LIVE U DAAWO:Xuska Kowda August oo ka socda Gaalkacyo & Madax ku sugan goobta

GALKACYO(P-TIMES)- Waxaa haatan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka socda munaasibad balaadhan oo lagu xusayo markii la aas aasay dowladda Puntland.

Goobta munaasibadu ka socoto ayaa waxaa ku sugan madaxda dowladda oo uu kamid yahay madaxweynaha Puntland, gudoonka Baarlamaanka, labadiisa ku xigeen, xildhibaano, wasiiro, siyaasiyiin, dhalinyaro, haween iyo marti sharaf kale.

Xuska dhismaha Puntland ayaa waxaa lagaga hadli doona marxaladihii ay soo martay dowladdu, waxaana deegaanada kala duwan iyo guud ahaanba Caalamka ka socda dabaal dagyo lagu weynaynayo Puntland oo 22 sano jirsatay.

Xuska sanad guurada Puntland

Xuska aasaaska Puntland

Posted by Puntland State TV on Saturday, August 1, 2020

2 Comments

  1. Waxaay ku fiicneyd in aay xaflaha joojiyaan in lagu jiro, Corona.
    Xajkii oo Cibaado Rabbi ah ayaa dartii loo joojiyeye miyaaysan arkeyn?

  2. Puntland Waa iney Joojisaa in Marwo Caasha Geele laga dhigo Xaawo Taako OO kale maadaama ay si khaldan u adeegasanayso magaca ah ka qayb galayaashii shirweynihii dhismaha Puntland. Waxaa ka muuqatay Ixtiraam la’aan sidii iney ka sarayso gabdhaha kale ee Puntland, Haddii ay doonayso meel kasta iney ka sheegto taariikh nololeedkeeda iyo halgankeeda ha qorto buugaag.

    Caasho ma tixgelin wakhtiga iyo dadka martida ah ee wakhtigooda iyo nabadnoodii iyo caafimaadkoodii u huray iney joogaan xafladdaas

    Waxaan ku talinayaa iney loo sheego caasha iney khalad samaysay.
    Adduunku maanta kaliya ma aha ee ha ogaato in ay fool xumo samayso mar walba oo ay meel fagaare ah looga yeero oo lagu maamuuso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*