaha la xariira ammaanka gudaha ee mandiqada.

Sidaas oo kale wuxuu noqday taliyaha guutada 60aad ee ciidamada Xooga dalka, isagoo hogaamiyay howlgalkii Maxaakiimtii Muqdisho looga qabsaday Iidaale (Baay) ilaa Afmadow (Jubadda Hoose), waxaana uu door weyn ku lahaa dibu dhiska ciidamada Xooga dalka.

 

1 Comment

  1. Xiliga kala guurka masulinta lamagaacabayo wa mid khatarteda leh,Madaxweyne Maxamed Abullahi Framajo,waxuu Donaya in uu Tagero uhelo sharci darada uu dhex maqurayo ama ku dhax jiro,waxad ogtihin 1980 Maxamed Siyad Barre Madaxweynihi Hore ee somaliya marku arkay xalada siyased arimaha tagan waxuu xilal umagacabay dad badan oo markii hore xirir kodu xuma,asago uga dan laha in uu isku badbadiyo,ama Rerka uu ka dhashay in aan bartilmamed laga dhigan,tasi waxay kentay Dagal sokeye oo Tarikh folxun & Burbur Baxad ween ukentay qof kasta oo somali ah,Haderna dhibti ka dhacday wali Diftedi somali kaso kaban ladahay,shaqo u’aburka Gen.Afgaduud waxay la xirirta in farmajo tagro uhelo belaha somaliyed oo marki hore uqorsheysnan asagoo donaya in uu dhibta uu wado kula so galgasho belo kamadax banan in uu umujiyo in Qabiil lugu rixiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*