Madaxweyne Qoor Qoor oo magacaabis hor leh sameeyey & Xubno laga sugayey oo….

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa habeenkii xalay ahayd magacaabay labada xubnood ee Galmudug u matali doona gudiga farsamada ee doorashooyinka dalka, waxaana madaxweynuhu labadaasi xubnood uu u magacaabay Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) iyo  Kamaal Daahir Xasan Guutaale sida ku cad dikreeto kasoo baxday xafiiskiisa.

Magacaabida labada masuul ee Galmudug u matali doona arimaha doorashada Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo la qorshaynayo in 15-ka bishan August ay ku balansan yihiin madaxda Soomaalidu shirka labaad ee Dhuusamareeb, kaas oo ay kuwada kulmi doonaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowladd goboleedyada.

Dowladd goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa magacaabay xubnihii uga mid noqon lahaa guddiga farsamada ee tala bixinta hanaanka doorashada, waxaana dhinac walba uu ku leeyahay xubnahaasi labada xubnood halka dowladda federaalku ay magacowday iyaduna afar xubnood oo u malati doona gudida doorashada iyo labo xubnood oo matalaya gobolka Banaadir, waxaana hada sidaas ku dhammaystiran gudiga farsamada oo dhan 16 xubnood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*